Ururada Mucaaradka ah & Jabhadaha Itoobiya ka soo horjeeda oo Kulan Muhiim Ah Yeeshay.

Waxaa shirar isdaba joog ah oo dhinaca khadka isgaadhsiinta ah isugu yimid dhamaan ururada mucaaradka ah ee maamulka guracan ee Itoobiya kasoo horjeeda, waxayna kulamadu socdeen saacado badan oo laga arinsanayay arimaha Itoobiya.

Ururadan oo isugu jira kuwo xornimo doon ah iyo kuwo xuquuq doon ah ayaa kumidaysan sidii ay shucuubta dulman uga dulqaadi lahaayeen rajiimka Addis Ababa, kaas oo gumaad joogta ah kuhaya dadka shacabka ah isla markaana aan wadanka u ogolayn hay’ado samafal iyo warbaahin madax banaan toona.

Kulanka qaybtiisii hore oo ay galeen 14 urur oo dhawaan lagu yagleelay magaalada London ee cariga Ingiriiska, ayaa la isku waydaarsaday xogo muhiim ah oo dhinaca dadkii iyo dalkii gumaysigu uu haystay ah, waxaana wadanka Ogadenia kawar bixiyay Mudane Xassan Macalim oo Jabhada ONLF wakiil uga ah ururadaas mucaaradka ah isla markaana ah Hogaanka Warfaafinta ee JWXO.

Halgame Xassan Macalim ayaa si qoto dheer uga warbixiyay xaalada dhabta ah ee Ogadenia kajirta gaar ahaan maxaabiista lagu bahdilo Ogadenia ee caalamka loosheegay in lasiidaayay balse xabsiyo cusub lagaliyay.

Mudane Xassan Macalim ayaa sheegay in dhaqanka taliska wayaanuhu uusan aqbalaynin sinaan iyo cadaalad taasna ay keentay in dadkii saxaafada loosoo bandhigay ee in lasiidaynayo lasheegay lagu celiyo bahdil iyo xabsiyo hor leh, iyaga oo waliba xaalad adag oo caafimaad kujira.

Dhinaca kale wakiilada ururada ayaa sidoo kale soo bandhigay warbixino dhaadheer, waxaana gaba gabadii lagu balamay hirgalinto qodobo muhiim ah oo wax tar u leh halganka loogu jiro xoraynta shucuubta kala duwan ee Itoobiya lagu gumaysto.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

War deg deg ah Bashiir_Ahmed_Makhtal ayaa hadda ka degay dalka Canada isaga oo 12 sano dulmi ugu xidhnaa Itoobiya.
- Apr 21, 2018
? Marka hore waxaa mahad oo dhan iska leh Allaah -swt, oo qaddaray ...
Vladimir Putin oo Diyaar U Ah Inuu Trump La Kulmo.
- Apr 21, 2018
Wasiirka Arimaha Dibada Ruushka Sergei Lavrov ayaa sheegay in madaxweyne Vladimir Putin uu doonayo ...
Falastiiniyiin Lagu Dilay Xadka Gaza & Israa’iil.
- Apr 21, 2018
Mas’uuliyiinta caafimaadka ee marinka Qaza ee Falastiin ayaa sheegay in afar qof oo Falastiniyiin ...
Wariye Caan Ah oo Lagu Bahdilay Garoonka Diyaaradaha Ee Addis Ababa & Dad Lalaayay.
- Apr 21, 2018
Wararka naga soo gaadhaya magaalada Addis Ababa ee xarunta Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in ...
Kacdoonkii Shacabka Gobolka Shiniile oo Dagmooyin Hor Leh Kufiday.
- Apr 21, 2018
Wararka naga soo gaadhaya Dagmada Shiniile ee xarunta Gobolka Siti ayaa sheegaya in kacdoonkii ...
Ururka ONLF waxaa la Aas-aasay sanadkii 1984. wuxuu halganka hubaysan billaabay sanadkii 1994. ujeeddada loo Aas-aasay Ururka waa inay dadka Soomaaligalbeed (Ogaadeeniya) helaan Aayo-katashi.
- Apr 21, 2018
Muddadii uu Ururku jiray wuxuu soo maray marxalado isugu jira dibu-dhac iyo horu-kac si ...
Kacdoonkii Shacabka Gobolka Shiniile oo Dagmooyin Hor Leh Kufiday.
- Apr 21, 2018
Wararka naga soo gaadhaya Dagmada Shiniile ee xarunta Gobolka Siti ayaa sheegaya in kacdoonkii ...
JIG JIGA. FARIN KA TIMID ABDI ILAY, BAHDIL IYO AFXUMO WAAN KU OGGAA BALSE CAFIS IYO GARASHO FOG MAYA.
- Apr 20, 2018
Isagoo hogaanka nabad galyada ayuu ku rad jooggay siduu dacwad halis ah ugu sameyn ...
Daaawo Wararkii Ugu Dambeeyay Oo Kusaabsan Xaalada Ethiopia
- Apr 20, 2018
Daaawo Wararkii Ugu Dambeeyay Oo Kusaabsan Xaalada Ethiopia
Deg Deg Daawo Soomaaliland oo Xabsiga Dhigtay Boqor Buurmadaw
- Apr 20, 2018
Maamulka Soomaaliland Oo Aalaaba Xarig la beegsada Dadka Magaca Bulshada Kudhex Leh Ee Aada ...