Shacabka Ethiopia (Soomaaligalbeed kuma jiro) Waxay R/Wasaaraha cusub ka filayeen inuu mudnaanta koowaad siin-doono qaadista xukunka deg-degga ah iyo joojinta dilalka Sharcidarrada ah ee Askartu banaanka sharciga ka fuliso

Sida muuqata mudnaan taas ka duwan ayuu R/Wasaaruhu qaatay oo ah inuu socdaal iyo khudbado-qurxoon ku hafiyo shacabkan dulmiga ka gadoodsan ee markii ugu horraysay taariikhda Muruqooda tijaabiyey.

Waxaa lays weydiinayaa: ilaa hadda maxaa loo qaadi layahay xukunka deg-degga ah oo xittaa afka looga dhawrayaa ka hadalkiisa? Maxay usii socdaan dilalka sharci-darrada ah? Maxaa daruuri ka dhigay khudbadahan faraha badan ee isku nuxurka ah, iyadoo lagu kaaftoomi karay hal-qudbo oo Tv-ga qaranka lagasii daayo kadibna tallaabooyin ficil ah lagu dhaqaaqo halkii kolba qawmiyad lasoo ammaani lahaa ama caayi lahaa kolba nuxurka khudbadda?

Si guud hadduu Ninkani xalaal-yahay (hadduu xor ka yahay Saraakiisha TPLF islamarkaana ku soconin siyaasaddii EPRDF ee munaafaqadda meer-meersan ahayd oo uu yahay hoggaame kacaan rayid ah) wuxuu haystaa taageero dhawr jaho ah oo u sahlaysa inuu ka guulaysto Saraakiisha xoogga waawayn ee sharciga ka sarreeya,
Waxaana ugu muhiimsan dhinacyada uu taageerada ka helayo:

1- Wuxuu heli taageerada xoogii isbeddelka weli taijaabada ah horseeday oo ah Shacabka Ethiopia aqlabiyadooda ah oo raba wax ka duwan wixii hore, hadduu xalaal-yahay shacabku waxay rabaan ayuu ku hoggaamin wuxuuna uga faa’iidaysan jiidhista caqabadaha waawayn ee hor taagan.
2- Wuxuu haddaba haystaa Taageerada galbeedka, gaar ahaan Maraykan oo raba inuuna isbeddelka Ethiopia noqonin mid fashilma ama dhicis ah kadibna horseeda mawjado kacdoonka cusub oo ugu dambyn sababa dagaal sokeeye ama bur-bur ku yimaadda dowladda dhexe ee Ethiopia.

Labadaa arrimood waxaa ka faa’iidaysigooda maarayn garan-waayey Farmaajaha Soomaaliya, sababtuna waxay ahayd sidii shacabku moodayey iyo xaqiiqada oo aad ukala fogaa; dadku waxay u haysteen hoggaamiye isbeddel-doon ah oo la dareen ah hooyadii Waayeelka ahayd ee uu Afkgooye kula kulmay laakiin xaqiiqadu waxay noqotay inuu yahay Wejiga koox qarsoon oo dalka hoos ka maamusha isagana meesha keensatay. Sidoo kale Iswaydiintu waxay noqon: Abiy Axmed ma hooyada 80 jirka ah ee Oromada ah ee dariida lugaynaysa iyadoo gacanta dhagax ku sidata oo caddaalad goobaysa ayuu la dareen yahay mise sida Farmaajo ayey bahashu kusoo biyo shuban-doontaa oo waa ninkii Shaadhka caddaa oo mid guduudan soo xidhay?.

ilaa hadda khudbadahan R/wasaaruhu waxay u muuqdaan masraxiyaddihii xisbigu (EPRDF) caanka ku ahaa ee munaafaqadda iyo Marin habaabinta bulshada ku dhisnaa, laakiin weli Ethiopian ku way sugaynaa biyo-dhaca sheekada waxayna u taageen ninkan laba-farood (midna duco midna habaar) laakiin isagaa kala dooran-doona!.

——
FG: Soomaalilabeed arrinteedu waa budo gooni u tuman marwalba, dhulka Soomaaligalbeed wuxuu Ethiopia u yahay Beertii Risiqa ee Mustaqbalka Ethiopia oo dhan, dadka Soomaaligalbeed na waxay ula mid-yihiin cayayaan Beertaa qurux badan ku dhashay oo in la buufiyo uun istaahila. Xukunkan deg-degga ah ee Shacabka Ethiopia ka cabanayaan warba umahayaan dadkeennu sababtoo waligoodba xukun Askareed iyo go’doon iyo dhaq-dhaqaaq la’aan ayey ku hoosjireen

xigasho ismacil cali ismaciil

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

War deg deg ah : Erdugan oo markale ku guulaystay kursiga ugu sareeya wadanka Turkiga
- Jun 24, 2018
Racep dayip ergugan ayaa markale ku guulaystay madaxwaynaha Dalka Turkiga . Loolan adag ka dib ...
Maamulka Jubbaland oo sii daayay Maxaabiis ay kamid yihiin kuwo hore uga tirsanaa Shabaab
- Jun 24, 2018
kadib cafis uu madaxweynaha Jubbaland u fidiyay ilaa 46 Maxbuus oo ku xiran xabsiyada ...
Somaliland: “Laascaanood ma ahan Waqooyiga Gaalkacyo”
- Jun 24, 2018
Xukuumadda Somaliland ayaa si kulul uga jawaabtay hadalkii ka soo yeeray Madaxweynaha Puntland C/weli ...
Gnv Daawo Dowlada Soomaaliya Oo Cunaqabatayn kusoo Rogtay Xukuumada Somaliland
- Jun 24, 2018
Maamulka Gooni U Goosadka Ah ee Soomaalilalan Ayaa Waxa Uu Kacabanayaa In Dawlada Soomaaliya ...
Jaziirada Malta oo Diiday Inay Qaabisho Tahriibayaal African Ah.
- Jun 24, 2018
Dowladda Malta ayaa sheegtay in aysan qaabili doonin tahriibayaal Afrikaan ah oo dhawaan lasoo ...
Deg Deg Madaxwaynaha Zimbabwe oo Lala Beegsaday Qarax.
- Jun 24, 2018
Qarax aad u culus ayaa ka dhacay dalka Zimbabwe, meel uu ka qudbeynayay madaxweynaha ...
Dad Loo Qabqabtay Qarixii Addis Ababa Ka Dhacay.
- Jun 24, 2018
Sida ay kusoo waramayaan warar kala duwan oo ay heshay ONA ayaa sheegaya in ...
Deg Deg Komishineerkii Booliiska Magaalada Adiss Ababa oo Xabsiga Loo Taxaabay.
- Jun 24, 2018
Waxaa xabsiga la dhigay komumishineerkii Booliiska magaalada Addiss Ababa Girma Kassa kadib qaraxii ka ...
Daawo Hees Qiiro Kugu beeri doonta oo Wadani ah Bilaa musik
- Jun 23, 2018
Daaewo Hees Qiiro Kugu beeri doonta oo Wadani ah Bilaa musik HALKAN KADAAWO
Daawo Dagaalka Tukaraq Madaxweynaha Puntland Oo Maanta Si ka Duwan Sidii Hore Uga Hadlay
- Jun 23, 2018
Iyada oo la isku hor fadiyo deegaanadii ay kudagaalameen Maamulada PUNTLAND iyo SOOMAALILAND Ayaa ...