Mareykanka: Jawaab milatari ayaan ka bixin doonaa weerarkii kiimikada Suuriya

Maraykanka ayaa sheegaya “inuu ka baaraandegayo xaalad kasta oo u furan” si uu uga jawaabceliyo weerarka la tuhunsan yahay in loo adeegsaday hubka kiimikada ah ee ka dhacay Suuriya, xilli hogaamiyayaasha galbeedka ay ka fekerayaan qaadidda tallaabooyin milateri.

Afhayeenka Aqalka Cad, Sarah Sanders ayaa weriyayaasha u sheegtay inaan go’aan laga gaarin tallaabada milateri ee la qaadayo.

Golaha ammaanka Qaran ee Maraykanka ayaa maanta ka shiraya tallaabada ay ka qaadayaan Suuriya, halka Ra’iisal wasaaraha UK, Theresa May ay isugu yeertay golaheeda wasiiradda.

Hoggamiyayaasha dalalka galbeedka ayaa u muuqda inay u diyaar garowbayaan weerarrada dhinaca hawada ah balse Ruushka ayaa sheegay inay sameyn doonan aargoosi haddii weerar lagu soo qaado xulafadooda Suuriya.

Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ,Ruushka iyo Mareykanka ayaa hor istaagay qaraar ay kala wateen, ka dib markii la isku afgaran waayay cidda baaritaanka ku samayneysa weerarka kiimikada ah ee la sheegay.

Ururka Caalamiga ah ee mamnuucidda Hubka Kiimikadda ah (OPCW) ayaa sheegay inuu dhawaan booqanayo Douma, balse ma cadda marka uu halkaa gaari doono, iyo inta ay la egtahay caddeynta uu goobta ugu tegi doono.

Shaqaalaha caafimaadka ayaa sheegay in dadka ku waxyeeloobay weerarkan ay u badnaayeen haween iyo carruur
Magaalada ayaa haatan la baneeyey,kaddib is afgarad ka yimid Ruushka iyo mucaardka ka dagalamay magaladaas.

Ruushka ayaa sheegaya in magaalada ay la wareegeen ciidamada Suuriya, dhismayaasheedanna laga taagay calanka dowladda, walow aan la xaqiijin karin sheegashadaasi.

Sarkaal lagu magacaabo Yury Yevtushenko ayaa sheegaya inay taasi muhiim u tahay taarikhda Suuriyada iyadoo bariga Ghouta ay hadda gacanta ku hayso dowladda.

Dhanka kale Madaxweyne Bashar al-Assad oo taagero milateri ka helo Ruushka ayaa dafiray in ay dowladdiisa ka dambaysay weerarkaas.

Hayy’adda caafimaadka aduunka ayaa maalintii Arbacada ahayd dalbatay inay xaqiijiso warbixinada la shaaciyey oo ah in 70 qof ay dhinteen oo 43 ka mid ah ay la haayeen calaamadaha sunta kiimikada.

Halkuu Ruushka ka taagan yahay arrinkan?
Xubna sare oo u hadlay Ruushka ayaa sheegay in Ruushka uu ka jawaab celinayo weerar kasta oo ka yimaada Maraykanka

Arbacadii ayaa Alexander Zasypkin oo ah safiirka Moscow u fadhiya Lubnaan waxa uu sheegay in dalkiisa uu soo ridi doono gantaal kasta, uuna weerarri doono goobta laga soo riday, waa haddii ay khatar gasho noolasha ciidamada iyo shaqaalaha dalkiisa.

Madaxweyne Vladimir Putin mar uu la hadlayey safiirro dhawaan la magacaabay ayuu sheegay in uu rajeynaya in ay xaaladda haatan taagan lagu wajihi doono caqli saliim ah.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

War deg deg ah Bashiir_Ahmed_Makhtal ayaa hadda ka degay dalka Canada isaga oo 12 sano dulmi ugu xidhnaa Itoobiya.
- Apr 21, 2018
? Marka hore waxaa mahad oo dhan iska leh Allaah -swt, oo qaddaray ...
Vladimir Putin oo Diyaar U Ah Inuu Trump La Kulmo.
- Apr 21, 2018
Wasiirka Arimaha Dibada Ruushka Sergei Lavrov ayaa sheegay in madaxweyne Vladimir Putin uu doonayo ...
Falastiiniyiin Lagu Dilay Xadka Gaza & Israa’iil.
- Apr 21, 2018
Mas’uuliyiinta caafimaadka ee marinka Qaza ee Falastiin ayaa sheegay in afar qof oo Falastiniyiin ...
Wariye Caan Ah oo Lagu Bahdilay Garoonka Diyaaradaha Ee Addis Ababa & Dad Lalaayay.
- Apr 21, 2018
Wararka naga soo gaadhaya magaalada Addis Ababa ee xarunta Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in ...
Kacdoonkii Shacabka Gobolka Shiniile oo Dagmooyin Hor Leh Kufiday.
- Apr 21, 2018
Wararka naga soo gaadhaya Dagmada Shiniile ee xarunta Gobolka Siti ayaa sheegaya in kacdoonkii ...
Ururka ONLF waxaa la Aas-aasay sanadkii 1984. wuxuu halganka hubaysan billaabay sanadkii 1994. ujeeddada loo Aas-aasay Ururka waa inay dadka Soomaaligalbeed (Ogaadeeniya) helaan Aayo-katashi.
- Apr 21, 2018
Muddadii uu Ururku jiray wuxuu soo maray marxalado isugu jira dibu-dhac iyo horu-kac si ...
Kacdoonkii Shacabka Gobolka Shiniile oo Dagmooyin Hor Leh Kufiday.
- Apr 21, 2018
Wararka naga soo gaadhaya Dagmada Shiniile ee xarunta Gobolka Siti ayaa sheegaya in kacdoonkii ...
JIG JIGA. FARIN KA TIMID ABDI ILAY, BAHDIL IYO AFXUMO WAAN KU OGGAA BALSE CAFIS IYO GARASHO FOG MAYA.
- Apr 20, 2018
Isagoo hogaanka nabad galyada ayuu ku rad jooggay siduu dacwad halis ah ugu sameyn ...
Daaawo Wararkii Ugu Dambeeyay Oo Kusaabsan Xaalada Ethiopia
- Apr 20, 2018
Daaawo Wararkii Ugu Dambeeyay Oo Kusaabsan Xaalada Ethiopia
Deg Deg Daawo Soomaaliland oo Xabsiga Dhigtay Boqor Buurmadaw
- Apr 20, 2018
Maamulka Soomaaliland Oo Aalaaba Xarig la beegsada Dadka Magaca Bulshada Kudhex Leh Ee Aada ...