Sacuudiga oo markii ugu horreysay dumarka u qabtay tartanka baaskiilka

Dumar ree sacuudi ah ayaa ka qeyb qaatay tartan baaskiileedkii ugu horreyay ee loo qabto dumarka sacuudiga kaas oo dad badan ka yaabiyay, dhanka kalana baraha bulshada ayaa aad looga hadal hayaa arrintaan.

Dumarka wada baaskiillada ayay u suura gashay in ay ka qeyb qaataan tartanka maalintii talaadada ahayd lagu qabtay magaalada Jidda.

Tartankaan oo 10 kiilo mitir ahaa ayaa waxaa ka soo qeyb galay 47 dumar ah, waxaana tartankaan soo abaabulay koox la magac baxday “noqo qof fir-fircoon” iyo dowladda.

Warbxin ay warbaahinta maxalliga la wadagtay Nadima Abu al-Enein oo ah qabanqaabiyaha tartankaan ayay ku sheegtay

“Dumarka badan ee ka soo qeyb galay tartanka awgeed ayaa waxa ay guddiga qaban qaabada u ogolaatay in ay kordhiyaan tirada dadka ka qeyb qaadanayo tartanka taas oo markii hore ahayd 30 balse markii dambe la gaarsiiyay ilaa 47 gabdhood,” ayay tiri. Si kastaba ha ahaate, guddiga ayaa weli ku khasban in ay qaar kale oo rajeynayay tartanka laga reebo.

Qof ka mid ah dadka barta Twitter-ka isticmala ayaa yiri ” aniga sheikh diinta ku xeel dheer ma’ihi balse maahan in dumarka ay baaskiil ku dhex wadaan meel shaarac ah oo ay cawradooda u muujiyaan ragga. Haddi ay gabadhu dooneyso in ay baaskiil waddo waa in ay meel aan shaarac ahayn ku waddaa.”

Qofkale ayaa yiri ” shanta ama tobanka sano ee soo socota, dumarka hadda baraha bulshada ku naqdinaya tartanka ay ka qeyb qaadan doonan tartanno kuwaan la mid ah ama ay ka soo xadiri doonan goobaha lagu qabanayo tartannada oo ay taageerayaal noqon doonan.”

Maamulka Sacuudi Carabiya ayaa 2013kii amar ku bixiyay in aan dumarka loo ogolanin inay baaskiil ku wadaan goobaha lagu nasto.

Maalintii Isniinta ahayd ayaa waxaa lagu dhawaaqay in magaalada Jiddah laga dhisi doono shaneemadii ugu horreysay ee laga hirgaliyo dalka Sacuudiga,iyadoo uu wadanka isku diyaarinayo hiigsigiisa 2030-ka oo isbedel badan lagu sameyn doono bulshada.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

War deg deg ah : Erdugan oo markale ku guulaystay kursiga ugu sareeya wadanka Turkiga
- Jun 24, 2018
Racep dayip ergugan ayaa markale ku guulaystay madaxwaynaha Dalka Turkiga . Loolan adag ka dib ...
Maamulka Jubbaland oo sii daayay Maxaabiis ay kamid yihiin kuwo hore uga tirsanaa Shabaab
- Jun 24, 2018
kadib cafis uu madaxweynaha Jubbaland u fidiyay ilaa 46 Maxbuus oo ku xiran xabsiyada ...
Somaliland: “Laascaanood ma ahan Waqooyiga Gaalkacyo”
- Jun 24, 2018
Xukuumadda Somaliland ayaa si kulul uga jawaabtay hadalkii ka soo yeeray Madaxweynaha Puntland C/weli ...
Gnv Daawo Dowlada Soomaaliya Oo Cunaqabatayn kusoo Rogtay Xukuumada Somaliland
- Jun 24, 2018
Maamulka Gooni U Goosadka Ah ee Soomaalilalan Ayaa Waxa Uu Kacabanayaa In Dawlada Soomaaliya ...
Jaziirada Malta oo Diiday Inay Qaabisho Tahriibayaal African Ah.
- Jun 24, 2018
Dowladda Malta ayaa sheegtay in aysan qaabili doonin tahriibayaal Afrikaan ah oo dhawaan lasoo ...
Deg Deg Madaxwaynaha Zimbabwe oo Lala Beegsaday Qarax.
- Jun 24, 2018
Qarax aad u culus ayaa ka dhacay dalka Zimbabwe, meel uu ka qudbeynayay madaxweynaha ...
Dad Loo Qabqabtay Qarixii Addis Ababa Ka Dhacay.
- Jun 24, 2018
Sida ay kusoo waramayaan warar kala duwan oo ay heshay ONA ayaa sheegaya in ...
Deg Deg Komishineerkii Booliiska Magaalada Adiss Ababa oo Xabsiga Loo Taxaabay.
- Jun 24, 2018
Waxaa xabsiga la dhigay komumishineerkii Booliiska magaalada Addiss Ababa Girma Kassa kadib qaraxii ka ...
Daawo Hees Qiiro Kugu beeri doonta oo Wadani ah Bilaa musik
- Jun 23, 2018
Daaewo Hees Qiiro Kugu beeri doonta oo Wadani ah Bilaa musik HALKAN KADAAWO
Daawo Dagaalka Tukaraq Madaxweynaha Puntland Oo Maanta Si ka Duwan Sidii Hore Uga Hadlay
- Jun 23, 2018
Iyada oo la isku hor fadiyo deegaanadii ay kudagaalameen Maamulada PUNTLAND iyo SOOMAALILAND Ayaa ...