Maxaa Ka Jira agaasimaha guud ee ciidanka difaaca Itoobiya (ENDF) General Samora inLabaday

?

Sidaan dhammaanteen la soconno kadib geeridii kaligii taliyihii hore ee Ethiopia – Meles meles – waxaa taladii waddanku gacanta u gashay saraakiisha hay’adaha aminga, si gaar ah waxaa farta lagu fiiqaa agaasimaha guud ee ciidanka difaaca Itoobiya (ENDF) General Samora.

Sida uu qoraaga Daniel Berhane ku qoray mareegta Horn affairs Odaygani wuxuu ku dhashay magaalada qaddiimiga ah ee woqooyiga Itoobiya ku taalla ee Axum/Aksum. wuxuuna dhaq-dhaqaaqii xoriyad raadinta dadka Tigreega (TPLF) ku biiray dhammaadka sanadkii 1975, wuxuuna beddelay magiciisii asalka ahaa – Maxamed – wuxuuna qaatay magaca Samora.

Sanadkii 1996 wuxuu qaatay darajada Brigadier General, sanadkii 1999 (intii uu socday dagaalkii Ethiopia iyo Eritrea) wuxuu noqday Major General, kadibna siduu qoraalka ku sheegay sanadkii 2007 ayaa loo dalacsiiyey darajada Janaraal buuxa (Full General or Four-star General).

Hagaag, Odaygan 70 jirka ah sida muuqata wuxuu kujiraa da’dii hawl-gabka oo haddiiba wadku daayo xilli badan oo uu shaqeeyaa uma hadhin. Haddaba isbeddelada khatarta ah ee marin habaabinta noqon-doona waxaa kamid ah in Odaygan oo kale hab is faham ku dhisan daaha gadaashiisa loo geeyo kadibna wiil 50 jir ah oo Tigree ah isku kaajaya meesha la keeno kadibna rayul-caamka lagu khaldo oo sacabka la tumo lana yidhaahdo wakaa mar hadduu General Samora tagay waxaa guulaystay kacdoonkii isbeddel-doonka ahaa ee Ethiopia, waana arrin suurtalnimadeedu sarrayso markii lagu daro xogo aan aad u bislayn oon hayo oo sheegaya in doodi u socoto saraakiisha Tigreega ah bal si xoogaa isbeddel ah ciidanka lagu sameeyo laakiin isbeddelkaasi yahay mid laga soo curiyey xagga TPLF oo nuxurkiisu yahay wakhti gadasho.

Sidaan mar hore sheegay isbeddel kan oo kale ah wuxuu TPLF uga qorshaysan yahay (waa haddii arrimaha qaarkood dhacaan) gobalka Soomaaligalbeed oo ninkan meesha jooga hab is faham ah meesha looga dhaafiyo isagoo halyey ah laakiin siyaasaddii gobalka halkeedii lagu sii hayo.

FG: Annaga soomaaligalbeed ah hadduu jiro qof Tigree ah (Males) dabadii oo dambi naga galay waa odaygan, haddiiba uu jiro ruux istaahila in maxkamadda dambiyada dagaalka adduunka looga yeedhaa waa odaygan oo ololihii xasuuqii ballaadhnaa ee sanadkii 2007 – 2018 si toos ah masuul uga ah waxa gobalka ka socda.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

Saraakiishii Tigreega Ahaa oo Labahdilay & Samore Yonis oo Cabanaya.
- May 22, 2018
Wararka naga soo gaadhaya wadanka Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in saraakiisha ciidamada wayaanaha uu ...
Daawo Ethiopia Oo Loo Raray Kaydkii Shidaalka Haamaha Berbera Ee Somaliland
- May 22, 2018
Waxaa Laga soo Darinaayay In Shidaal La'aan ba'ani Kajirto Ethiopia Hadaba waxaa soo baxaysa ...
Daawo DEG DEG Sheikh Hassan Dahir Aweys oo Ammaan kala Dul dhacay Amina Muse & Naimo Qorane
- May 22, 2018
Sheikh Hassan Dahir Aweys oo Xabsi Guri ku Ah Magaalada Muqdisho ayaa Ammaan kala ...
Dalkii 3aad oo Safaaradiisa Ka Furtay Magaalada Al-Qudus.
- May 22, 2018
Dalka Paraguay ayaa shalay safaarad ka furtay magaalada Qudus, wuxuuna noqday dalkii saddexaad ee ...
Roobab Duufaan Watay oo Soomaaliya Ku Dhuftay & Khasaare Ka Dhashay.
- May 22, 2018
In ka badan 20 qof ayaa la rumaysan yahay inay ku geeriyootay halka kumannaan ...
Musuq-Maasuq Hadheeyay Masuuliinta Soomaaliyeed.
- May 22, 2018
Iyadoo lagu wado in 28ka bishan May magaalada Geneva ee dalka Switzerland uu ka ...
Saraakiishii Tigreega Ahaa oo Labahdilay & Samore Yonis oo Cabanaya.
- May 22, 2018
Wararka naga soo gaadhaya wadanka Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in saraakiisha ciidamada wayaanaha uu ...
DEG DEG Daawo Madaxweyne Erdogen oo Shirqool dil ka Bad Baadey
- May 21, 2018
Waxaa horay Loogu Guul Daraystay Iskuday Afgambi Kadhan ahaa Madaxwayne Ordogan Hadana waxaa soo ...
Daawo Risal Wasaaraha Ethiopia Oo Soo Daayey 1,000 Maxaabiis Ethiopian Ah Oo Ku Xirnaa Saudi Arabia
- May 21, 2018
Dhaq Dhaqaaq yada Cusub ee uu layimid Risal Wasaaraha Ethiopia Waxaa Kamida Soodaynta 1,000 ...
Daawo Magaalada Godey oo Bisha Ramadaan Waxaa kusoo Batay Furniinka Dumarka
- May 21, 2018
Magaalada Godey oo Bisha Ramadaan Waxaa kusoo Batay Furniinka Dumarka