Kacdoonkii Shacabka Gobolka Shiniile oo Dagmooyin Hor Leh Kufiday.

Wararka naga soo gaadhaya Dagmada Shiniile ee xarunta Gobolka Siti ayaa sheegaya in kacdoonkii shacabka Gobolka Siti ee Somali galbeed uu kufiday dhamaan Dagmooyinka iyo Tuulooyinka Gobolka.

Kacdoonkii ugu cuslaa shacabka Gobolka Siti ayaa maalin nimadii shalay kadhacay magaalada Shiniile ee xarunta Gobolka Sita, waxayna shacabku subixii hore ee shalay bilaabeen dibad bax rabshado wata oo ay kuqaadeen kooxda dabaqoodhiga ah ee sheegata in ay maamul kayihiin Dagmada Shiniile.

Dadka shacabka ah oo aad u cadhaysan ayaa u daatay xarumaha maamul kusheega waxaana lasheegayaa in ay lawareegeen xarunta Booliiska ee magaalada Shiniile, halkaas oo sida lasheegayo ay kasiidaayeen in kabadan 70 qof oo maxaabiis ahaa.

Shacabka Dagmada ayaa kacdoonka bilaabay kadib markii maamulka Dagmadu ay uyeedheen odayaasha Dagmada, waxaana lasoo warinayaa in ay cay iyo canaan isugu dareen odayaashii iyagoo sheegay in ay odayaashu yihiin nabaddiid aan dowlad nimada Ogolayn.

Shacabka Gobolka Siti ayaa lasheegayaa in ay todobaadkan wadeen kacdoono shacab oo guud ahaan wadanka kadhacayay, waxaana lasheegayaa in ay shacabku lawareegeen gacan kuhaynta magaalooyinka Erar, Biki iyo Shiniile, Miso , Afdam ,Hadegala ,Danbala waxaana lasheegayaa in ay kooxdii dabaqoodhiga ahayd ee Dagmooyinkaas joogay ay gaadheen magaalada Derdabe.

Kacdoonka shacabka ayaa hada lasheegayaa in uu gaadhay Dagmooyinka Afdam, Ayshica iyo dhul kale oo badan, waxayna shacabku isku raacsan yihiin in ay iska dulqaadaan kooxda dabaqoodhiga ah ee Gumaysiga ushaqaysa iyo guud ahaan gumaysiga gaamuray ee shacabka daashaday.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

Kacdoono Kabilowday Gobolka Liibaan Ee Wadanka Ogadenia.
- May 25, 2018
Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Liibaan ee Koonfurta wadanka lagumaysto ee Ogadenia ayaa sheegaya ...
Daawo Muuqaal Kooban Oo Galabta laga Soo Duubay Jiida dagaalka Tukaraq
- May 25, 2018
Dagaalkii Tukaraq Oo Khasaare Badan Dhaliyay Hadaba Daawo Muuqaal Kooban Oo Galabta laga Soo ...
Masaajid Addis Ababa Lagu Dumiyay & Xiisad Kadhalatay.
- May 25, 2018
Wararka naga soo gaadhaya magaalada Addis Ababa ee xarunta Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya khilaaf ...
Saraakiisha Tigreega & Odayaasha Soomaalida oo Siwayn Isu Maandhaafsan.
- May 25, 2018
Wararka naga soo gaadhaya wadanka Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in saraakiisha Tigreega ee wali ...
Deg Deg: Kacdoono Kabilowday Gobolka Liibaan Ee Wadanka Ogadenia.
- May 25, 2018
Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Liibaan ee Koonfurta wadanka lagumaysto ee Ogadenia ayaa sheegaya ...
DEG DEG Wararkii Ugu Dambeeyey Dagaalkii Tukaraq ee Xalay Dhacay
- May 24, 2018
Daawo Dagaal Kulul Oo Mar la baad saakay Kabilawday Tukaraq HALKAN KA DAAWO
CAYDA SHACABKEYGA LOO SAFAY WAA CIQAAB LAGU QASBAY.
- May 24, 2018
Hordhac.. Marka hore inta aanan u jeedada qoraalkeygan een ugu magac daray ciwaanka kore ...
majiro cadow uga arxan-daran Cabdi iley laakiin Cabdi iley oo tagaa; ma’aha gumaysigii oo tagay, mana’aha dhammaadkii dulmiga.
- May 24, 2018
Waa markii imisaad?. Dadka reer Soomaaligalbeed horay uma soo marin, haddana majiro cadow uga ...
H. Warfaafinta JWXO oo Siminaar Saxaafadeed Usoo Xidhay Xubno Cusub.
- May 24, 2018
Gudoomiyaha hogaanka warfaafinta JWXO Mudane Hassan Moalin ayaa wuxuu usoo xidhay siminaar dhinaca saxaafada ...
Dilal Qorsheysan oo Laga Fuliyay Magaalada Muqdisho.
- May 24, 2018
Koox sheegatay in ay yihiin Daacish ayaa internetka kusoo bandhigay muuqaalo muujinaya askari dowladda ...