Dagaal Wayaanaha Loogu Awood Sheegtay oo Gobolka Axmaarada Kadhacay.

Wararka naga soo gaadhaya Dagmada Odite ee Gobolka Gojam ee dhulka Axmaarada ayaa sheegaya in dagaal khasaare gaystay oo dhex maray ciidamada wayaanaha iyo kuwa jabhadaha wax iska caabinta ee Goboladaas ka dhaq dhaqaaqa.

Sida xogta aan kuhelayn Jabhada u dagaalanta xoraynta dhulka Axmaarada ee ADA ayaa weerar kuqaaday ciidamada wayaanaha ee saldhigoodu yahay Dagmada Odite, halkaas oo ciidanka gumaysiga khasaare balaadhan lagu gaadhsiiyay.

Afhayeen u hadlay Jabhada ADA ee kadagaalanta Gobolka Axmaarada ayaa sheegay in dagaalkii Odite kadhacay ay ciidankoodu ku gacan sareeyeen, wuxuuna afhayeenku xusay in ay lawareegeen hub iyo saanad ciidan oo kale.

Afhayeenka Jabhada ADA ayaa sidoo kale sheegay in ay sare uqaadayaan howl galada ay kawadaan Gobolka Axmaarada, kuwaas oo ladoonayo in lagu xoreeyo qoomiyada xabashida iyo dhukeediiba, wuxuuna afhayeenku sheegay in ay weerareen fadhiisimo badan oo ciidanka wayaanuhu ay lahaayeen.

Ciidamada wayaanaha ee Gobolka Axmaarada kusugan ayaa lasheegayaa in ay dareemeen culaysyo badan, kadib markii ay soobateen jabhadaha hubaysan ee kadagaalama dhulka Axmaarada, kuwaas oo ay ugu xoogbadan tahay Jabhada Ginbot 7 oo iyadu in badan dagaalka kusoo jirtay.

Dhinaca kale isku dhac ayaa laga soo sheegayaa xuduuda Canfarta iyo Tigreega, halkaas oo sida lasheegay ay isku fara saareen dadka shacabka ah ee Canfarta iyo ciidanka Agaziga, waxaana lasheegayaa in tiro ciidanka gumaysiga ah ladilay.

ONA.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

War deg deg ah Bashiir_Ahmed_Makhtal ayaa hadda ka degay dalka Canada isaga oo 12 sano dulmi ugu xidhnaa Itoobiya.
- Apr 21, 2018
? Marka hore waxaa mahad oo dhan iska leh Allaah -swt, oo qaddaray ...
Vladimir Putin oo Diyaar U Ah Inuu Trump La Kulmo.
- Apr 21, 2018
Wasiirka Arimaha Dibada Ruushka Sergei Lavrov ayaa sheegay in madaxweyne Vladimir Putin uu doonayo ...
Falastiiniyiin Lagu Dilay Xadka Gaza & Israa’iil.
- Apr 21, 2018
Mas’uuliyiinta caafimaadka ee marinka Qaza ee Falastiin ayaa sheegay in afar qof oo Falastiniyiin ...
Wariye Caan Ah oo Lagu Bahdilay Garoonka Diyaaradaha Ee Addis Ababa & Dad Lalaayay.
- Apr 21, 2018
Wararka naga soo gaadhaya magaalada Addis Ababa ee xarunta Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in ...
Kacdoonkii Shacabka Gobolka Shiniile oo Dagmooyin Hor Leh Kufiday.
- Apr 21, 2018
Wararka naga soo gaadhaya Dagmada Shiniile ee xarunta Gobolka Siti ayaa sheegaya in kacdoonkii ...
Ururka ONLF waxaa la Aas-aasay sanadkii 1984. wuxuu halganka hubaysan billaabay sanadkii 1994. ujeeddada loo Aas-aasay Ururka waa inay dadka Soomaaligalbeed (Ogaadeeniya) helaan Aayo-katashi.
- Apr 21, 2018
Muddadii uu Ururku jiray wuxuu soo maray marxalado isugu jira dibu-dhac iyo horu-kac si ...
Kacdoonkii Shacabka Gobolka Shiniile oo Dagmooyin Hor Leh Kufiday.
- Apr 21, 2018
Wararka naga soo gaadhaya Dagmada Shiniile ee xarunta Gobolka Siti ayaa sheegaya in kacdoonkii ...
JIG JIGA. FARIN KA TIMID ABDI ILAY, BAHDIL IYO AFXUMO WAAN KU OGGAA BALSE CAFIS IYO GARASHO FOG MAYA.
- Apr 20, 2018
Isagoo hogaanka nabad galyada ayuu ku rad jooggay siduu dacwad halis ah ugu sameyn ...
Daaawo Wararkii Ugu Dambeeyay Oo Kusaabsan Xaalada Ethiopia
- Apr 20, 2018
Daaawo Wararkii Ugu Dambeeyay Oo Kusaabsan Xaalada Ethiopia
Deg Deg Daawo Soomaaliland oo Xabsiga Dhigtay Boqor Buurmadaw
- Apr 20, 2018
Maamulka Soomaaliland Oo Aalaaba Xarig la beegsada Dadka Magaca Bulshada Kudhex Leh Ee Aada ...