Xiisadii Moyale oo Cirka Isku Shareertay & Dad Laqaqabtay.

Wararka naga soo gaadhaya magaalada Moyale ayaa sheegaya saansaan colaaleed oo halkaas ka aloosan kadib markii lilal kala duwan ay maalmihii ina dhaafay kadhacayeen gudaha magaalada Moyale ee xuduuda Oadenia iyo Oromia.

Sida xogta aan kuhelayno xiisada ayaa aad sare ugu sii kacday kadib markay kooxda dabaqoodhiga ah ee Oromada ee OPDO looyaqaano qabteen labo qof oo Soomaali ah kuwaas oo ay kusheegeen in ay faldambiyeed kafulin rabeen gudaha magaalada Moyale.

Dabaqoodhiga Soomaalida ee kusugan magaalada Moyale ayaa dhankooda talaabadan ay Oromadu qaaday kufasiray daandaansi cad oo Oromadu ay kusoo qaaday shacabka Soomaalida iyo dhulkeedaba, waxayna sheegayaan in nimanka laqabtay ay ahaayeen shacab magaalada iska dhex joogay.

Maamulka Oromada ayaa qarixii khasaaraha badan gaystay ee kadhacay magaalada Moyale ku eedeeyay ciidanka Itoobiya ushaqeeya ee Layuu Police ka looyaqaano, kuwaas oo mudooyinkii ugu dambeeyay uu kadhaxeeyay dagaal fool kafool ah.

Dhinaca kale maamulka Soomaalida ah ayaa hadalka Oromada kusheegay mid waxba kama jiraan ah, waxayna Soomaalidu Oromada ku eedaysay in ay doonayaan dagaal cusub oo dhulka Soomaalida ay kusoo qaadaan iyagoo ka faa’iidaysanaya maamulka cusub ee wayaanaha ee Oromada ah.

Dagaalada udhaxeeya Oromada iyo Soomaalida ayaa la ogsoon yahay in ay dabada kariixayeen kooxda siyaasada lagaga awood roonaaday ee TPLF, waxaana lasheegayaa in ay wali qayb kayihiin hurinta dagaaladaas dhex maraya labada quwadood ee Tigreegu ay iska ilaaliyaan ee Oromada iyo Soomaalida.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

Kacdoono Kabilowday Gobolka Liibaan Ee Wadanka Ogadenia.
- May 25, 2018
Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Liibaan ee Koonfurta wadanka lagumaysto ee Ogadenia ayaa sheegaya ...
Daawo Muuqaal Kooban Oo Galabta laga Soo Duubay Jiida dagaalka Tukaraq
- May 25, 2018
Dagaalkii Tukaraq Oo Khasaare Badan Dhaliyay Hadaba Daawo Muuqaal Kooban Oo Galabta laga Soo ...
Masaajid Addis Ababa Lagu Dumiyay & Xiisad Kadhalatay.
- May 25, 2018
Wararka naga soo gaadhaya magaalada Addis Ababa ee xarunta Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya khilaaf ...
Saraakiisha Tigreega & Odayaasha Soomaalida oo Siwayn Isu Maandhaafsan.
- May 25, 2018
Wararka naga soo gaadhaya wadanka Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in saraakiisha Tigreega ee wali ...
Deg Deg: Kacdoono Kabilowday Gobolka Liibaan Ee Wadanka Ogadenia.
- May 25, 2018
Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Liibaan ee Koonfurta wadanka lagumaysto ee Ogadenia ayaa sheegaya ...
DEG DEG Wararkii Ugu Dambeeyey Dagaalkii Tukaraq ee Xalay Dhacay
- May 24, 2018
Daawo Dagaal Kulul Oo Mar la baad saakay Kabilawday Tukaraq HALKAN KA DAAWO
CAYDA SHACABKEYGA LOO SAFAY WAA CIQAAB LAGU QASBAY.
- May 24, 2018
Hordhac.. Marka hore inta aanan u jeedada qoraalkeygan een ugu magac daray ciwaanka kore ...
majiro cadow uga arxan-daran Cabdi iley laakiin Cabdi iley oo tagaa; ma’aha gumaysigii oo tagay, mana’aha dhammaadkii dulmiga.
- May 24, 2018
Waa markii imisaad?. Dadka reer Soomaaligalbeed horay uma soo marin, haddana majiro cadow uga ...
H. Warfaafinta JWXO oo Siminaar Saxaafadeed Usoo Xidhay Xubno Cusub.
- May 24, 2018
Gudoomiyaha hogaanka warfaafinta JWXO Mudane Hassan Moalin ayaa wuxuu usoo xidhay siminaar dhinaca saxaafada ...
Dilal Qorsheysan oo Laga Fuliyay Magaalada Muqdisho.
- May 24, 2018
Koox sheegatay in ay yihiin Daacish ayaa internetka kusoo bandhigay muuqaalo muujinaya askari dowladda ...