Dagaalkii Oromada & Shucuubta Koonfureed oo Faraha Kabaxay.

Wararka naga soo gaadhaya wadanka Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in uu faraha kabaxay dagaalkii udhaxeeyay qoomiyadaha Guji iyo Gedio ee todobaadkan kasocday xuduuda Gobolada Oromia iyo Shucuubta Koonfureed.

Dagaaladan oo bilowday laba bari kahor ayaa lasheegayaa in uu hada gaadhay meel aan waxba laga qaban karin waxaana lasheegayaa in dagaalka labada qoomiyadood uu kufiday deegaano hor leh oo ku teedsan xuduuda labada Gobol ee Oromia iyo Shucuubta Koonfureed.

Dagaaladan ayaa lasheegayaa in ay sababeen bara kac aad ubaaxad wayn waxaana lasheegayaa in ay barakaceen 40 kun oo qof oo shacab ah, kuwaas oo gaadhay deegaanada ay ood wadaagta yihiin oo ay isleeyihiin waxaad kahelaysaan nabad iyo nolol.

Goob jooge kusugan xuduuda labada qoomiyadood ayaa sheegaya in lagubay qaybo kamid ah Dagmada Qarja, halka Tuulada Alifarade gabi ahaanteedba dab laqabadsiiyay, sidoo kale goob joogaha ayaa sheegaya in ay jiraan deegaano kale oo xuduuda udhaw oo lagubay.

Waxaa adag in la ogaado Khasaaraha dhabta ah ee dagaaladan ay gaysteen, maadaama oo dagaaladu ay kasocdaan dhulka miyiga ah ee fo, hase yeeshee waxaa dagaalkii ugu dambeeyay ee shalay lagu dilay 12 qof oo dhinacyadii dagaalamayay ah.

Majiro wax dhex dhexaadin ah oo taliska wayaanuhu uu kadhex wado labada qoomiyadood ee dagaalamaysa, waxaana lasheegayaa in uu jiro hub iyo rasaas ay ciidamada wayaanuhu siiyeen dhinacyada dagaalamaya.

Xukuumada gumaysiga ayaa dhaqan ahaan faa’iido u aragta dagaalada noocan oo kale ah, waxayna xukuumadu aaminsan tahay in shacabka oo isku mashquula ay yaraynayso culayska siyaasadeed ee xukuumada kasaaran dhinaca shucuubta kala duwan.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

War deg deg ah Bashiir_Ahmed_Makhtal ayaa hadda ka degay dalka Canada isaga oo 12 sano dulmi ugu xidhnaa Itoobiya.
- Apr 21, 2018
? Marka hore waxaa mahad oo dhan iska leh Allaah -swt, oo qaddaray ...
Vladimir Putin oo Diyaar U Ah Inuu Trump La Kulmo.
- Apr 21, 2018
Wasiirka Arimaha Dibada Ruushka Sergei Lavrov ayaa sheegay in madaxweyne Vladimir Putin uu doonayo ...
Falastiiniyiin Lagu Dilay Xadka Gaza & Israa’iil.
- Apr 21, 2018
Mas’uuliyiinta caafimaadka ee marinka Qaza ee Falastiin ayaa sheegay in afar qof oo Falastiniyiin ...
Wariye Caan Ah oo Lagu Bahdilay Garoonka Diyaaradaha Ee Addis Ababa & Dad Lalaayay.
- Apr 21, 2018
Wararka naga soo gaadhaya magaalada Addis Ababa ee xarunta Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in ...
Kacdoonkii Shacabka Gobolka Shiniile oo Dagmooyin Hor Leh Kufiday.
- Apr 21, 2018
Wararka naga soo gaadhaya Dagmada Shiniile ee xarunta Gobolka Siti ayaa sheegaya in kacdoonkii ...
Ururka ONLF waxaa la Aas-aasay sanadkii 1984. wuxuu halganka hubaysan billaabay sanadkii 1994. ujeeddada loo Aas-aasay Ururka waa inay dadka Soomaaligalbeed (Ogaadeeniya) helaan Aayo-katashi.
- Apr 21, 2018
Muddadii uu Ururku jiray wuxuu soo maray marxalado isugu jira dibu-dhac iyo horu-kac si ...
Kacdoonkii Shacabka Gobolka Shiniile oo Dagmooyin Hor Leh Kufiday.
- Apr 21, 2018
Wararka naga soo gaadhaya Dagmada Shiniile ee xarunta Gobolka Siti ayaa sheegaya in kacdoonkii ...
JIG JIGA. FARIN KA TIMID ABDI ILAY, BAHDIL IYO AFXUMO WAAN KU OGGAA BALSE CAFIS IYO GARASHO FOG MAYA.
- Apr 20, 2018
Isagoo hogaanka nabad galyada ayuu ku rad jooggay siduu dacwad halis ah ugu sameyn ...
Daaawo Wararkii Ugu Dambeeyay Oo Kusaabsan Xaalada Ethiopia
- Apr 20, 2018
Daaawo Wararkii Ugu Dambeeyay Oo Kusaabsan Xaalada Ethiopia
Deg Deg Daawo Soomaaliland oo Xabsiga Dhigtay Boqor Buurmadaw
- Apr 20, 2018
Maamulka Soomaaliland Oo Aalaaba Xarig la beegsada Dadka Magaca Bulshada Kudhex Leh Ee Aada ...