Cabsida Laga Qabo In Dagaalka 3aad Ee Dunida uu Suuriya Ka Qarxo.

Dagaallada ka taagan dalka Suuriya ayaa horseeday in quwado waawayn ay faraha lasoo galaan xaaladda dalkaasi.

Warbaahinta caalamka ayaa baryahan hadal haysa xiisadda soo kala dhexgashay dalalka Suuriya, Maraykanka, Ruushka iyo Kuuriyada Waqooyi. Dalalka gorodda iskula jira ayaa waxay yihiin Ruushka iyo Maraykanka oo taageera ka helaya dalal kale oo reer galbeed ah.

Trump ayaa dhawaan shaaca ka qaaday in tallaabo ay ku dhaqaaqi doonaan oo looga jawaabayo weerarka dhawaan lagu qaaday magaalada Duuma ee dalka Suuriya halka Xukuumadda Ruushka ay uga digtay Maraykanka inuu tallaabo millitari qaado, haddii kale ay soo ridi doonaan gantaaladooda, islamarkaasna ay duqeyn doonaan halkii laga soo riday.

Dowladda Suuriya waxay sheegtay in la duuqeeyay mid ka mid ah saldhigyadeeda cirka ee ku yaallo dalka Suuriya. Khuburrada caalamiga ah ee arrimmaha diblumaasiyadda ayaa ku kala aragti duwan in dagaal 3aad uu jiri karo.

Qaarkood ayaa waxay leeyihiin in suurtogal tahay inuu dunida ka aloosmo dagaal 3aad , halka kuwo kalena ay qabaan inaan la joogin xilligii dunidan ay wajahi lahayd dagaal wayn. Steven Tsang agaasimmaha mac-hadka China ayaa waxaa uu qabaa in Kuuriyada Waqooyi ay ku dhawdahay xilligi ay gaadhi lahayd awoodda hellitaanka quwadda nukliyeerka.

Waxaa la joogaa hadda xilli ay jiraan quwaddo aad u waawayn oo hardamaya dhexdooda, sidaasi waxaa yiri Shashank Joshi oo ah khabiir Koonfurta Aasiya iyo Bariga Dhexe. Sergey Markov oo ka tirsan mac-hadka siyaasadda ee Moscow ayaa waxaa uu sheegay in hoggaamiyeyaasha reer galbeedka ay ruumaysan yihiin inay ka awood badan yihiin Ruushka.

Lina Khatib oo iyadana ku takhasustay arrimmaha bariga dhexe ayaa waxay sheegtay in dagaallo badan oo jiro ay lugaha kula jiraan dalal caalami ah islamarkaaana xasraddani ay tahay mid la isku xulufaysanayo. Dowladda Suuriyaa ayaa lagu eedeeyay inay hubka kiimikada ku duuqaysay magalaada Duuma ee dalka Suuriya taaso la sheegay in boqolaal qof oo ay carruur iyo haween u badan yihiin ay saameysay.

Warbixin ay soo xigatay ha’yadda caafimaadka dunida ee WHO ayaa lagu sheegay in 500 qof ay saamaysay kiimikada. Dunida ayaa si weyn u cambaareysay falkan balse Suuriya way beenisay eedeymaha duqaynta magaalada Duuma.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

War deg deg ah : Erdugan oo markale ku guulaystay kursiga ugu sareeya wadanka Turkiga
- Jun 24, 2018
Racep dayip ergugan ayaa markale ku guulaystay madaxwaynaha Dalka Turkiga . Loolan adag ka dib ...
Maamulka Jubbaland oo sii daayay Maxaabiis ay kamid yihiin kuwo hore uga tirsanaa Shabaab
- Jun 24, 2018
kadib cafis uu madaxweynaha Jubbaland u fidiyay ilaa 46 Maxbuus oo ku xiran xabsiyada ...
Somaliland: “Laascaanood ma ahan Waqooyiga Gaalkacyo”
- Jun 24, 2018
Xukuumadda Somaliland ayaa si kulul uga jawaabtay hadalkii ka soo yeeray Madaxweynaha Puntland C/weli ...
Gnv Daawo Dowlada Soomaaliya Oo Cunaqabatayn kusoo Rogtay Xukuumada Somaliland
- Jun 24, 2018
Maamulka Gooni U Goosadka Ah ee Soomaalilalan Ayaa Waxa Uu Kacabanayaa In Dawlada Soomaaliya ...
Jaziirada Malta oo Diiday Inay Qaabisho Tahriibayaal African Ah.
- Jun 24, 2018
Dowladda Malta ayaa sheegtay in aysan qaabili doonin tahriibayaal Afrikaan ah oo dhawaan lasoo ...
Deg Deg Madaxwaynaha Zimbabwe oo Lala Beegsaday Qarax.
- Jun 24, 2018
Qarax aad u culus ayaa ka dhacay dalka Zimbabwe, meel uu ka qudbeynayay madaxweynaha ...
Dad Loo Qabqabtay Qarixii Addis Ababa Ka Dhacay.
- Jun 24, 2018
Sida ay kusoo waramayaan warar kala duwan oo ay heshay ONA ayaa sheegaya in ...
Deg Deg Komishineerkii Booliiska Magaalada Adiss Ababa oo Xabsiga Loo Taxaabay.
- Jun 24, 2018
Waxaa xabsiga la dhigay komumishineerkii Booliiska magaalada Addiss Ababa Girma Kassa kadib qaraxii ka ...
Daawo Hees Qiiro Kugu beeri doonta oo Wadani ah Bilaa musik
- Jun 23, 2018
Daaewo Hees Qiiro Kugu beeri doonta oo Wadani ah Bilaa musik HALKAN KADAAWO
Daawo Dagaalka Tukaraq Madaxweynaha Puntland Oo Maanta Si ka Duwan Sidii Hore Uga Hadlay
- Jun 23, 2018
Iyada oo la isku hor fadiyo deegaanadii ay kudagaalameen Maamulada PUNTLAND iyo SOOMAALILAND Ayaa ...