Deg deg: War Yidi-diilo leh oo kasoo baxaya Wada-hadalka ONLF iyo Itobiya.

Iyadoo meel xasaasiya ay marayaan wada-hadalada u dhexeeya Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia iyo mamulka Woyanaha oo saxaafadu dibad Joog katahay, ayaa waxaa soo baxaya xogo muhiima oo sheegaya in Kulamadii maanta dhex maray Labada dhinac ay ahaayeen kuwo si Hab-sami leh u socday.

Sida ay sheegayso xogta aanu Helay Ergada Labada dhinac ayaa isla meel dhigay inta badan Qodobadii maanta laga dooday oo uu kamid yahay Qodobka Afti ama Aayo-katalinta, kaasi oo maalinimadii shalay ahaa noqday caqabada 1-aad ee shirka lasoo daristay.

Ilo xog-ogaala oo kusugan madasha shirku kasocdo ayaa Ogaden24 u xaqiijiyay in Jawiga shirku yahay mid ay ka muuqato Yadidiilo iyo Rajo aad u Heer saraysa oo ka muuqata Ergada kala matalaysa Labada dhinac, kuwaasi oo marka laga yimaado daba kariixa Gudiga dhex-dhexaadinta muujinaya bisayl siyaasadeed oo laxidhiidha xal u Helida colaada Gaamurtay ee mudada dheer kasoo Taagnayd wadanka Ogadenia.

Dhinaca kale duhurnimada Bari ah ayaa lagu wadaa in Ergada kasocota dhinaca Jabhada ONLF ay shir Jaraa’id ku Qabtaan madasha shirku kasocda, waxaana xogta aanu Helayno ay sheegaysaa in Ergadu si Waafi ah uga xog warami doonaan Geedi socodka wada-xaajoodka oo Guud ahaan shacabka Somaaliyed oo kuwa Ogadenia ugu Horeeyaan ay si aada uga dhursugayaan.

Arimaha shirka iyo Kolba wixii kasoo Kordha kala soco Warbaahinta Ogaden24.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

Xubnaha OYSU IFO oo maanta shirkoodii billaha ahaa isugu yimid
- May 20, 2018
Ururka midawga Dhalinyarada & Ardayda Ogadenia ee OYSU laantiisa kahawl gasha Faraca M.Xorriyo ee ...
Waraaqo Bahir-Dar Lagu Daadiyay & Xaalada oo Kacsan.
- May 20, 2018
Wararka naga soo gaadhaya magaalada Bahardar ee xarunta Gobolka Axmaarada ayaa sheegaya in ay ...
Deg Deg Abiye Axmad oo Kala Diray Gudiyo Sharci Darro Ahaa.
- May 20, 2018
Wararka naga soo gaadhaya magaalada Addis Ababa ee xarunta Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in ...
Daawo Wararkii Ugu Dambeeyey Dhacdooyinka Todobaadka Dagaalka Tukaraq
- May 20, 2018
Waxaa Wali Lagu Kala Fogyahay Xaalada Colaadeed ee Soomaaliland Iyo Puntland Hadaba Daawo Wararkii ...
Daawo Muuqaal Qosol badan Bidaarta maxaa sababa
- May 20, 2018
Bal Nala Qosol Oo Daawo Muqaal Maad ah maxaa sababa Bidaarta
Daawo Cali Khaliif Galaydh Somaliland Anigaa Iska leh Cidna Marti ugama ihi 18 May
- May 20, 2018
Hogaamiyihii Horee Khaatumo  Cali Khaliif Galaydh ''Somaliland Anigaa Iska leh Cidna Marti ugama ihi'' Wuxuu ...
Al-Markaz Tabsira Waa madarisa Qu’aanka Kariimka ah Lagu Barto
- May 19, 2018
Al-Markaz Tabsira Waa madarisa Qu'aanka Kariimka ah Lagu Barto
Xiisad Kataagan Gobolka Binshangul & Hogaankii Nabadgaliyada oo Ladilay.
- May 19, 2018
Sida warar kaanagii hore aan kusoo tabinay waxaa Gobolka Binshangul ee dhaca koonfurta Itoobiya ...
Dagaal Dhimasho & Dhaawac Keenay oo Dhexmaray Axmaarada Iyo Tigreega.
- May 19, 2018
Wararka naga soo gaadhaya magaalada Gonder ee woqooyiga Gobolka Axmaarada ee wadanka Itoobiya ayaa ...
Jaaliyada Ogaadeniya ee Yamen oo Kulankoodii Caadiga Ahaa isugu Yimid.
- May 19, 2018
Waxaa kulankoodii caadiga ahaa isugu yimaaday jaaliyada Ogaadeniya ee wadanka yamen waxaana lagu qabtay ...