Deg Deg Guddoomiye Jawaari” Waxaa noo qorsheysan dib u dejinta Dastuurka iyo federaalaynta Dalka”

Afhayeenka golaha shacabka Soomaaliyeed Maxamed Sh, Cusmaan Aaden (Jawaari) oo Maanta ka hadlayay furitaanta kalfadhiga 3aad ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa xukuumadda federaalka ka codsaday inay dardar geliso ballan qaadyo dhowr ah oo ay soo jeediyeen kal fadhigii kan ka horreeyay.

Mudane; Jawaari ayaa sheegay in muddada yar ee ay haystaan inta lagu gudo jira kalfadhigaan ay isku dayi doonaan , dib u dejinta dastuurka, habaynta hay’adaha difaaca Dalka, sal u dhigidda fadaraalaynta Dalka , Dimoqaraadiyeynta Soomaaliya, ka go’aan gaaridda maqaamka Magaala madaxda Dalka ee Muqdisho.

Guddoomiye Jawaari ayaa si weyn ugu nuux-nuuxsaday in loo baahan yahay in siyaasadda difaaca Dalka iyo hay’adaha ku shaqada leh wax laga beddelo maaddaama aysan xilligani la jaan qaadi Karin shuruucdii ka degsanayd muddadii u dhexeysay 1960 illaa 1972.

Wuxuu guddoomiye Jawaari ammaan ballaadhan usoo jeediyay Baarlamanka 10 aad oo uu ku tilmaamay inay ka shaqa badan yihiin kii 9aad 42%, wuxuuna intaa raaciyay inay meel mariyeen muddadii yarayd ee ay shaqaynayeen 33 go’aan, halka Baarlamankii kan ka horreeyayna ay meel mariyeen 14 oo keliya.

Prof: Jawaari ayaa dul istaagay wax qabadkii xukuumadda oo ay ka mid yihiin soo deynta maxaabiis Soomaaliyeed oo ku xirnayd Dalal shisheeye, hir gelinta xarumo Dowladeed oo aad u fara badan, goobahaas oo ay booqasho ku tageen xubnaha Labada Aqal ee Baarlamanka.

Dhismaha garsoor madax bannaan oo uu shacabku ku kalsoonaan karo, ayuu sheegay Guddoomiye Jawaari inuu udub dhexaad u yahay hannaanka Dowladnimada , isla markaana loo baahan yahay in dib eegis lagu sameeyo Garsoorka Dalka.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay sidoo kale in shuruucda haatan loo maro nabadaynta Dadka loo baahan yahay in dib u sixid lagu sameeyo , maddaama uusan xilligan Dalka ka shaqayn karin qodobka ka degsan dib u heshiisiinta wadciga jira awgii.

Safarkii uu Madaxweynaha ku tagay qaybo ka mid Gobollada Dalka ayuu guddoomiyhu ku sheegay guul Taariikhi ah oo u soo hoyatay Ummadda Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay inuu Safarkiisu qayb ka ahaa dib u heshiisiinta Dadka Soomaaliyeed.

Guddoomiye Jawaari ayaa ugu dambayntii ka codsaday R/wasaaraha iyo guddiyada u xilsaaran dib u heshiisiinta iyo dib u eegista Dastuurka inay dardar geliyaan soo gudbinta Ajandayaashaas, si uu Baarlamanku ugu doodo una meel mariyo, isagoo codsaday in lagu dhaqaaqo ballan qaadyadii ay hore u samaysay xukuumadda.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

Saraakiishii Tigreega Ahaa oo Labahdilay & Samore Yonis oo Cabanaya.
- May 22, 2018
Wararka naga soo gaadhaya wadanka Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in saraakiisha ciidamada wayaanaha uu ...
Daawo Ethiopia Oo Loo Raray Kaydkii Shidaalka Haamaha Berbera Ee Somaliland
- May 22, 2018
Waxaa Laga soo Darinaayay In Shidaal La'aan ba'ani Kajirto Ethiopia Hadaba waxaa soo baxaysa ...
Daawo DEG DEG Sheikh Hassan Dahir Aweys oo Ammaan kala Dul dhacay Amina Muse & Naimo Qorane
- May 22, 2018
Sheikh Hassan Dahir Aweys oo Xabsi Guri ku Ah Magaalada Muqdisho ayaa Ammaan kala ...
Dalkii 3aad oo Safaaradiisa Ka Furtay Magaalada Al-Qudus.
- May 22, 2018
Dalka Paraguay ayaa shalay safaarad ka furtay magaalada Qudus, wuxuuna noqday dalkii saddexaad ee ...
Roobab Duufaan Watay oo Soomaaliya Ku Dhuftay & Khasaare Ka Dhashay.
- May 22, 2018
In ka badan 20 qof ayaa la rumaysan yahay inay ku geeriyootay halka kumannaan ...
Musuq-Maasuq Hadheeyay Masuuliinta Soomaaliyeed.
- May 22, 2018
Iyadoo lagu wado in 28ka bishan May magaalada Geneva ee dalka Switzerland uu ka ...
Saraakiishii Tigreega Ahaa oo Labahdilay & Samore Yonis oo Cabanaya.
- May 22, 2018
Wararka naga soo gaadhaya wadanka Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in saraakiisha ciidamada wayaanaha uu ...
DEG DEG Daawo Madaxweyne Erdogen oo Shirqool dil ka Bad Baadey
- May 21, 2018
Waxaa horay Loogu Guul Daraystay Iskuday Afgambi Kadhan ahaa Madaxwayne Ordogan Hadana waxaa soo ...
Daawo Risal Wasaaraha Ethiopia Oo Soo Daayey 1,000 Maxaabiis Ethiopian Ah Oo Ku Xirnaa Saudi Arabia
- May 21, 2018
Dhaq Dhaqaaq yada Cusub ee uu layimid Risal Wasaaraha Ethiopia Waxaa Kamida Soodaynta 1,000 ...
Daawo Magaalada Godey oo Bisha Ramadaan Waxaa kusoo Batay Furniinka Dumarka
- May 21, 2018
Magaalada Godey oo Bisha Ramadaan Waxaa kusoo Batay Furniinka Dumarka