Doorashadii Turkiga oo Wakhtigeedii Laga Soo Hormariyay.

Madaxweyne Tayyib Erdogan ayaa Arbacadii ku dhawaaqay in bisha June ee soo socota la qaban doono doorashadii horey loo qorsheeyey inay dhacdo November 2019.

Go’ aankan Erdogan horey ugu soo dhigay xiliga doorashada ayuu sheegay inay la xidhiidho in si deg deg leh loo dhaqan geliyo nidaamka cusub ee dowlada Turkey ee awooda dheeraadka ah siinaya Xafiiska Madaxweynaha.

Sanadkii lasoo dhaafay ayuu Erdogan ku guuleystay in afti dadweyne lagu ansixiyey dib u habeynta dastuurka lagu sameeyey oo lagu qeexay in nidaamkii hore ee awooda Raysalwasaaraha iyo Baarlamaanka loo wareejiyey xafiiska Madaxweynaha. Balse nidaamkan cusub ayaa dhaqan galaya oo kaliya kadib doorashada Madaxweynaha oo hada la sheegay in la qaban doono 24 bisha June ee sanadkan.

Erdogan ayaa sheegay in lama huraan tahay in la dhaqan geliyo awooda xafiiska Madaxweynaha si looga hortago caqabadaha badan ee horyaala dalka sida, dagaalka ka socda wadanka ay jaarka yihiin ee Suuriya iyo xasilinta dhaqaalaha & Ganacsiga dalka Turkiga.

Dastuurka cusub ayaa awoodaha uu siinayo Madaxweynaha ay kamid yihiin inuu isagu leeyahay go’aanka xil magacaabista Golaha Wasiirada iyo xil ka qaadista, inuu sidoo kale uusan inta badan u baahneyn taageerada Baarlamaanka ama xafiiska Raysalwasaaraha oo awoodiisa hoos loo dhigay.

Wuxuu sharciga cusub sidoo kale meesha ka saarayaa sharcigii hore oo sheegayey in Madaxweynaha uu noqdo siyaasi dhex dhexaad ah oo aan xil ka hayn xisbiyada dalkaasi.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

Sheeka dhexmartay N/ Hure Sulub Cabdi Axmad iyo Samoora Yuunus taliyihi guude ciidanka Itoobiya
- Jul 20, 2018
Sheeka dhexmartay N/ Hure Sulub Cabdi Axmad iyo Samoora Yuunus taliyihi guude ciidanka Itoobiya. Sheekadan ...
Daawo Alle ha U Naxariisto Ruugcadaagii Saxaafadda Yonis Ali Noor oo Geeriyooday
- Jul 20, 2018
Alle ha U Naxariistee Waxaa Ruugcadaagii Saxaafadda Yonis Ali Noor oo Geeriyooday.
Daawo:Wararkii ug dabeeyey Dagaalka Oromada iyo Soomaalida ee ka socda Xadka.
- Jul 20, 2018
Daawo:Wararkii ug dabeeyey Dagaalka Oromada iyo Soomaalida ee ka socda Xadka.
Daawo:Soomaaliya oo Markii ugu horaysay xubi ka noqotay Suuq waynaha Africa ee COMESA.
- Jul 20, 2018
Daawo:Soomaaliya oo Markii ugu horaysay xubi ka noqotay Suuq waynaha Africa ee COMESA.
Daawo:Qalbi Dhagax oo Baaq u jeediyay Dhamaan Shacab waynaha Ogaadeeniya iyo Halgamayaasha Xorimada ku howlan.
- Jul 20, 2018
Daawo:Qalbi Dhagax oo Baaq u jeediyay Dhamaan Shacab waynaha Ogaadeeniya iyo Halgamayaasha Xorimada ku ...
Deg Deg Baadhitaano Laga Sameeyay Xaafado Kamida Addiss Ababa & Hub Lagu Soo Qabtay.
- Jul 20, 2018
Magaalada Adiss Ababa ee xarunta Gumaysiga Itoobiya ayaa waxaa ka bilawday baadhitaano kadis ah ...
Daawo Wadamada Sigaarku Ugu Khatarta Badan.
- Jul 20, 2018
Daawo Warbixin Kusaabsan Wadamada Ugu Sigaar Cabida Badan Iyo Kuwa ugu Sigaar Cabida Badan
Daawo Wararkii Ugu Dambeeyay ee Dagaalka Oromada Iyo Soomaalida
- Jul 20, 2018
Waxaa Wali Qasan Xaalada Amaan Ee Kajirta Xaduudaha Ay Wadaagaan Soomaalida Iyo Oromada HadaHalkan ...
Deg Deg Itoobiya oo 20 Sano Kadib Safiir u Magacawday Eritrea.
- Jul 20, 2018
Itoobiya ayaa safiir u magacawday markii ugu horaysay mudo ka badan 20 sano kadib ...
Deg Deg Daawo Qalbidhagax Muxuu Usheegay Ururka ONLF Ee Uu ka Tirsanaa
- Jul 20, 2018
Abdikarim Sheekh Muuse Qalbidhagar Ayaa Kudbad Dheer Kajeediyay Shirkii Jaaliyada O N L F ...