1995 /2018 , SOOYAALKA TAARIKHDA QOYSASKA NAFTOOD HURAYAASHA AY SOO MARREEN MARNA WAAD AAMUSI MARNA WAD MURUGOON MARNA WAAD CIILOON.

Walaashay fartuun abdikarin sheikh muse Qalbi dhagax meysan arag inn ka badan 11 sano aabo abdikarim, goortii ay la kulmi laheyd waxaa ugu dhawaa xamar balse ma dhicin. Yaxye mohamed abdi teerso ma uusan arag abtigay teerso inn ka badan 27 sano, waxaa ugu danbeysay habeenki loo sheegay inn reerka wiil ku soo kordhay isagoo jooga gudaha gaar ahaan degmada beercaano.. marxuum abdi abdullahi waxaan ka guuriyay Mar aan isla joognay mise ku kulanay dalka Eritrea horaantii 2012 ,wuxuu ila wadaagay sooyaal taarikheed ku soo koobi karrin feegaarkan balse mar uun ku soo saari doono buug ka hadli doonaa murugo saameyn ku yeelan doonta mustaqbalka danbe jiilasha iyo dhalinyarada soo barbaaraya xiligan. Wuxuu II sheegay isagoo xarunta dhexe jooga loo soo sheegay warbixin hoose caruurta ah iyo duruufaha soo foodsaaray dhanka nolasha. Sanad ineysan bixin kirada guriga, xanuun joogta ah caruurtii kolba laga daweyn hayo, adeerkii oo cad ah habeen madow lagala baxay gobolka fiiq, Ciidanka uu markaasi la joogo waxaa ka sii dhamaanaya saadka hubka iyo daawada Ciidanka, cirka wuxuu sheegayaa daruur iyo farrin tilmaameysa inney helli doonaan roob aad uculus xili dheerna la sugayay.

1995 bishii July waxaa xaaji hooyo gini caafi cilmi u yimid sarkaalka heysta xerada military godey, wuxu la wadaagay iney la hadasho aabo sheikh Ibrahim abdalla unna sheegto iney ahaan donaan ( XABSI ) xaaska iyo caruurta hadii uusan xerada military ee ugu dhow iska xaadirinin. Xarunta dhexe waxaa jooga marxuum deeq abdi raasim, marxuum Ahmed cali deeq, marxuum abdirahman abbey, marxuum xayi. Anigoo xili danbe guriga soo gaadhay kana walbahaarsan culuyska saaran reerka iyo xanuunada faraha badan ee hooyo la soo dersay sababtana u ah duruufaha halganka, waxa subaxa hore inoo yimid shaqsi aan magaciisa sheegeyn balse taarikhda la suggi doono iyo waayaha, wuxuu hooyo usheegay inney caawa baaritaan sameyn doonaan saraakisha tigregu sidaasi daraaded caruurta loo kala diro ehelada iyo xigtada si aan xabsi loogu tuurin. Xili duhurki ah waxaa guriga reer sheikh Ibrahim lugu wareejiyay ciidan, waxana istaagay isku socodka dadka magaalada ee sii haya jidka dheer ee guriga reer sheikh Ibrahim hormara ee ka soo baxa xerada Ciidanka ilaa magaalada.

1996 marxuum Ahmed wali siraad wuxuu lugu dilay dusha sare magaalada godey, wuxuuna ahaa haldooorka magaalada ee habeen madow ka baxay magaalada markey saaxibki miraad sheikh yusuf iyo baarax isku Mar ku dhex dileen xaasaskooda hortooda .marxuum Ahmed wali isagoo dareensan inney sameyn karaan wax walba oo xumaan ah ayuu la dardaarmay dhamaan qoysaska jabhada ee xiligaasi ku nolaa godey. Caruurtii iyo xaaskii marxuum Ahmed wali waxay ukala baxsadeen gobolada iyo tuulooyinka gobolka si aysan gacanta ugu gallin saraakisha tigreegu ee baadi goobka ugu jirta xaasaska jabhada. Dhamaan gobolada dalka waxaa ka socotay barnaamijka xaasaska iyo caruurta madaxda jabhada inn argagax lugu wadda rido isla markaana hadii ay suurtagal tahay caruurta iyo xaasaska lugu jirdilo, lugu bahdilo aabahood si damiirka iyo garashada nool loo burburiyo .

Marxuum Sandool waxaa lugu dilay magaalada galkacyo isagoo markaasi u joogay howl shaqsi ah, dhowr maalin ka dib marxuum sandool dilkisa waxaa ku xigay marxuum curaagta oo adeerkay dhalay, waxana lugu dilay magaalada baladweyn, isagoo howl shaqsi markaasi ujooga. Xogtaasi markey soo baxday waxaa sii kordhay dareenka ah inaan xitaa lugu baxsan karrin dalka somaliya Mar hadii marxuum sandool iyo marxuum curaagte lugu dilay gudaha dalka somaliya. Ficilkaasi waxaa fulinayay madaxda somalida, waxana amarka bixinayay saraakisha tigregu. Sida loo dilay labadda marxuum ee naxaris daradda ah waxaynu faafaahin markey munsaab tahay insha allaah.

Hadaba, yeeysan la yaab kugu noqonin ficilka abdi ilay uu maalinwalba sameyn hayo maxaa yeelay waa duruus lugu soo tijaabiyay shacabka iyo waliba naftood hurayaasha xaasaskooda iyo caruurtooda. Sooyaalka taarikhda waxaa ku keydsan murugo, tacsi joogta ah, barakac si kas ah loogu sameeyay qoysas ku nool dhulkoodii hooyo. Waxan Mar walba xasuusin kuwa ay hada ku cusub tahay ficilka foosha xun iyo ihaanada abdi ilay, inneysan u arrkin qorshe cusub balse ufahmaan iney ka mid tahay xeelada gumeysiga ee waligeed soo jirtay wayna jiri doontaa inta guusha xoriyada laga helayo.

Waxan idinka codsan inn sooyaal taarikheed ee halganka la keydiyo si jiilasha soo socda iyo kuwa dhalan doono loogu keydiyo duruufaha kala duwan ee dalka iyo dadku soo marreen. Hadii aynu taarikhda keydin weyno, oggaada waxaa taarikh been ah faafin doona jaajuuski shalay shacabka soo barakiciyay . Sawirada, dhacdooyin, murugada, tacsida, goobta iyo goorta iyo sababta intaasi aynu keydino fadlan.

Walaalkin Mujahid sheikh Ibrahim.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

Kacdoono Kabilowday Gobolka Liibaan Ee Wadanka Ogadenia.
- May 25, 2018
Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Liibaan ee Koonfurta wadanka lagumaysto ee Ogadenia ayaa sheegaya ...
Daawo Muuqaal Kooban Oo Galabta laga Soo Duubay Jiida dagaalka Tukaraq
- May 25, 2018
Dagaalkii Tukaraq Oo Khasaare Badan Dhaliyay Hadaba Daawo Muuqaal Kooban Oo Galabta laga Soo ...
Masaajid Addis Ababa Lagu Dumiyay & Xiisad Kadhalatay.
- May 25, 2018
Wararka naga soo gaadhaya magaalada Addis Ababa ee xarunta Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya khilaaf ...
Saraakiisha Tigreega & Odayaasha Soomaalida oo Siwayn Isu Maandhaafsan.
- May 25, 2018
Wararka naga soo gaadhaya wadanka Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in saraakiisha Tigreega ee wali ...
Deg Deg: Kacdoono Kabilowday Gobolka Liibaan Ee Wadanka Ogadenia.
- May 25, 2018
Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Liibaan ee Koonfurta wadanka lagumaysto ee Ogadenia ayaa sheegaya ...
DEG DEG Wararkii Ugu Dambeeyey Dagaalkii Tukaraq ee Xalay Dhacay
- May 24, 2018
Daawo Dagaal Kulul Oo Mar la baad saakay Kabilawday Tukaraq HALKAN KA DAAWO
CAYDA SHACABKEYGA LOO SAFAY WAA CIQAAB LAGU QASBAY.
- May 24, 2018
Hordhac.. Marka hore inta aanan u jeedada qoraalkeygan een ugu magac daray ciwaanka kore ...
majiro cadow uga arxan-daran Cabdi iley laakiin Cabdi iley oo tagaa; ma’aha gumaysigii oo tagay, mana’aha dhammaadkii dulmiga.
- May 24, 2018
Waa markii imisaad?. Dadka reer Soomaaligalbeed horay uma soo marin, haddana majiro cadow uga ...
H. Warfaafinta JWXO oo Siminaar Saxaafadeed Usoo Xidhay Xubno Cusub.
- May 24, 2018
Gudoomiyaha hogaanka warfaafinta JWXO Mudane Hassan Moalin ayaa wuxuu usoo xidhay siminaar dhinaca saxaafada ...
Dilal Qorsheysan oo Laga Fuliyay Magaalada Muqdisho.
- May 24, 2018
Koox sheegatay in ay yihiin Daacish ayaa internetka kusoo bandhigay muuqaalo muujinaya askari dowladda ...