Qoomiyadaha Guji & Kori oo La Isku Diray Iyo Xiisad Magaalada Lagadaafo Kataagan.

Sida xogta aan kuhelayno kooxda dhiiga shacabka kaganacsata ee TPLF ayaa isku dirtay qoomiyadaha Guji iyo Kori oo wadaaga xuduud dheer isla markaana mudo dheer ahaa dad walaalo ah oo is dhex mara, isla markaana wadaaga dhaqan, dhul iyo dadba.

Warka ayaa intaas kudaraya in maleeshiyaadka labada qoomiyadood ay isu adeeg sadeen hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana lawarinayaa in dagaalkan ay kunaf waayeen dad badan halka dhaawucuna uu tiro beelay, sidoo kale waxaa dagaalkan kuburburtay hanti aad ubadan.

Labadan qoomiyadood oo kukala abtirsada qoomiyada Oromada iyo shucuubta Koonfureed ayaa dabayaaqadii sanadkii hore kudagaalamay isla deegaanka ay hada kudagaalameen waxaana lasheegayaa in kooxda TPLF ay iska horkeenka qoomiyadahaas u adeegsatay maskax iyo dhaqaale badan.

Kooxda TPLF ayaa caanku ah isku dirka qoomiyadaha daris wadaagta ah, waxaana laxasuusan yahay in dagaalo waawayn ay dhex mareen qoomiyadaha Oromada iyo Soomaalida, Oromada iyo Sidamada, Axmaaraa iyo Gambella iyo Soomaalida iyo Canfarta, kuwaas oo dagaalo dhiigbadani uu kudaatay ay dhex mareen.

Dhinaca kale wararka aan kahelayno magaalada Lagadaafo oo kutaala duleedka magaalada Addis Ababa ayaa sheegaya in xiisad cusub ay kadhex bilaabatay taliska wayaanaha iyo dad shaqaale ah oo kashaqeeya warshad kutaala magaalada Lagadaafo.

Sida warku uunagu soo gaadhay ciidanka dhaqanka xun ee Agaziga looyaqaano ayaa shaqaalaha warshada ku amray in ay Sabtida iyo Axada kushaqeeyaan si bilaash ah taas oo ay kusababeeyeen in ay shaqaaluhu taageereen dadwaynihii shaqo joojinta kawaday guud ahaan wadanka.

Guntii iyo gunaanadkii waxaa maalinba maalinta kadambaysa kasii daraya xaalada wadanka gumaysiga Itoobiya, taas o lasheegay in loogu dowgalay kooxda dhagar qabe yaasha ah ee TPLF.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

Saraakiishii Tigreega Ahaa oo Labahdilay & Samore Yonis oo Cabanaya.
- May 22, 2018
Wararka naga soo gaadhaya wadanka Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in saraakiisha ciidamada wayaanaha uu ...
Daawo Ethiopia Oo Loo Raray Kaydkii Shidaalka Haamaha Berbera Ee Somaliland
- May 22, 2018
Waxaa Laga soo Darinaayay In Shidaal La'aan ba'ani Kajirto Ethiopia Hadaba waxaa soo baxaysa ...
Daawo DEG DEG Sheikh Hassan Dahir Aweys oo Ammaan kala Dul dhacay Amina Muse & Naimo Qorane
- May 22, 2018
Sheikh Hassan Dahir Aweys oo Xabsi Guri ku Ah Magaalada Muqdisho ayaa Ammaan kala ...
Dalkii 3aad oo Safaaradiisa Ka Furtay Magaalada Al-Qudus.
- May 22, 2018
Dalka Paraguay ayaa shalay safaarad ka furtay magaalada Qudus, wuxuuna noqday dalkii saddexaad ee ...
Roobab Duufaan Watay oo Soomaaliya Ku Dhuftay & Khasaare Ka Dhashay.
- May 22, 2018
In ka badan 20 qof ayaa la rumaysan yahay inay ku geeriyootay halka kumannaan ...
Musuq-Maasuq Hadheeyay Masuuliinta Soomaaliyeed.
- May 22, 2018
Iyadoo lagu wado in 28ka bishan May magaalada Geneva ee dalka Switzerland uu ka ...
Saraakiishii Tigreega Ahaa oo Labahdilay & Samore Yonis oo Cabanaya.
- May 22, 2018
Wararka naga soo gaadhaya wadanka Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in saraakiisha ciidamada wayaanaha uu ...
DEG DEG Daawo Madaxweyne Erdogen oo Shirqool dil ka Bad Baadey
- May 21, 2018
Waxaa horay Loogu Guul Daraystay Iskuday Afgambi Kadhan ahaa Madaxwayne Ordogan Hadana waxaa soo ...
Daawo Risal Wasaaraha Ethiopia Oo Soo Daayey 1,000 Maxaabiis Ethiopian Ah Oo Ku Xirnaa Saudi Arabia
- May 21, 2018
Dhaq Dhaqaaq yada Cusub ee uu layimid Risal Wasaaraha Ethiopia Waxaa Kamida Soodaynta 1,000 ...
Daawo Magaalada Godey oo Bisha Ramadaan Waxaa kusoo Batay Furniinka Dumarka
- May 21, 2018
Magaalada Godey oo Bisha Ramadaan Waxaa kusoo Batay Furniinka Dumarka