Dagaalo Khasaare Dhaliyay oo Dhex Maray Oromo Iyo Shucuubta Koonfureed.

Wararka naga soo gaadhaya Koonfurta wadanka Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya dagaal dhiig badani kudaatay oo dhex maray labo qabiil oo wada daga xuduuda udhaxaysa Gobolada Oromia iyo Shucuubta Koonfureed ee hoostaga maamulka wayaanaha.

Sida xogta aan kuhelayno dagaalkan cusub ayaa dhex maray qoomiyada Gunji ee Oromada ah iyo qoomiyada Gedio oo Shucuubta Koonfureed kasoo jeeda, kuwaas oo wada daga xuduuda dheer ee udhaxaysa Gobolada Oromada iyo waxa looyaqaano shucuubta Koonfureed ee Itoobiya, kuwaas oo kakooban qoomiyado badan oo kala hayb ah.

Warka ayaa intaas kudaraya in uu dagaalku bilowday kadib markii labada qoomiyadood ay isku qabsadeen dhulka kudhaw xuduuda labada Gobol, waxaana lasoo tabinayaa in uu qoomiyadaha dhex maray dagaal aad uculus oo khasaare badan keenay.

Goob jooge yaal kusugan deegaanada ay dirirtu kadhacayso ayaa sheegaya in ay bara kaceen in kabadan 15 kun oo shacab ah, kuwaas oo deegaanadoodii uu joogi waayay cabsi ay uqabaan noloshooda, waxaana lasoo warinayaa in ay labada dhinacba dadku uqaxeen.

Qaar kamid ah siyaasiyiinta kasoo jeeda deegaanada ay dirirtu kadhacday ayaa sheegay in ay xukuumada wayaanuhu lug wayn kuleedahay dagaalada dhex maray labada qoomiyadood ee Guji iyo Gedio, kuwaas oo mudo aad udheer ahaa dad kuwada nool dhulkaas.

Sidoo kale siyaasiyiinta ayaa sheegay in xukuumada wayaanuhu aysan dhulkaas udirin wax ciidan ama madax ah oo kala dhex gala labada qoomiyadood, taas oo ay kusheegeen in ay kufaraxsan yihiin dagaalada socda iyo dadka dhimanaya.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

War deg deg ah : Erdugan oo markale ku guulaystay kursiga ugu sareeya wadanka Turkiga
- Jun 24, 2018
Racep dayip ergugan ayaa markale ku guulaystay madaxwaynaha Dalka Turkiga . Loolan adag ka dib ...
Maamulka Jubbaland oo sii daayay Maxaabiis ay kamid yihiin kuwo hore uga tirsanaa Shabaab
- Jun 24, 2018
kadib cafis uu madaxweynaha Jubbaland u fidiyay ilaa 46 Maxbuus oo ku xiran xabsiyada ...
Somaliland: “Laascaanood ma ahan Waqooyiga Gaalkacyo”
- Jun 24, 2018
Xukuumadda Somaliland ayaa si kulul uga jawaabtay hadalkii ka soo yeeray Madaxweynaha Puntland C/weli ...
Gnv Daawo Dowlada Soomaaliya Oo Cunaqabatayn kusoo Rogtay Xukuumada Somaliland
- Jun 24, 2018
Maamulka Gooni U Goosadka Ah ee Soomaalilalan Ayaa Waxa Uu Kacabanayaa In Dawlada Soomaaliya ...
Jaziirada Malta oo Diiday Inay Qaabisho Tahriibayaal African Ah.
- Jun 24, 2018
Dowladda Malta ayaa sheegtay in aysan qaabili doonin tahriibayaal Afrikaan ah oo dhawaan lasoo ...
Deg Deg Madaxwaynaha Zimbabwe oo Lala Beegsaday Qarax.
- Jun 24, 2018
Qarax aad u culus ayaa ka dhacay dalka Zimbabwe, meel uu ka qudbeynayay madaxweynaha ...
Dad Loo Qabqabtay Qarixii Addis Ababa Ka Dhacay.
- Jun 24, 2018
Sida ay kusoo waramayaan warar kala duwan oo ay heshay ONA ayaa sheegaya in ...
Deg Deg Komishineerkii Booliiska Magaalada Adiss Ababa oo Xabsiga Loo Taxaabay.
- Jun 24, 2018
Waxaa xabsiga la dhigay komumishineerkii Booliiska magaalada Addiss Ababa Girma Kassa kadib qaraxii ka ...
Daawo Hees Qiiro Kugu beeri doonta oo Wadani ah Bilaa musik
- Jun 23, 2018
Daaewo Hees Qiiro Kugu beeri doonta oo Wadani ah Bilaa musik HALKAN KADAAWO
Daawo Dagaalka Tukaraq Madaxweynaha Puntland Oo Maanta Si ka Duwan Sidii Hore Uga Hadlay
- Jun 23, 2018
Iyada oo la isku hor fadiyo deegaanadii ay kudagaalameen Maamulada PUNTLAND iyo SOOMAALILAND Ayaa ...