Hadal Kasoo Yeedhay Abiye Axmed oo Qoomiyada Axmaarada Kacadhaysiiyay.

Wararka naga soo gaadhaya magaalada Addis Ababa ee xarunta Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in hadal kasoo yeedhay Raysal-wasaaraha cusub ee Gumaysiga Abiye Axmed, uu keenay cadho wayn oo laga yaabo in ay culays siyaasadeed kuneento mustaqbalka.

Abiye Axmed ayaa lasheegayaa in socdaalkiisii magaalada Maqale ee Gobolka Tigreega uu kajeediyay khudbad kacadhaysiisay kumanaan qoomiyada Axmaarada ah, kuwaas oo sida lasheegayo khudbadiisii u arkay in ay dhinac tahay ama beel gooni ah uu ugu kilkila duleelinayay.

Abiye Axmed ayaa mar uu kahadlayay qoomiyada isirkooda la isku haysto ee Walgayta looyaqaano ee dagta xuduuda Axmaarada iyo Tigreega sheegay in qoomiyadaas loodaayo dadkii ay awal lanoolaayeen ama kamidka ahaayeen, taas oo uu ula jeedo in ay kamid yihiin qoomiyada Tigreega.

Hase yeeshee waxaa hadalkaas jawaab kulul kabixiyay shacabka qoomiyada Axmaarada oo iyagu aaminsan in ay Qoomiyada Walgayta tahay dad asal ahaan Xabashi ah oo deegaan ahaan dhinaca Tigreega maray, taas oo sida ay sheegeen iska cad.

Siyaasiyiin iyo waliba dad aqoonyahan ah oo Xabashi ah ayaa dhankooda dhaliilay hadalka kasoo yeedhay Abiye Axmed kaas oo ay kutilmaameen mid dhinac ah isla markaana aan cadaalad ahayn.

Dhinaca kale xiisad aad uculus ayaa laga soo sheegayaa Gobolka Gambeella kadib markii ay iska hor yimaadeen ardaydii Jaamacada Gambella iyo waliba ciidankii wayaanaha, waxaana lasoo tabinayaa dhaawaca arday aad ubadan iyo waliba qaar kale oo la xidh xidhay.

ONA.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

DEG DEG Daawo Madaxweyne Erdogen oo Shirqool dil ka Bad Baadey
- May 21, 2018
Waxaa horay Loogu Guul Daraystay Iskuday Afgambi Kadhan ahaa Madaxwayne Ordogan Hadana waxaa soo ...
Daawo Risal Wasaaraha Ethiopia Oo Soo Daayey 1,000 Maxaabiis Ethiopian Ah Oo Ku Xirnaa Saudi Arabia
- May 21, 2018
Dhaq Dhaqaaq yada Cusub ee uu layimid Risal Wasaaraha Ethiopia Waxaa Kamida Soodaynta 1,000 ...
Daawo Magaalada Godey oo Bisha Ramadaan Waxaa kusoo Batay Furniinka Dumarka
- May 21, 2018
Magaalada Godey oo Bisha Ramadaan Waxaa kusoo Batay Furniinka Dumarka
Daawo Dowladda Soomaaliya Oo Beenisay Inay ka laabatay Dacadii Badda Ee Kenya
- May 21, 2018
Waxaa maalmahan ba la isla dhexmarayay Inay Dowlada Soomaaliya kalaabatay Dacwadii Badda ee Udhaxaysay ...
Sacuudiga & Imaaraadka oo Ku Lug Yeeshay Fadeexadii Doorashada Maraykanka 2016 kii.
- May 21, 2018
Donlad Trump Jr oo ah wiilka ugu wayn caruurta uu dhalay Trump ayaa bishii ...
Dagaallo Kadhacay Dhulka Axmaarada oo Ciidanka Wayaanaha Lagu Naafeeyay.
- May 21, 2018
Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Axmaarada ee woqooyiga Itoobiya ayaa sheegaya dagaalo cul culus ...
Maamul Kusheega Jigjiga & Saraakiisha Oromada oo Madaxa Iskula Jira.
- May 21, 2018
Wararka naga soo gaadhaya magaalada Addis Ababa ee xarunta Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in ...
Xubnaha OYSU IFO oo maanta shirkoodii billaha ahaa isugu yimid
- May 20, 2018
Ururka midawga Dhalinyarada & Ardayda Ogadenia ee OYSU laantiisa kahawl gasha Faraca M.Xorriyo ee ...
Waraaqo Bahir-Dar Lagu Daadiyay & Xaalada oo Kacsan.
- May 20, 2018
Wararka naga soo gaadhaya magaalada Bahardar ee xarunta Gobolka Axmaarada ayaa sheegaya in ay ...
Deg Deg Abiye Axmad oo Kala Diray Gudiyo Sharci Darro Ahaa.
- May 20, 2018
Wararka naga soo gaadhaya magaalada Addis Ababa ee xarunta Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in ...