War deg deg ah Bashiir_Ahmed_Makhtal ayaa hadda ka degay dalka Canada isaga oo 12 sano dulmi ugu xidhnaa Itoobiya.

?

Marka hore waxaa mahad oo dhan iska leh Allaah -swt, oo qaddaray in walaalkeen Bashiir Axmed Makhtal xorriyaddiisii dib u helay kadib 12 sano oo xabsi ah iyo xukun baadil ah oo muddadiisu ahayd “Xabsi-daa’im”. Ilaahay waxaynu waydiisan inuu innaga dhigo kuwii xilliga adag sabra ee u adkaysta imtixaanka nolosha islamarkaana xilliga farxadda Alle u mahad-naqa ee aan qooqin.

Waxaan hambalyo u dirayaa guud ahaan shacabka soomaaliyeed, Shacabka Soomaaligalbeed/Ogaadeeniya iyo dhammaan bahda halganka Soomaaligalbeed.

Waxaan si gaar ah hambalyadan farxadda ula wadaagayaa laba Qoys oo runtii nagu qaali ah, inta taariikhdeennu jirtana magacoodu jiridoono – Insha allaah, waa reer Garaad Makhtal iyo reer Sheekh Ibraahim Cabdalla oo xadhigga Bashiir Makhtal si gaar ah u taabtay.

Lays kuma jiree Afar (4) ruux waa inaan mid mid ugu hambalyeeyo:
1. Bashiir Hooyadii, Faadumo Cabdi Samad oo maanta waayeel ah, hooyo Faadumo majiro wax uga qaalisan inay maanta maqasho wiilkeedii Bashiir oo xorriyaddiisii dib u helay, inkastooy duruuf adag oo adag ku xeeran tahay haddana waxaan leeyahay hooyo Faadumo HAMBALYO!.
2. Bashiir Afadiisa, Marwo Caziiza Sheekh Ibraahim oo runtii iyadoo Aroos farxadeed ku jirtay ilaahay qadaray inay la kulanto Imtixaan wayn laakiin sabar iyo adkaysi lagu ladhay gobanimo kaga soo gudubtay imtixaankii, waxaan leeyahay Marwo Caziiza HAMBALYO!.
3. Gabadha uu Abtiga u yahay, waa qof aan qof loo dhigaa jirin, waa walaasheen Basra sheekh Badri oo muddaddii 12ka sano ahayd ee uu Bashiir xidhnaa ku dul xidhnayn oon hal maalin ah danteeda u bixin, Basra waxaan ku leeyahay ilaahay haku darajeeyo labada daaroodba, walaal Basra waxaan leeyahay HAMBALYO!.
4. Bashiir inaadeerkii, Siciid Cabdi Makhtal oo runtii Halgan mara-xoornimo ah iyo dadaal qayru-caadi ugalay sidii uu Bashiir xabsiga uga soo saari lahaa. dhammaantood waxaan leeyahay HAMBALYO, HAMBALYO.
Intaa waxaan ku darayaa Bashiir farxaddiisu waa qabyo, labada qoys ee reer Makhtal daahir iyo reer Sheekh Ibraahim farxadoodu waa qabyo, bahda halganka iyo guud ahaan shacabkeenna dulman farxadoodu waa qabyo laba sababood dartood:
1. Dadkeennii waxay ku jiraan xilli adag oo adag, gumaad, gunnimo, silic iyo foolxumo ayey la nool-yihiin.
2. kumanaan maxaabiis ah oo madax halgan iyo dad caadi ah isugu jira ayaa dhooban Xabsiyada laga billaabo Addis ababa ilaa Fayr-fayr.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

Daawo dabaal dagii iyo soo dhawayntii OYSU ee Jigjiga
- Aug 17, 2018
Daawo Muuqaal Muujinaya Qaabkii Ururka O Y S U Loogusoo dhaweeyay Jigjiga Iyo Dabaaldaga.
Khadar dheere- Madaxa xarunta dhexe XDSHS Maxamed rashiid isaaq- afhayeenki baarlamaanka
- Aug 17, 2018
Khadar dheere- Madaxa xarunta dhexe XDSHS Maxamed rashiid isaaq- afhayeenki baarlamaank DDS Cabdi jamaal- wasiirki cadaalada Ibraahim ...
Maraykanka oo sheegay inuu Turkiga ku soo rogayo cunaqabatayn dheeraad ah
- Aug 17, 2018
Dowlada Maraykanka ayaa wacad ku martay inay wadanka Turkiga ku soo rogayso cunaqabatayn dheeraad ...
Shir Mucaaradka Itoobiya Ay Addis Ababa Kulahaayeen oo Burburay.
- Aug 17, 2018
Waxaa magaalada Addis Ababa lagu qabtay shir balaadhan oo ay kasoo qayb galeen in ...
Daawo:Wararkii ugu danbeeyay Maglada Jigjiga iyo Wafdigii OYSU oo wali halkasi
- Aug 17, 2018
Daawo:Wararkii ugu danbeeyay Maglada Jigjiga iyo Wafdigii OYSU oo wali halkasi  
Daawo Maamulka O Y S U oo jigjiga Kaqudbaynaya
- Aug 17, 2018
Waxaa Magaalada Jigjiga Gaaray Xubno Kasocda Ururka Dhalinyada Oysu Kuwaasi Oo Shaqooyin Midaynta Iyo ...
Daawo Xaaji Ali Shoocaac oo Markii Ugu Horaysay Shacabka Lahadlay Tagitaankii Abdi Ilay kadib
- Aug 17, 2018
Waxaa Markii Ugu Horaysay Shacabka Lahadlay Xaaji Ali Shoocaac Oo Shacabka Lahadlay Uguna baaqay ...
Xuska Sanadguurada 34 ee JWXO oo Dhagaxlay Lagu Qabtay.
- Aug 17, 2018
Maanta oo Khamiis ah taariikhduna ay kubeegantahay 16/8/18 waxaa xerada qoxootiga Dhagaxlay laga xusay ...
Daawo Qoomiyada Tigreyga oo Shaaciyay Inay go’ayaan
- Aug 16, 2018
Waxaa Kasii Daraysa Xaaalada Ethiopia Kadib Markii Tigregu sheegeen Inay ka Go'een Itoobiya Warkaas ...
Daawo Qosolka Aduunka Wariye Cawke Su’aalihii ugu Qosolka Badnaa
- Aug 16, 2018
Qosolka Aduunka Wariye Cawke Su'aalihii ugu Qosolka Badnaa