Qoomiyada Tigreega oo Xididaha Loosiibayo & Janarallo Shaqadii Katagay.

Wararka naga soo gaadhaya wadanka Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in uu hirgalay mid kamid ah qorshayaashii Raysal-wasaaraha cusub ee gumaysiga Abiye Axmed Cali, kaas oo ahaa in qoomiyada Tigreega awoodeeda aad loodhimo.

Xog rasmi ah oo soo gaadhay Wakaalada Wararka Ogadenia ONA ayaa sheegaysa in ay iscasileen qaar kamid ah Janaraaladii ushashay qoomiyada Tigreega ee awooda badan kudhex lahaan jiray wadanka Itoobiya, aadna looqadarin jiray.

Sida xogta aan kuhelayno waxaa shaqadii iskaga tagay Majar General Takelabirhan Walde’aragay iyo General Kinfe Dangew oo labaduba udhashay qoomiyada Tigreega, waxaana lasheegayaa in Janaraaladan culays lagu saaray in ay shaqada katagaan kadib markii lagu eedeeyay in ay lunsadeen mayaayiin lacag ah oo ay lahayd shirkada korontadu.

Sidoo kale xog wali aanaan xaqiijinin ayaa sheegaysa in ay shaqiidii katageen taliyihii ciidamada gumaysiga Itoobiya General Samore Yonis iyo taliyihiin ciidanka sirdoonka wayaanaha General Getachew Asafa, kuwaas oo sida lasheegay cadaadis lagu saaray in ay shaqada iskaga tagaan.

Is casilaada Samore Yonis iyo Getachew Asafa ayaa haday rumowdo qoomiyadaha Oromada iyo Axmaarada uga dhigan guul taariikhi ah waxayna ahaayeen awoodaha kaliya ee kuhadhay gacanta qabiilka Tigreega, waxaana meesha kabaxaya cabsidii ay kaqabeen dhinaca ciidamada.

Janaraalada is casilay ayaa lasheegayaa in ay shaqadii katageen kadib markii culays lagu saaray in ay sidaas yeelaan isla markaana looban qaaday aduun lacageed iyo waliba amaan lasiin doono, waxaana lasheegayaa in ay shaqada iskaga tagi doonaan saraakiil kale oo Tigree ah kuwaas oo hadaba lagu daba jiro.

Xukuumada Cusub ee Abiye Axmed iyo Dameke Mokonen ay hogaaminayaan ayaa utafa xaytay sidii ay xididada ugu siibi lahaayeen qoomiyada Tigreega oo in badan talada wadanka looga dambeeyay.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

War deg deg ah : Erdugan oo markale ku guulaystay kursiga ugu sareeya wadanka Turkiga
- Jun 24, 2018
Racep dayip ergugan ayaa markale ku guulaystay madaxwaynaha Dalka Turkiga . Loolan adag ka dib ...
Maamulka Jubbaland oo sii daayay Maxaabiis ay kamid yihiin kuwo hore uga tirsanaa Shabaab
- Jun 24, 2018
kadib cafis uu madaxweynaha Jubbaland u fidiyay ilaa 46 Maxbuus oo ku xiran xabsiyada ...
Somaliland: “Laascaanood ma ahan Waqooyiga Gaalkacyo”
- Jun 24, 2018
Xukuumadda Somaliland ayaa si kulul uga jawaabtay hadalkii ka soo yeeray Madaxweynaha Puntland C/weli ...
Gnv Daawo Dowlada Soomaaliya Oo Cunaqabatayn kusoo Rogtay Xukuumada Somaliland
- Jun 24, 2018
Maamulka Gooni U Goosadka Ah ee Soomaalilalan Ayaa Waxa Uu Kacabanayaa In Dawlada Soomaaliya ...
Jaziirada Malta oo Diiday Inay Qaabisho Tahriibayaal African Ah.
- Jun 24, 2018
Dowladda Malta ayaa sheegtay in aysan qaabili doonin tahriibayaal Afrikaan ah oo dhawaan lasoo ...
Deg Deg Madaxwaynaha Zimbabwe oo Lala Beegsaday Qarax.
- Jun 24, 2018
Qarax aad u culus ayaa ka dhacay dalka Zimbabwe, meel uu ka qudbeynayay madaxweynaha ...
Dad Loo Qabqabtay Qarixii Addis Ababa Ka Dhacay.
- Jun 24, 2018
Sida ay kusoo waramayaan warar kala duwan oo ay heshay ONA ayaa sheegaya in ...
Deg Deg Komishineerkii Booliiska Magaalada Adiss Ababa oo Xabsiga Loo Taxaabay.
- Jun 24, 2018
Waxaa xabsiga la dhigay komumishineerkii Booliiska magaalada Addiss Ababa Girma Kassa kadib qaraxii ka ...
Daawo Hees Qiiro Kugu beeri doonta oo Wadani ah Bilaa musik
- Jun 23, 2018
Daaewo Hees Qiiro Kugu beeri doonta oo Wadani ah Bilaa musik HALKAN KADAAWO
Daawo Dagaalka Tukaraq Madaxweynaha Puntland Oo Maanta Si ka Duwan Sidii Hore Uga Hadlay
- Jun 23, 2018
Iyada oo la isku hor fadiyo deegaanadii ay kudagaalameen Maamulada PUNTLAND iyo SOOMAALILAND Ayaa ...