Bayaan Kooxda OPDO Kasoo Baxay oo Taliska Wayaanaha Lagu Cambaareeyay.

Wararka naga soo gaadhaya magaalada Naziret (Adama) ee xarunta Gobolka Axmaarada ayaa sheegaya jawaab kulul oo kasoo baxday kooxda OPDO ee sheegata in ay matalaan shacabka dulman ee ree Oromia.

Bayaan kasoo baxay kooxda dabaqoodhiga ah ee OPDO ayaa siwayn loogu dhaleeceeyay xasuuqii ciidanka wayaanuhu ay ka gaysteen magaalada Moyale ee dhulka Oromada, waxaana bayaanka lagu sheegay in ciidanka wayaanuhu ay si badheedh ah ulaayeen dad shacab ah.

Bayaanka kasoo baxay kooxda OPDO oo luuqad adag lagu qoray ayaa lagu sheegay in taliska wayaanaha looga fadhiyo jawaab shacabka Oromia qancisa, iyo wali wax kaqabad muuqda oo wax laga qabto ciidanka wayaanaha ee falkan fuliyay.

Wasiir kusheega warfaafinta ee waxa loogu yeedho ismaamulka Oromada Taye Dandane ayaa sheegay in talaabadan dadka shacabka ah lagu xasuuqay ay ahayd mid badheedh ah, isla markaana amarka laga soo bixiyay magaalada Addis Ababa, wuxuuna sheegay in ay laxisaab tamayaan dadkii kadambeeyay falkan waxshi nimada ah.

Dhinaca kale kooxda talada wadanka xooga kumaamusha ayaa sheegtay in dilka kadhacay magaalada Moyale uu ahaa mid si khalad ah kudhacay isla markaana ay baadhitaan kusamayn doonaan wixii meesha kadhacay.

Hadalka kasoo yeedhay kooxda dabaqoodhiga ah ee OPDO ayaa siwayn ujabinaya go’aankii xukuumada wayaanaha ee ahaa in maamul hoosaadyadu aysan hadli karin inta uu jiro xukunka dag daga ah ee wadanka lagu soo rogay go’aankaas oo sicad ay Oromadu iskaga dhaga tirtay.

Dhinaca kale dhalinyaro abaabulan ayaa dil aar goosi ah kasamaysay magaalada Moyale, halkaas oo lagu dilay mid kamid ah ciidanka wayaanaha mid kalana lagu dhaawacay.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

Saraakiishii Tigreega Ahaa oo Labahdilay & Samore Yonis oo Cabanaya.
- May 22, 2018
Wararka naga soo gaadhaya wadanka Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in saraakiisha ciidamada wayaanaha uu ...
Daawo Ethiopia Oo Loo Raray Kaydkii Shidaalka Haamaha Berbera Ee Somaliland
- May 22, 2018
Waxaa Laga soo Darinaayay In Shidaal La'aan ba'ani Kajirto Ethiopia Hadaba waxaa soo baxaysa ...
Daawo DEG DEG Sheikh Hassan Dahir Aweys oo Ammaan kala Dul dhacay Amina Muse & Naimo Qorane
- May 22, 2018
Sheikh Hassan Dahir Aweys oo Xabsi Guri ku Ah Magaalada Muqdisho ayaa Ammaan kala ...
Dalkii 3aad oo Safaaradiisa Ka Furtay Magaalada Al-Qudus.
- May 22, 2018
Dalka Paraguay ayaa shalay safaarad ka furtay magaalada Qudus, wuxuuna noqday dalkii saddexaad ee ...
Roobab Duufaan Watay oo Soomaaliya Ku Dhuftay & Khasaare Ka Dhashay.
- May 22, 2018
In ka badan 20 qof ayaa la rumaysan yahay inay ku geeriyootay halka kumannaan ...
Musuq-Maasuq Hadheeyay Masuuliinta Soomaaliyeed.
- May 22, 2018
Iyadoo lagu wado in 28ka bishan May magaalada Geneva ee dalka Switzerland uu ka ...
Saraakiishii Tigreega Ahaa oo Labahdilay & Samore Yonis oo Cabanaya.
- May 22, 2018
Wararka naga soo gaadhaya wadanka Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in saraakiisha ciidamada wayaanaha uu ...
DEG DEG Daawo Madaxweyne Erdogen oo Shirqool dil ka Bad Baadey
- May 21, 2018
Waxaa horay Loogu Guul Daraystay Iskuday Afgambi Kadhan ahaa Madaxwayne Ordogan Hadana waxaa soo ...
Daawo Risal Wasaaraha Ethiopia Oo Soo Daayey 1,000 Maxaabiis Ethiopian Ah Oo Ku Xirnaa Saudi Arabia
- May 21, 2018
Dhaq Dhaqaaq yada Cusub ee uu layimid Risal Wasaaraha Ethiopia Waxaa Kamida Soodaynta 1,000 ...
Daawo Magaalada Godey oo Bisha Ramadaan Waxaa kusoo Batay Furniinka Dumarka
- May 21, 2018
Magaalada Godey oo Bisha Ramadaan Waxaa kusoo Batay Furniinka Dumarka