Shacabka Gobolka Silhiniileoo Go’aansaday In Ay Dabaqoodhiga Iska Celiyaan & Dagaal Dhacay

Wararka naga soo gaadhaya Degmada Erar ee Gobolka Shiniile ee wadanka Ogadenia ayaa sheegayaa dagaal faraha laysulatagay oo dhaawac badan gaystay oo dhex maray maamul kusheega Dagmada iyo dadka shacabka ah ee kudhaqan Dagmada Erar iyo nawaaxigeeda.

Sida xogta aan kuhelayno dadwaynaha kudhaqan magaalada Erar oo aad uga cadhaysan dhaqamada xun xun ee maamul kusheega Gobolka Shiniile kajira iyo ciidanka doolka kujooga Gobolku ay sameeyaan, kaas oo uu ugu dambeeyay falkii ciidanka dabaqoodhiga ah ee wayaanaha lashaqeeya ay ku kufsadeen Marwada ninkiidii uu lajoogay tuulada Biki.

Dadka deegaanka oo faasas iyo dhagaxaan kuhubaysan ayaa lasheegayaa in ay weerar kuqaadeen xafiiska Dagmada, halkaas oo ay guryaha kuxareeyeen maamul kusheegii Dagmada iyo waliba kuwii ilaalada u ahaa, waxaana lasheegayaa in loogaystay dhaawacyo aad ubadan.

Maamulka Gobolka Shiniile ayaa lasheegayaa in ay gurmad kasoo direen xarunta Gobolka ee Shiniile, hase yeeshee dadkii shacabka ahaa ee cadhaysnaa ayaa gurmadkii Gobolka mariyay wadadii ay mariyeen kooxdii Dagmada joogtay iyo ciidankoodiiba.

Kooxdii loo awood sheegtay ee Maamul kusheega gumaysiga ushaqeeya ahayd ayaa lasheegayaa in ay dalbadeen gurmad xoogan oo uga yimaada dhinaca xukuumada dhexe ee wayaanaha waxaana lasheegayaa in ay Dagmada Erar soogaadheen baabuur aad ubadan oo ciidanka mulatariga wayaanuhu ay kubuuxaan waxayna badbaadiyeen kooxdii ku xero oodnayd xafiiska Dagmada.

Wararkii ugu dambeeyay ee Gobolka Shiniile ayaa lasheegayaa in ay maamul kusheegii kusugan yihiin magaalada Dirdabe halkaas oo naftoodii ay kula baqdeen, waxaana lasoo warinayaa in ay shacabku udiyaar garoobeen dagaal ay lagalaan waxay ay ugu yeedheen kooxda Dib ucurashada.

Wixii war ah ee arimaha Gobolka Shiniile kasoo kordha kala soco ONA.

ONA Ogadenia.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

Saraakiishii Tigreega Ahaa oo Labahdilay & Samore Yonis oo Cabanaya.
- May 22, 2018
Wararka naga soo gaadhaya wadanka Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in saraakiisha ciidamada wayaanaha uu ...
Daawo Ethiopia Oo Loo Raray Kaydkii Shidaalka Haamaha Berbera Ee Somaliland
- May 22, 2018
Waxaa Laga soo Darinaayay In Shidaal La'aan ba'ani Kajirto Ethiopia Hadaba waxaa soo baxaysa ...
Daawo DEG DEG Sheikh Hassan Dahir Aweys oo Ammaan kala Dul dhacay Amina Muse & Naimo Qorane
- May 22, 2018
Sheikh Hassan Dahir Aweys oo Xabsi Guri ku Ah Magaalada Muqdisho ayaa Ammaan kala ...
Dalkii 3aad oo Safaaradiisa Ka Furtay Magaalada Al-Qudus.
- May 22, 2018
Dalka Paraguay ayaa shalay safaarad ka furtay magaalada Qudus, wuxuuna noqday dalkii saddexaad ee ...
Roobab Duufaan Watay oo Soomaaliya Ku Dhuftay & Khasaare Ka Dhashay.
- May 22, 2018
In ka badan 20 qof ayaa la rumaysan yahay inay ku geeriyootay halka kumannaan ...
Musuq-Maasuq Hadheeyay Masuuliinta Soomaaliyeed.
- May 22, 2018
Iyadoo lagu wado in 28ka bishan May magaalada Geneva ee dalka Switzerland uu ka ...
Saraakiishii Tigreega Ahaa oo Labahdilay & Samore Yonis oo Cabanaya.
- May 22, 2018
Wararka naga soo gaadhaya wadanka Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in saraakiisha ciidamada wayaanaha uu ...
DEG DEG Daawo Madaxweyne Erdogen oo Shirqool dil ka Bad Baadey
- May 21, 2018
Waxaa horay Loogu Guul Daraystay Iskuday Afgambi Kadhan ahaa Madaxwayne Ordogan Hadana waxaa soo ...
Daawo Risal Wasaaraha Ethiopia Oo Soo Daayey 1,000 Maxaabiis Ethiopian Ah Oo Ku Xirnaa Saudi Arabia
- May 21, 2018
Dhaq Dhaqaaq yada Cusub ee uu layimid Risal Wasaaraha Ethiopia Waxaa Kamida Soodaynta 1,000 ...
Daawo Magaalada Godey oo Bisha Ramadaan Waxaa kusoo Batay Furniinka Dumarka
- May 21, 2018
Magaalada Godey oo Bisha Ramadaan Waxaa kusoo Batay Furniinka Dumarka