JIG JIGA. FARIN KA TIMID ABDI ILAY, BAHDIL IYO AFXUMO WAAN KU OGGAA BALSE CAFIS IYO GARASHO FOG MAYA.

Isagoo hogaanka nabad galyada ayuu ku rad jooggay siduu dacwad halis ah ugu sameyn lahaa dhamaan dulmanayaashii laga soo wada dhibay dalalka dariska ah. Isagoo raaligalin weyn siinaya saraakisha tigregu dhinaca kalena doonaya inuu hello amaan iyo darajo, wuxuu gacantisa ku dilay ehel iyo xigto dadkii ugu dhawaaa reer sheikh Ibrahim iyo reer garaad makhtal.

2010 . Wuxuu xidhidh la soo sameeyay shaqsiyad kala jooga kenya, Canada, London, somaliya, Dubai, Mareykanka, wuxuna doonayay inuu hello xogta dulmane garaad bashir makhtal. Ma doonayo inaan magacyada sheego balse keydka taarikhda ayaan ku hayaa kuwa ka safray dalalka dibada ee meel mariyay fariinta ABDI ILAY. waxaa wareysiyo dahsoon laga sameeyay dhalinyarada joogta bariga Africa, waxaa la soo sameeyay dacwad xanbaarsan video maqal iyo muuqaal ah. Shaqsiyaadka howshaasi fulinayay koox ka mid ah waxay markii danbe u dhinteen cudurka CANCERKA ,iyagoo joogo dalalka hormaray.

Jeelka ayaa loogu tagay abtigay cali caafi cilmi oo markaasi ay wada socdee garaad bashir makhtal ,waxaa la tusay video maqal iyo muuqaal ah, waxaa la tusay markuu joogay somaliya howsha uu sameyn jiray iyo dhalinyarada ay soo wada shaqeyn jireen, waxaa la tusay video muuqaal ah oo shaqsiyad golle dhexe ahaan jiray ONLF ay hadlayaan kuna cadeynayaan iney yihin argagaxiso garaad bashir makhtal iyo abtigay cali caafi cilmi. Dhowr maalin ka dib waxaa lugu bilaabay garaacis iyo bahdil si looga hadal siiyo unna sheegto inuu yahay argagaxiso si sharci ah loo soo dhibay .

Abdi ilay wuxuu gacantisa ku dilay ehelka iyo qoyska haldooorki ku nolaa gudaha ogadenia gaar ahaan qoysaska reer sheikh Ibrahim iyo reer garaad makhtal. Ma doonayo inaan sii dhex gallo murugada iyo tacsida reeraha ee u isagu gacantisa ku fulinayay. Marnaba damiirka ima siin hayo inaan sii waddo warbixintan maxaa yeelay jirkeyga isbadal ayaa ku yimid markaan soo xasuusto shacab masaakin ah kuna nool godey sida loo jirdilay, loo garaacay markii danbe loo sameeyay tacsi murugo ah loona diiday iney meydka asturtaan dadkii dad ugu dhawaa marxuumka.

Maalintii shalay ayuu xidhidh la soo sameeyay wax garad kuna wargaliyay waa abdi ilay inuu sii deyn doono dulmane garaad bashir makhtal iyo maxaabista ONLF ee adis Ababa ku xidhan, wuxuu kaloo soo dalbaday inney soo cafiyeen reer sheikh Ibrahim iyo reer garaad makhtal. Ma fahmin cafiska uu doonayo abdi ilay. Ma fahmin in maskaxdisu shaqeyneyso iyo inn kale. Ma fahmin inuu jiifo iyo inuu soo jeedo abdi ilay.

Hadaba, waxan xasuusin dhalinyarada iyo shaqsiyadka la soo shaqeeyay abdi ilay ee xiligaasi dacwada beenta ah dusha ka saaray garaad bashir makhtal iyo cali caafi, dhiri caafi. Maanta Waxaad heysataan fursad dahabi ah kuna qiimeyn kartaan ficilkii foosha xumaa ee abdi ilay kala howl gasheen inuu ahaa xaaraan iyo munaafaqad lugu xalaaleysanayo sidii loo dili lahaa dulmanayaal aan waxba kugu sameynin xitaa aqoon kuu laheyn inaad dusha ka saarto been abdi ilay uu soo sameeyay.

Tigree iyo abdi ilay waxaa ka halis badan kuwa dad kuugu dhow dhinacna ehel iyo xigto kula macaamisho balse sirta reerka, sirta shaqsiga ,sirta Waxaad aaminsan tahay ay kulla falgalaan adigoo oggeyn xogtaadii gacanta ugu jirto cadowgii aad is heyseen . Intaasi ma sii dhaafin karro maxaa yeelay xasuus iyo murugo ayaan sii galayaa ku saabsan dhaqankii fiicnaa ee shacabka sida loogu badalay wada jawaasis bilaa mushaar ah .iska ilaali dadka kan kuugu dhow goorwalba.

Walaalkin Mujahid sheikh Ibrahim

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

Daawo O N L F Iyo Urur kale oo heshiis dhexmaray
- Aug 19, 2018
Daawo Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogaadeeniya Oo Kaduulaysa hawlgalka ay qaadatay ee Midaynta Bulshada soomaalida ...
Daawo Xubnaha Ugu Muhiimsan Baarlamaanka Puntaland Oo Mooshin ka keenay DP World
- Aug 19, 2018
Shirkada D P World oo soomaaliya dhowr jeer oo hore galisay Buuq siyaasadeed Ayaa ...
Daawo Kaladadii Siyaasadeed Ee Farmaajo Galay Intuu Xilka Hayay
- Aug 19, 2018
Waxaa Jira Khalaad badan Oo Ay Ku dhaliilaan wax garad ka iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed ...
Daawo:Ujeed safarkii Madaxwayne Farmaajo iyo qodobadii ka soobaxay Kulankii Ismaciil Cumar Geele .
- Aug 18, 2018
Daawo:Ujeed safarkii Madaxwayne Farmaajo iyo qodobadii ka soobaxay Kulankii Ismaciil Cumar Geele .
Daawo Ciidamada liyuu police ka iyo War cusub oo kasoo baxay
- Aug 18, 2018
Xaalada Ciidamada New poliska oo waayadanba Qasnayd ayaa waxaa kasoo baxaysa War Kaduwan Kii ...
Daawo :Dhagaxbuur oo laga xusay Sanadguuradii ONLF iyo Wararkii ugu danbeeyay Magaalada Jigjiga
- Aug 18, 2018
Daawo :Dhagaxbuur oo laga xusay Sanadguuradii ONLF iyo Wararkii ugu danbeeyay Magaalada Jigjiga
Deg Deg Itoobiya oo Ciidankeeda Kala Baxaysa Xuduuda Eritrea.
- Aug 18, 2018
Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in Ciidamadeeda ku sugnaa Jiidda hore ee xuduuda Eritrea ...
Daawo Sheekh Xasaan Oo Ka hadlay Taariikhda Geesiyada Soomaaliyeed
- Aug 18, 2018
Sheekh Xasaan ayaa Khudbad uu qabtay Kudheeraaday Soomaalida Geesinimadeeda iyo Sidayna Marnaba Gumaysi U ...
Daawo Warkii Ugu Dambeeyay Ee Ogadeniya
- Aug 18, 2018
Waxaa Kasii Daraya Xaalada Amaan ee Ethiopia Iyo Mida Ogaadeeniyaba Hadaba halkan kadaawo Warkii ...
Daawo CIIDAMADA Puntland OO saaka Lawareegay Saldhigyadii
- Aug 18, 2018
Ciidamada Maamulka Puntland ayaa Saaka weerar ku ekeeyay Deegaano ay Alshabaab haysteen . waxaa soo ...