Dowlada Imaaraadka oo joojisay Howlihii Caafimaad iyo Militari oo ay ka wadey Soomaaliya.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa u muuqata mid gabi ahaanba soo afjareysa xiriirkii dhinacyada badnaa ee kala dhaxeeya Soomaaliya, iyadoo gabi ahaanba joojisay taageeradii Militari iyo bulsho oo ay ka waday Soomaaliya.

Adeegyada la joojiyay ayaa waxaa ka mid ah howlihii Isbitaalka Sheekh Saayid oo ay taageerto dawladda Imaaraadka Carabta, kaddib markii uu xumaaday xiriirka u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Isutaga Imaaraadka Carabta.

Isbitaalkan ayaa adeegyo caafimaad oo bilaash ah u fidin jiray dadka danyarta ah iyadoo ay ka faa’ideysan jireen kumannaan dadka reer Muqdisho ah.

Waxaa kaloo ay agabkooda ka xirxirteen xero xero ay ku tababari jireen Militariga Soomaaliya oo ku taala magaalada Muqdisho.

Saacadihii ugu danbeeyay ayaa xerada oo lagu magacaabo Jen Gordan waxaa laga daabulayay qalab ku jira kontaynarro, kuwaa oo la geeyay safaaradda Iimaaraadka Carabta.

Iimaaraadka ayaa hadal ay soo saareen ku sheegay inay joojiyeen hawlihii la xiriiray tababarrada milateriga ee ay soo wadeen tan iyo 2014, waxay kaloo bixin jireen mushaarka ciidamo ay iyagu tababareen.

Horraantii todobaadkan ayaa sidoo kale is mariwaa saacado qaatay wuxuu ka dhacay garoonka dayaaradaha ee Boosaaso, kaddib markii in muddo ah la xannibay hub la sheegay in la saari lahaa dayaarad halkaa ka qaadi lahayd tababareyaal Militari, dayaaradda iyo dadkii raaci lahaa ayaa markii dambe halkaa ka duulay.

Laakiin dowladda Soomaaliya ayaa dhinaceeda qabta in ay jiri karaan fursado lagu wada hadli karo si khilaafka jira looga gudbo sida uu warbaahinta u sheegay wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad.

Madaxweynaha Puntland, C/weli Max’ed Cali Gaas ayaa isna ka codsaday in tabarayaasha milateriga ay dib u soo laabtaan.

Inkasto horeyba uu madmadow uga jiray xiriirka labada dowladdood ayaa haddana la oran karaa waxaa dabkii shidnaa basiin ku sii daray tallaabadii dowladda Soomaaliya ay kula wareegtay lacag dhan $ 9 million iyo 600 Kun oo dollar oo lagu siday diyaarad laga leeyahay dalka Iskutaga Imaaraadka gudaha garoonka diyaaradaha Muqdisho, arintaa oo siweyn uga careysiisay dowladda Imaaraadka.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

Sheeka dhexmartay N/ Hure Sulub Cabdi Axmad iyo Samoora Yuunus taliyihi guude ciidanka Itoobiya
- Jul 20, 2018
Sheeka dhexmartay N/ Hure Sulub Cabdi Axmad iyo Samoora Yuunus taliyihi guude ciidanka Itoobiya. Sheekadan ...
Daawo Alle ha U Naxariisto Ruugcadaagii Saxaafadda Yonis Ali Noor oo Geeriyooday
- Jul 20, 2018
Alle ha U Naxariistee Waxaa Ruugcadaagii Saxaafadda Yonis Ali Noor oo Geeriyooday.
Daawo:Wararkii ug dabeeyey Dagaalka Oromada iyo Soomaalida ee ka socda Xadka.
- Jul 20, 2018
Daawo:Wararkii ug dabeeyey Dagaalka Oromada iyo Soomaalida ee ka socda Xadka.
Daawo:Soomaaliya oo Markii ugu horaysay xubi ka noqotay Suuq waynaha Africa ee COMESA.
- Jul 20, 2018
Daawo:Soomaaliya oo Markii ugu horaysay xubi ka noqotay Suuq waynaha Africa ee COMESA.
Daawo:Qalbi Dhagax oo Baaq u jeediyay Dhamaan Shacab waynaha Ogaadeeniya iyo Halgamayaasha Xorimada ku howlan.
- Jul 20, 2018
Daawo:Qalbi Dhagax oo Baaq u jeediyay Dhamaan Shacab waynaha Ogaadeeniya iyo Halgamayaasha Xorimada ku ...
Deg Deg Baadhitaano Laga Sameeyay Xaafado Kamida Addiss Ababa & Hub Lagu Soo Qabtay.
- Jul 20, 2018
Magaalada Adiss Ababa ee xarunta Gumaysiga Itoobiya ayaa waxaa ka bilawday baadhitaano kadis ah ...
Daawo Wadamada Sigaarku Ugu Khatarta Badan.
- Jul 20, 2018
Daawo Warbixin Kusaabsan Wadamada Ugu Sigaar Cabida Badan Iyo Kuwa ugu Sigaar Cabida Badan
Daawo Wararkii Ugu Dambeeyay ee Dagaalka Oromada Iyo Soomaalida
- Jul 20, 2018
Waxaa Wali Qasan Xaalada Amaan Ee Kajirta Xaduudaha Ay Wadaagaan Soomaalida Iyo Oromada HadaHalkan ...
Deg Deg Itoobiya oo 20 Sano Kadib Safiir u Magacawday Eritrea.
- Jul 20, 2018
Itoobiya ayaa safiir u magacawday markii ugu horaysay mudo ka badan 20 sano kadib ...
Deg Deg Daawo Qalbidhagax Muxuu Usheegay Ururka ONLF Ee Uu ka Tirsanaa
- Jul 20, 2018
Abdikarim Sheekh Muuse Qalbidhagar Ayaa Kudbad Dheer Kajeediyay Shirkii Jaaliyada O N L F ...