Itoobiya siday wax uga socdaan armuu Cabdi iley fekerkiisa wax ka beddelaan?!

Ma badna qof noloshiisa oo dhan hal si uun ufekera oo Aadamuhu kolba xaaladda hortaalla iyo tabtii loo maarayn lahaa ayuu iswaydiiyaa. Haddaba waxaad mooddaa mararka qaarkood inay jiraan iswaydiimo ama kal-jeclaysi ah: war ninkii Cabdi iley ahaa markuu arkay Kacdoonkii Itoobiya, markuu arkay isbeddelka bilowga ah ee waddanka ka socda, markuu arkay gobalka deriskiisa ah ee Oromiya iyo siday raggii xisbigu (EPRDF) soo bar-baariyey dadkooda rabitaankooda ugu hoggaaminayaan, Aarmuu ninku isbeddelaa ama miyuuna isbeddelin ba?

Si aad waydiintaa uga nasato qabso saddex tallaabo oo uu qaaday Horjooge Cabdi iley muddadii isbeddelka:

1. Xagga shacabka, wuxuu dhammaan degmooyinka Soomaaligalbeed mid mid ugu waajibiyey in lacago qayru-caadi ah laga soo ururiyo oo degmo kasta waxaa qaadhaan ahaan loogu qoray lacag dhan 2 milyan oo bir ah, taasoo gobalkii 10 degmo ka kooban ku waajibinaysa inuu bixiyo lacag dhan 20 milyan oo bir, xadhigii, cadaadiskii iyo wixii kale waa sidoodii oo wax isbeddel ah majiro.

2. Xagga ONLF, wuxuu bilaabay hawl-galkii intii muddo ahayd ugu adkaa (walow dhalinyadii liyuugu iska daaleen) kasoo weli socda, oo xilligan aan qoraalka wado ugu yaraan 10 madax/kooxood oo liyuu ah ayaa hawl-gal ugu jira duurka.

3. Xagga Maxaabiista, tusaalaha ugu sahlani waa inuu rag 60 jiro ah oo 20 sano halgan ummadeed duurka ugu jiray oo masuuliyiin ah intuu saxaafadda hor keenay ku qasbay inay yidhaahdaan “Waxaa la noo sameeyey dhaqan celin, waxaannu baranay sida Sariiraha loo sameeyo, sida harqaanka loo tolo, sida wildhanka wax loogu dhalaaliyo IWM, kadibna intuu baabuur ku guray ku yidhi dhulkan banaan beero ka sameeya.

Saddexdaa tallaabo waxay tusaale u yihiin sidayna weli Cabdi/Cadduur dhaw-dhawdu ugu dhaadhacsanayn!..

FG: Marwalba Cabdi iley waa adeege, wuxuuna fuliyaa siyaasadda Taliska dhexe, haddii uu halkaa (dhexe) isbeddel macne leh ka yimaaddo ugu yaraan dadka gobalku waxay helidoonaan daaqad-yar oo ay ka neefsadaan.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

War deg deg ah : Erdugan oo markale ku guulaystay kursiga ugu sareeya wadanka Turkiga
- Jun 24, 2018
Racep dayip ergugan ayaa markale ku guulaystay madaxwaynaha Dalka Turkiga . Loolan adag ka dib ...
Maamulka Jubbaland oo sii daayay Maxaabiis ay kamid yihiin kuwo hore uga tirsanaa Shabaab
- Jun 24, 2018
kadib cafis uu madaxweynaha Jubbaland u fidiyay ilaa 46 Maxbuus oo ku xiran xabsiyada ...
Somaliland: “Laascaanood ma ahan Waqooyiga Gaalkacyo”
- Jun 24, 2018
Xukuumadda Somaliland ayaa si kulul uga jawaabtay hadalkii ka soo yeeray Madaxweynaha Puntland C/weli ...
Gnv Daawo Dowlada Soomaaliya Oo Cunaqabatayn kusoo Rogtay Xukuumada Somaliland
- Jun 24, 2018
Maamulka Gooni U Goosadka Ah ee Soomaalilalan Ayaa Waxa Uu Kacabanayaa In Dawlada Soomaaliya ...
Jaziirada Malta oo Diiday Inay Qaabisho Tahriibayaal African Ah.
- Jun 24, 2018
Dowladda Malta ayaa sheegtay in aysan qaabili doonin tahriibayaal Afrikaan ah oo dhawaan lasoo ...
Deg Deg Madaxwaynaha Zimbabwe oo Lala Beegsaday Qarax.
- Jun 24, 2018
Qarax aad u culus ayaa ka dhacay dalka Zimbabwe, meel uu ka qudbeynayay madaxweynaha ...
Dad Loo Qabqabtay Qarixii Addis Ababa Ka Dhacay.
- Jun 24, 2018
Sida ay kusoo waramayaan warar kala duwan oo ay heshay ONA ayaa sheegaya in ...
Deg Deg Komishineerkii Booliiska Magaalada Adiss Ababa oo Xabsiga Loo Taxaabay.
- Jun 24, 2018
Waxaa xabsiga la dhigay komumishineerkii Booliiska magaalada Addiss Ababa Girma Kassa kadib qaraxii ka ...
Daawo Hees Qiiro Kugu beeri doonta oo Wadani ah Bilaa musik
- Jun 23, 2018
Daaewo Hees Qiiro Kugu beeri doonta oo Wadani ah Bilaa musik HALKAN KADAAWO
Daawo Dagaalka Tukaraq Madaxweynaha Puntland Oo Maanta Si ka Duwan Sidii Hore Uga Hadlay
- Jun 23, 2018
Iyada oo la isku hor fadiyo deegaanadii ay kudagaalameen Maamulada PUNTLAND iyo SOOMAALILAND Ayaa ...