Kacdoonkii Shacabka Gobolka Shiniile oo Dagmooyin Hor Leh Kufiday.

Wararka naga soo gaadhaya Dagmada Shiniile ee xarunta Gobolka Siti ayaa sheegaya in kacdoonkii shacabka Gobolka Siti ee galbeedka Ogadenia uu kufiday dhamaan Dagmooyinka iyo Tuulooyinka Gobolka.

Kacdoonkii ugu cuslaa shacabka Gobolka Siti ayaa maalin nimadii shalay kadhacay magaalada Shiniile ee xarunta Gobolka Sita, waxayna shacabku subixii hore ee shalay bilaabeen dibad bax rabshado wata oo ay kuqaadeen kooxda dabaqoodhiga ah ee sheegata in ay maamul kayihiin Dagmada Shiniile.

Dadka shacabka ah oo aad u cadhaysan ayaa u daatay xarumaha maamul kusheega waxaana lasheegayaa in ay lawareegeen xarunta Booliiska ee magaalada Shiniile, halkaas oo sida lasheegayo ay kasiidaayeen in kabadan 70 qof oo maxaabiis ahaa.

Shacabka Dagmada ayaa kacdoonka bilaabay kadib markii maamulka Dagmadu ay uyeedheen odayaasha Dagmada, waxaana lasoo warinayaa in ay cay iyo canaan isugu dareen odayaashii iyagoo sheegay in ay odayaashu yihiin nabaddiid aan dowlad nimada Ogolayn.

Shacabka Gobolka Siti ayaa lasheegayaa in ay todobaadkan wadeen kacdoono shacab oo guud ahaan wadanka kadhacayay, waxaana lasheegayaa in ay shacabku lawareegeen gacan kuhaynta magaalooyinka Erar, Biki iyo Shiniile, waxaana lasheegayaa in ay kooxdii dabaqoodhiga ahayd ee Dagmooyinkaas joogay ay gaadheen magaalada Derdabe.

Kacdoonka shacabka ayaa hada lasheegayaa in uu gaadhay Dagmooyinka Afdam, Ayshica iyo dhul kale oo badan, waxayna shacabku isku raacsan yihiin in ay iska dulqaadaan kooxda dabaqoodhiga ah ee Gumaysiga ushaqaysa iyo guud ahaan gumaysiga gaamuray ee shacabka daashaday.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

Daawo dabaal dagii iyo soo dhawayntii OYSU ee Jigjiga
- Aug 17, 2018
Daawo Muuqaal Muujinaya Qaabkii Ururka O Y S U Loogusoo dhaweeyay Jigjiga Iyo Dabaaldaga.
Khadar dheere- Madaxa xarunta dhexe XDSHS Maxamed rashiid isaaq- afhayeenki baarlamaanka
- Aug 17, 2018
Khadar dheere- Madaxa xarunta dhexe XDSHS Maxamed rashiid isaaq- afhayeenki baarlamaank DDS Cabdi jamaal- wasiirki cadaalada Ibraahim ...
Maraykanka oo sheegay inuu Turkiga ku soo rogayo cunaqabatayn dheeraad ah
- Aug 17, 2018
Dowlada Maraykanka ayaa wacad ku martay inay wadanka Turkiga ku soo rogayso cunaqabatayn dheeraad ...
Shir Mucaaradka Itoobiya Ay Addis Ababa Kulahaayeen oo Burburay.
- Aug 17, 2018
Waxaa magaalada Addis Ababa lagu qabtay shir balaadhan oo ay kasoo qayb galeen in ...
Daawo:Wararkii ugu danbeeyay Maglada Jigjiga iyo Wafdigii OYSU oo wali halkasi
- Aug 17, 2018
Daawo:Wararkii ugu danbeeyay Maglada Jigjiga iyo Wafdigii OYSU oo wali halkasi  
Daawo Maamulka O Y S U oo jigjiga Kaqudbaynaya
- Aug 17, 2018
Waxaa Magaalada Jigjiga Gaaray Xubno Kasocda Ururka Dhalinyada Oysu Kuwaasi Oo Shaqooyin Midaynta Iyo ...
Daawo Xaaji Ali Shoocaac oo Markii Ugu Horaysay Shacabka Lahadlay Tagitaankii Abdi Ilay kadib
- Aug 17, 2018
Waxaa Markii Ugu Horaysay Shacabka Lahadlay Xaaji Ali Shoocaac Oo Shacabka Lahadlay Uguna baaqay ...
Xuska Sanadguurada 34 ee JWXO oo Dhagaxlay Lagu Qabtay.
- Aug 17, 2018
Maanta oo Khamiis ah taariikhduna ay kubeegantahay 16/8/18 waxaa xerada qoxootiga Dhagaxlay laga xusay ...
Daawo Qoomiyada Tigreyga oo Shaaciyay Inay go’ayaan
- Aug 16, 2018
Waxaa Kasii Daraysa Xaaalada Ethiopia Kadib Markii Tigregu sheegeen Inay ka Go'een Itoobiya Warkaas ...
Daawo Qosolka Aduunka Wariye Cawke Su’aalihii ugu Qosolka Badnaa
- Aug 16, 2018
Qosolka Aduunka Wariye Cawke Su'aalihii ugu Qosolka Badnaa