Xukuumada Gumaysiga oo Kharash Badan Kubixisay Qaraarkii HR 128 & Kukale oo Lawado.

Xog hoose oo ay heshay Wakaalada Wararka Ogadenia ONA ayaa muujinaysa in xukuumada wayaanuhu ay qaraarkii Congress-ka Maraykanku ansixiyay ee HR 128 kubixisay lacag dhan 700 oo malyun oo Doller si aan loo ansixinin.

Hase yeeshee xukuumada wayaanaha ayaa lasheegayaa in ay aad uga xumaatay ansixinta qaraarka kadib markii xildhibaanada wadanka Maraykanku ay gaashaanka kudhufteen soojeedintii xubnihii Itoobiya matalayay oo uu hor boodayay safiirka xukuumada wayaanaha ee wadanka Maraykanka.

Sidoo kale xogta aan helayno ayaa muujinaysa in xildhibaanada Congress-ka Maraykanku ay gacanta kuhayaan qaraar kale oo kadhan ah xukuumada wayaanaha iyo cawaanta lashaqaysa, kaas oo tirsigiisu uu yahay HR 168.

Qaraarkan cusub ee HR 168 ayaa lasheegayaa in ay sixiixeen xildhibaano kor udhaafaya 30 mudane, waxaana lagu wadaa in la horgeeyo golaha Congress-ka Maraykanka si xukuumada dhaqanka xun ee wayaanaha loogu ciqaabo tacadiyada kala duwan ee ay sida joogtada ah ugu gaystaan dadka shacabka ah ee kuhoos nool.

Xukuumada gumaysiga ayay guuldaro wayn oo siyaasadeed kutahay hadii mar kale xildhibaanada Maraykanku ay ansixiyaan qaraar kale oo kadhan ah xukuumada wayaanaha, waxaana lasheegayaa in taliska wayaanuhu uu aad uga walwalay qaraarkii hore ee 128.

Hay’adaha xuquuqul insaanka iyo ururara bulshada ee Itoobiya ayaa siwayn usoo dhaweeyay qaraarada isdaba jooga ah ee xildhibaanada Maraykanku ay ku ciqaabayaan xukuumada shacabka iqaabta ee Itoobiya.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

Daawo:Axmed Madoobe oo digniin adag u diray Farmaajo iyo khayre uguna bqay in ay ka wantoobaa
- Aug 16, 2018
Daawo:Axmed Madoobe oo digniin adag u diray farmaajo iyo khayre uguna bqay in ay ...
Ciidamada Loo yaqaano Liyuu Hail Ee Oromia oo dhacay Geel
- Aug 16, 2018
Ciidamada Oromada Usoo diyaar Garoobay Wax yeelaynta Shacabka Soomaaliyeeda Ogaadeeniya ayaa Geel ka dhacay ...
Xubno Kale oo kamida Maamulkii Abdi ilay oo ADIS ABABA Looga Yeeray.
- Aug 16, 2018
Wararka ka imanaya Dowlad Deegaanka ayaa sheegaya in magaalada Addis Ababa looga yeeray ...
Fahad Yaasiin oo loo magacaabay Agaasime kuxigeenka NISA iyo isbadal lagu Sameeyay amniga Msaxtooyada
- Aug 16, 2018
Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya ayaa is bedel ballaaran loogu sameeyay Hey’adaha ...
Daawo Madaxweynaha Jubbaland OO Si kulul ula hadlay Dowlada Fadaralka ah
- Aug 16, 2018
Kadib Markii Maalin uun Kahor Laga Celiyay Garoonka diyaaradaha ee kismaayo Laba Msuul OO ...
Shaqa Joojin Usameeyay Garoonka Diyaaradaha Ee Addis Ababa,+ Sababta.
- Aug 16, 2018
Wararka naga soo gaadhaya magaalada Addis Ababa ee caasimada Itoobiya ayaa sheegaya in uu ...
Daawo Taariikda Ururka O N L F iyo Sanad Guuradii 34aad
- Aug 15, 2018
Waxay Maanta oo Kale 15 August sanad kasta ku beegantahay Sanad Guurada Jabhada Wadaniga ...
Dowladda Itoobiya oo ku dhawaaqday war ka farxiyey Ciidamada Liyuu Booliska
- Aug 15, 2018
Taliye sare oo ka tirsan ciidamada milatariga Itoobiya sareeye gaas Maxamed Tesema islamarkaasna ah ...
Daawo:Maraykanka ayuu wax ku soobartay wuxuuna Shaah ku iibiyaa Hargeisa.
- Aug 15, 2018
Daawo:Maraykanka ayuu wax ku soobartay wuxuuna Shaah ku iibiyaa Hargeisa.
Daawo Warbixin Murugo leh:Dil loo qorsheeyay Qalbi Dhagax,qaabkii uu kaga badbaaday iyo Dhiibistiisi.
- Aug 15, 2018
Daawo Warbixin Murugo leh:Dil loo qorsheeyay Qalbi Dhagax,qaabkii uu kaga badbaaday iyo Dhiibistiisi.