Qiso Murugo Leh xasuus tii Gaamurtay iyo xadgudubkii askarta Tigrayga Magaalada FiiQ Gobolka Nogob By Anas Xaad.

xasuus tii Gaamurtay iyo xadgudubkii askarta Tigrayga Magaalada FiiQ Gobolka Nogob By Anas Xaad.

Goobtu waa magalada Fiiq maxasuusto tarikhda Maalintaas dhab ahaan lakin waxay ahayd wakhti casar ah oo roob yar da ay, sida caadada ahayd waxan soo tukunay saladi casar aniga iyo laba wiil oo kale , waxaan soo fadhiisanay meel shaah laga cabo oo barax ah si halkaas ugu sheekaysano, waxaa halkaas fadhiyay dadkale oo badan, magalada wakhtigaas waxay kujirtay cabsi, dadka inta ladilay ama xabsi kujirta moyee intakle qalfoof socda ayay ahayeen oo ay raganimada iyo rajadu labadaba ka dhamaatay, magaalada waxa ka taliya sargaal Tigray ah, oo Araga naafo ka ahaa (il la’aa) wadankana looga yaqanay (illaw) sida maqaal igu ah waxa uu ku dhaawacmay dagaaladii cuslaa ee wakhtigaas u dhaxeeyay Ururka ONLF iyo cidamadii tigrayga.

Ninkaas waxa uu samayn jiray waxa uu rabo, waxuu dili jiray cida uu rabo, waxa una ciqaab adag marin jiray qofkasta oo loga shakiyo ONLF inuu yahay ama la arko in ay dadnimo kujirto, intaas oo dhan waxay ahayd nolol malmeedka dadka ama shacabka ku dhaqan magalada Fiiq ee Goolka Nogob, waxayna noo noqotay caado ahaan sidii iyada oo ilaahayba noo qoray oo kale oo aanan wax ba samayn karin, waxaa makhraati ka ah arin kaas qofkasta oo maanta da dayda ah oo reer Fiiqeed ah ah.

Hadaba hadaan shekadii dib ugu soo laabto arinta maskaxdayda aan ka go’ayn waligay waxay ahayd, halkii anagoo fadhina shaahna ka cabayna ayaa waxaa so maray gabadh uuu dhalay imaamkii magaalada FIIQ, Gabadha waxa uu magaceeda ahaa (Amaal), waxay ahayd xafidul quraan (Xaafid) gurigoodana lagu barto diinta iyo quranka, gabadh diinleh oo ilahay xushmad iyo xishood u dhaliyay, marka way xijabnayd waxayna soo martay hortaanada, waxa hadaba meel aanan ka fogayn fadhiyay sargaalkii tigray ga ahaa, ee isha la’aa oo ay waheliyaan 3 somali ah, una adegsan jiray sida Ay (Dog) la taba baray ciduu rabaana usoo qaban jiray, waan xasusta magacoda lakin muhim ma ahan inan halkan ka sheego hada.

Wuu so orday ninki tigrayga ahaa isaga iyo sedexdii nin ee kale waxa uuna indhaha ka dharbaaxay gabadhiii, dhulka ayay ku dhacday waxu ku dul jarjaray xijaabkii kasoo isaga oo ku qoslaya qayladeeda oo ahayd ( Alla iga qabtay maysan rag ahayn) kuna maadsanaya gabadha oo hinteeda, waxa uu dalbaday gaas iyo kibriid halkii ayuuna ku gubay xijaabkii iyo sharaftiii gabadha.

Waan xasuustaa malintaas waxaa iga kacday jidhidhacyo,waxaan ku idhi gabadhii shaaha nasiin haysay walal shalmad ma haysaa, gabadhii oo kaligeed meel fadhida ayan dusha ka saray, aniga oo ilmo igu tagan tahay wax na qabin karin,markan soo labtay ayay igu dhahday gabadhii shaaha huuno waxba hala murugoon (waa rageena ninkii qabay ninkani) ayadoo ula Jeeda Waa Haweenki Tigrayga oo Damiir male.

Waxa iga yaabiyay ma ahayn sargaalka sidaas sameyay waxa iga yaabiyay waxa u ahaa ( sargaalka waxa uu ahaa kaligii waxaa ku hareer sanaa kabadan 100 nin oo ilma adeeradeed ah ninkastana hoos ayuu u fooraraa dhulka ayuuna xariiqayaa, majiro qof hadli kara kaga darane kibridkii iyo gaaskii ayaba loola soo orday).

maalintaas waa malin aanan waligay ilaawayn inkasta oo ay jiraan dhacdoyin ka xanuun badan taas, hadana tan ayaa igu reebtay xusuus gaar ah balana waxaan ku qaaday inaan ninkaas ka aar goosto malinay ahaataba.

Ciilka iyo colaadu waa dhaxal aan awaw ka awaw kaso gaadhay lakin waxaan ku dadaalayaa inaanan ilmahayga dhaxal siin ciilkii awawgay, aabahay iyo aniguba aan soo marray.

waan hubaa dadkayga iyo dalkayga dhibka so gaadhay ma soo gaadhin qomiyad kale, ma ahayn Fiiq kaliya waxa ka sinaa magaala kasta oo ku taaala dhulkayga.

Marka gaba gabadii waxaan idin lee yahay indhaha fura oo,hala kaco dadkaygaw tii shalay idin so martay iyo tan maanta idin haysata labadaba ka dhiidhiya, waxaa lajoogaa wakhtigeedii isku duubni iyo midnimo la muujin lahaa si loo difaaco dadnimadeena, sharafteena iyo diinteenaba.

W/Q. #Anas #Xaad Ahaana Goob joogaha Dhacdadan ka waramaya.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

Saraakiishii Tigreega Ahaa oo Labahdilay & Samore Yonis oo Cabanaya.
- May 22, 2018
Wararka naga soo gaadhaya wadanka Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in saraakiisha ciidamada wayaanaha uu ...
Daawo Ethiopia Oo Loo Raray Kaydkii Shidaalka Haamaha Berbera Ee Somaliland
- May 22, 2018
Waxaa Laga soo Darinaayay In Shidaal La'aan ba'ani Kajirto Ethiopia Hadaba waxaa soo baxaysa ...
Daawo DEG DEG Sheikh Hassan Dahir Aweys oo Ammaan kala Dul dhacay Amina Muse & Naimo Qorane
- May 22, 2018
Sheikh Hassan Dahir Aweys oo Xabsi Guri ku Ah Magaalada Muqdisho ayaa Ammaan kala ...
Dalkii 3aad oo Safaaradiisa Ka Furtay Magaalada Al-Qudus.
- May 22, 2018
Dalka Paraguay ayaa shalay safaarad ka furtay magaalada Qudus, wuxuuna noqday dalkii saddexaad ee ...
Roobab Duufaan Watay oo Soomaaliya Ku Dhuftay & Khasaare Ka Dhashay.
- May 22, 2018
In ka badan 20 qof ayaa la rumaysan yahay inay ku geeriyootay halka kumannaan ...
Musuq-Maasuq Hadheeyay Masuuliinta Soomaaliyeed.
- May 22, 2018
Iyadoo lagu wado in 28ka bishan May magaalada Geneva ee dalka Switzerland uu ka ...
Saraakiishii Tigreega Ahaa oo Labahdilay & Samore Yonis oo Cabanaya.
- May 22, 2018
Wararka naga soo gaadhaya wadanka Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in saraakiisha ciidamada wayaanaha uu ...
DEG DEG Daawo Madaxweyne Erdogen oo Shirqool dil ka Bad Baadey
- May 21, 2018
Waxaa horay Loogu Guul Daraystay Iskuday Afgambi Kadhan ahaa Madaxwayne Ordogan Hadana waxaa soo ...
Daawo Risal Wasaaraha Ethiopia Oo Soo Daayey 1,000 Maxaabiis Ethiopian Ah Oo Ku Xirnaa Saudi Arabia
- May 21, 2018
Dhaq Dhaqaaq yada Cusub ee uu layimid Risal Wasaaraha Ethiopia Waxaa Kamida Soodaynta 1,000 ...
Daawo Magaalada Godey oo Bisha Ramadaan Waxaa kusoo Batay Furniinka Dumarka
- May 21, 2018
Magaalada Godey oo Bisha Ramadaan Waxaa kusoo Batay Furniinka Dumarka