Deg Deg: Kacdoon Shacab oo Gobolka Shiniile Kabilowday & Dhalinyaro Laxidh Xidhay.

Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Shiniile ee dhaca woqooyi galbeed ee wadanka Ogadenia ayaa sheegaya kacdoon shacab oo magaalada Shiniile iyo deegaanada kuxeeran kabilowday, kaas oo wal wal hor leh kudhaliyay taliska wayaanaha iyo kuwa u adeegta.

Sida xogta aan kuhelayno dhalinyaro abaabulan oo udhalatay Gobolka Shiniile ayaa bilowday kacdoon wax iska caabin ah oo ay kaga soo horjeedaan xukuumada dadka iyo dalka lahadhay ee wayaanaha iyo kuwa aan damiirka lahayn ee shacabka lagu gumaado ee magaca Soomaaliga wata.

Dhalintan abaabulan ayaa lasheegayaa in ay kajiraan guud ahaan Gobolka Shiniile, waxaana lasheegayaa in ay dhalintu u abaabulan yihiin qaab wax iska caabin, iyagoo sheegay in ay dagaal dhankasta ah kuqaadi doonaan ciidamada wayaanaha iyo kuwa magaca Soomaaliga wata ee Gobolka kahowl gala.

Kooxda TPLF oo awalba ladaalaa dhacaysay kacdoono shacab oo waawayn oo howlihii xukuumada ragaadiyay ayaa bilowday olole dhalinta Gobolka Shiniile kadhan ah oo balaadhan, waxaana lasheegayaa in ay xabsiyada dhigeen qaar kamid ah dhalinta Gobolka ee lagu tuhunsan yahay in ay abaabulka wax iska caabinta wadaan.

Sida xogta aan kuhelayno ciidanka wayaanaha ayaa xidh xidhay dhalinyaro aad ubadan waxaana magacyadooda helay qaar kamid ah dhalinta laxidh xidhay kuwaas oo kala ah
1 Xuseen Cumar
2 Daahir Fure
3 Cilum Cumar
4 Maryama Cige
5 Jaamac Xassan Bou
6 Mumin Cumar, iyo waliba dhalin yaro kale oo aad ubadan.

Dhinaca kale shacabka dulman ee Soomaalida Ogadenia ayaa lasheegayaa in meel ay joogaanba uu kujiro dareenka wadani nimo iyo waliba talaabada ugu haboon ee ay kaqaadi doonaan kadib burburka soo wajahay wadanka gumaysiga Itoobiya, waxayna shacabku bilaabeen katashiga hanashada ciidooda xooga lagu haystay mudada dheer.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

Saraakiishii Tigreega Ahaa oo Labahdilay & Samore Yonis oo Cabanaya.
- May 22, 2018
Wararka naga soo gaadhaya wadanka Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in saraakiisha ciidamada wayaanaha uu ...
Daawo Ethiopia Oo Loo Raray Kaydkii Shidaalka Haamaha Berbera Ee Somaliland
- May 22, 2018
Waxaa Laga soo Darinaayay In Shidaal La'aan ba'ani Kajirto Ethiopia Hadaba waxaa soo baxaysa ...
Daawo DEG DEG Sheikh Hassan Dahir Aweys oo Ammaan kala Dul dhacay Amina Muse & Naimo Qorane
- May 22, 2018
Sheikh Hassan Dahir Aweys oo Xabsi Guri ku Ah Magaalada Muqdisho ayaa Ammaan kala ...
Dalkii 3aad oo Safaaradiisa Ka Furtay Magaalada Al-Qudus.
- May 22, 2018
Dalka Paraguay ayaa shalay safaarad ka furtay magaalada Qudus, wuxuuna noqday dalkii saddexaad ee ...
Roobab Duufaan Watay oo Soomaaliya Ku Dhuftay & Khasaare Ka Dhashay.
- May 22, 2018
In ka badan 20 qof ayaa la rumaysan yahay inay ku geeriyootay halka kumannaan ...
Musuq-Maasuq Hadheeyay Masuuliinta Soomaaliyeed.
- May 22, 2018
Iyadoo lagu wado in 28ka bishan May magaalada Geneva ee dalka Switzerland uu ka ...
Saraakiishii Tigreega Ahaa oo Labahdilay & Samore Yonis oo Cabanaya.
- May 22, 2018
Wararka naga soo gaadhaya wadanka Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in saraakiisha ciidamada wayaanaha uu ...
DEG DEG Daawo Madaxweyne Erdogen oo Shirqool dil ka Bad Baadey
- May 21, 2018
Waxaa horay Loogu Guul Daraystay Iskuday Afgambi Kadhan ahaa Madaxwayne Ordogan Hadana waxaa soo ...
Daawo Risal Wasaaraha Ethiopia Oo Soo Daayey 1,000 Maxaabiis Ethiopian Ah Oo Ku Xirnaa Saudi Arabia
- May 21, 2018
Dhaq Dhaqaaq yada Cusub ee uu layimid Risal Wasaaraha Ethiopia Waxaa Kamida Soodaynta 1,000 ...
Daawo Magaalada Godey oo Bisha Ramadaan Waxaa kusoo Batay Furniinka Dumarka
- May 21, 2018
Magaalada Godey oo Bisha Ramadaan Waxaa kusoo Batay Furniinka Dumarka