Kenya oo shaacisay magacyada iyo sawirada rag lagu tuhmayo Al-shabaab.

Saraakiisha Hay’adaha ammaanka dalka Kenya ayaa shaaciyay magacyada iyo sawirada Saddex dhallinyaro ah oo looga shakiyay inay u goosteen urura Al-Shabaab.

Ragga Kenya ay baahisay magacyadooda iyo sawiradooda ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Mohamed Abdalla Asman oo loogu yeero Papa ama Raymond, Hamis Hemed oo loo yaqaano Baloteli iyo Ali Ahmed Ali.

Madaxa Isgaadhsiinta ciidamada Booliska Kenya, Charles Wahong’o ayaa waxa uu sheegay xubnahan in la waayay xilli hore oo Arbacadii ah, kadibna la ogeysiiyay laamaha ammaanka.

Mohamed Abdalla oo ka mid ah Saddexdan eedaysane ayaa 4-tii October, 2013-kii lagu xidhay Magaalada Gaarisa, iyadoo la sii daayay 12-kii July, 2017 markii uu dhammaystay muddadii lagu xukumay.

Weerarkii ugu dambeeyay ee ay Al-Shabaab ka geystaan gudaha Kenya ayaa ka dhacay 16-kii February ee sanadkan Iskuul ku yaalla magaalada Wajeer, halkaas oo ay ku dileen Afar Macallin iyo Haweeneey u dhaxday mid ka mid ah Barayaasha.

Ciidanka Booliska Kenya ayaa howlgaladii ay xilligaasi ka fuliyeen degaanka Merti, oo ka tirsan Gobolka Isiolo waxa ay ku soo qabten 36 Garnayl, 18 ka mid ah aaladaha qaraxyada laga sameeyo ee IED-ga loo yaqaano iyo 5 Qori oo ah nuuca AK-47 ah.

Al-Shabaab ayaa waxa ay kordhiyeen weerarada sida joogtada ah uga gaystaan gudaha dalka Kenya, wixii ka dambeeyay markii Kenyan-ka ay soo galeen gudaha Soomaaliya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

Kacdoono Kabilowday Gobolka Liibaan Ee Wadanka Ogadenia.
- May 25, 2018
Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Liibaan ee Koonfurta wadanka lagumaysto ee Ogadenia ayaa sheegaya ...
Daawo Muuqaal Kooban Oo Galabta laga Soo Duubay Jiida dagaalka Tukaraq
- May 25, 2018
Dagaalkii Tukaraq Oo Khasaare Badan Dhaliyay Hadaba Daawo Muuqaal Kooban Oo Galabta laga Soo ...
Masaajid Addis Ababa Lagu Dumiyay & Xiisad Kadhalatay.
- May 25, 2018
Wararka naga soo gaadhaya magaalada Addis Ababa ee xarunta Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya khilaaf ...
Saraakiisha Tigreega & Odayaasha Soomaalida oo Siwayn Isu Maandhaafsan.
- May 25, 2018
Wararka naga soo gaadhaya wadanka Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in saraakiisha Tigreega ee wali ...
Deg Deg: Kacdoono Kabilowday Gobolka Liibaan Ee Wadanka Ogadenia.
- May 25, 2018
Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Liibaan ee Koonfurta wadanka lagumaysto ee Ogadenia ayaa sheegaya ...
DEG DEG Wararkii Ugu Dambeeyey Dagaalkii Tukaraq ee Xalay Dhacay
- May 24, 2018
Daawo Dagaal Kulul Oo Mar la baad saakay Kabilawday Tukaraq HALKAN KA DAAWO
CAYDA SHACABKEYGA LOO SAFAY WAA CIQAAB LAGU QASBAY.
- May 24, 2018
Hordhac.. Marka hore inta aanan u jeedada qoraalkeygan een ugu magac daray ciwaanka kore ...
majiro cadow uga arxan-daran Cabdi iley laakiin Cabdi iley oo tagaa; ma’aha gumaysigii oo tagay, mana’aha dhammaadkii dulmiga.
- May 24, 2018
Waa markii imisaad?. Dadka reer Soomaaligalbeed horay uma soo marin, haddana majiro cadow uga ...
H. Warfaafinta JWXO oo Siminaar Saxaafadeed Usoo Xidhay Xubno Cusub.
- May 24, 2018
Gudoomiyaha hogaanka warfaafinta JWXO Mudane Hassan Moalin ayaa wuxuu usoo xidhay siminaar dhinaca saxaafada ...
Dilal Qorsheysan oo Laga Fuliyay Magaalada Muqdisho.
- May 24, 2018
Koox sheegatay in ay yihiin Daacish ayaa internetka kusoo bandhigay muuqaalo muujinaya askari dowladda ...