Shacabka Gobolka Siti oo Go’aansaday In Ay Dabaqoodhiga Iska Celiyaan & Dagaal Dhacay.

Wararka naga soo gaadhaya Degmada Erar ee Gobolka Siti ee wadanka Ogadenia ayaa sheegayaa dagaal faraha laysulatagay oo dhaawac badan gaystay oo dhex maray maamul kusheega Dagmada iyo dadka shacabka ah ee kudhaqan Dagmada Erar iyo nawaaxigeeda.

Sida xogta aan kuhelayno dadwaynaha kudhaqan magaalada Erar oo aad uga cadhaysan dhaqamada xun xun ee maamul kusheega Gobolka Siti kajira iyo ciidanka doolka kujooga Gobolku ay sameeyaan, kaas oo uu ugu dambeeyay falkii ciidanka dabaqoodhiga ah ee wayaanaha lashaqeeya ay ku kufsadeen Marwada ninkiidii uu lajoogay tuulada Biki.

Dadka deegaanka oo faasas iyo dhagaxaan kuhubaysan ayaa lasheegayaa in ay weerar kuqaadeen xafiiska Dagmada, halkaas oo ay guryaha kuxareeyeen maamul kusheegii Dagmada iyo waliba kuwii ilaalada u ahaa, waxaana lasheegayaa in loogaystay dhaawacyo aad ubadan.

Maamulka Gobolka Siti ayaa lasheegayaa in ay gurmad kasoo direen xarunta Gobolka ee Shiniile, hase yeeshee dadkii shacabka ahaa ee cadhaysnaa ayaa gurmadkii Gobolka mariyay wadadii ay mariyeen kooxdii Dagmada joogtay iyo ciidankoodiiba.

Kooxdii loo awood sheegtay ee Maamul kusheega gumaysiga ushaqeeya ahayd ayaa lasheegayaa in ay dalbadeen gurmad xoogan oo uga yimaada dhinaca xukuumada dhexe ee wayaanaha waxaana lasheegayaa in ay Dagmada Erar soogaadheen baabuur aad ubadan oo ciidanka mulatariga wayaanuhu ay kubuuxaan waxayna badbaadiyeen kooxdii ku xero oodnayd xafiiska Dagmada.

Wararkii ugu dambeeyay ee Gobolka Siti ayaa lasheegayaa in ay maamul kusheegii kusugan yihiin magaalada Dirdabe halkaas oo naftoodii ay kula baqdeen, waxaana lasoo warinayaa in ay shacabku udiyaar garoobeen dagaal ay lagalaan waxay ay ugu yeedheen kooxda Dib ucurashada.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

Sheeka dhexmartay N/ Hure Sulub Cabdi Axmad iyo Samoora Yuunus taliyihi guude ciidanka Itoobiya
- Jul 20, 2018
Sheeka dhexmartay N/ Hure Sulub Cabdi Axmad iyo Samoora Yuunus taliyihi guude ciidanka Itoobiya. Sheekadan ...
Daawo Alle ha U Naxariisto Ruugcadaagii Saxaafadda Yonis Ali Noor oo Geeriyooday
- Jul 20, 2018
Alle ha U Naxariistee Waxaa Ruugcadaagii Saxaafadda Yonis Ali Noor oo Geeriyooday.
Daawo:Wararkii ug dabeeyey Dagaalka Oromada iyo Soomaalida ee ka socda Xadka.
- Jul 20, 2018
Daawo:Wararkii ug dabeeyey Dagaalka Oromada iyo Soomaalida ee ka socda Xadka.
Daawo:Soomaaliya oo Markii ugu horaysay xubi ka noqotay Suuq waynaha Africa ee COMESA.
- Jul 20, 2018
Daawo:Soomaaliya oo Markii ugu horaysay xubi ka noqotay Suuq waynaha Africa ee COMESA.
Daawo:Qalbi Dhagax oo Baaq u jeediyay Dhamaan Shacab waynaha Ogaadeeniya iyo Halgamayaasha Xorimada ku howlan.
- Jul 20, 2018
Daawo:Qalbi Dhagax oo Baaq u jeediyay Dhamaan Shacab waynaha Ogaadeeniya iyo Halgamayaasha Xorimada ku ...
Deg Deg Baadhitaano Laga Sameeyay Xaafado Kamida Addiss Ababa & Hub Lagu Soo Qabtay.
- Jul 20, 2018
Magaalada Adiss Ababa ee xarunta Gumaysiga Itoobiya ayaa waxaa ka bilawday baadhitaano kadis ah ...
Daawo Wadamada Sigaarku Ugu Khatarta Badan.
- Jul 20, 2018
Daawo Warbixin Kusaabsan Wadamada Ugu Sigaar Cabida Badan Iyo Kuwa ugu Sigaar Cabida Badan
Daawo Wararkii Ugu Dambeeyay ee Dagaalka Oromada Iyo Soomaalida
- Jul 20, 2018
Waxaa Wali Qasan Xaalada Amaan Ee Kajirta Xaduudaha Ay Wadaagaan Soomaalida Iyo Oromada HadaHalkan ...
Deg Deg Itoobiya oo 20 Sano Kadib Safiir u Magacawday Eritrea.
- Jul 20, 2018
Itoobiya ayaa safiir u magacawday markii ugu horaysay mudo ka badan 20 sano kadib ...
Deg Deg Daawo Qalbidhagax Muxuu Usheegay Ururka ONLF Ee Uu ka Tirsanaa
- Jul 20, 2018
Abdikarim Sheekh Muuse Qalbidhagar Ayaa Kudbad Dheer Kajeediyay Shirkii Jaaliyada O N L F ...