Wariye Caan Ah oo Lagu Bahdilay Garoonka Diyaaradaha Ee Addis Ababa & Dad Lalaayay.

Wararka naga soo gaadhaya magaalada Addis Ababa ee xarunta Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in ciidanka wayaanuhu ay garoonka dayuuradaha ee Addis Ababa ku bahdileen nin caan ah oo arimaha xuquuqda aadamaha udhaq dhaqaaqa isla markaana warbaahinta kashaqeeya.

Ninkan oo lagu magacaabo Iskander Nage ayaa lagu casuumay xaflad lagu maamuusayay sanadguuradii 50aad ee kasoo wareegtay aas’aaskii hay’ada xuquuqda aadamaha udooda, taas oo sida lasheegayo todobaadkan kadhici doonta wadanka Maraykanka.

Iskander Nage ayaa lasheegayaa in laanta socdaalka ee gumaysigu ay ku wargaliyeen in uusan dalka kabixi karin, waxaana laga qaaday Baasaboorkii uu kusocdaali lahaa isagoo waliba aad loogu hanjabay looguna bahdilay gudaha garoonka dayuuradaha ee magaalada Addis Ababa.

Mr Nage ayaa dhowr jeer oo hore laxidhay waxaana lasheegayaa in uu kamid yahay rag badan oo laga mabnuucay in ay dalka dibada uga baxaan, kuwaas oo lagu eedeeyay in ay kasoo horjeedaan maamulka wayaanaha.

Dinaca kale ciidanka dhaqanka xun ee wayaanaha ayaa magaalada Asala ee Gobolka Oromia ku dilay hooyo waayeel ah iyo wiil ay dhashay, waxaana lasheegayaa in ay dhaawaceen 4 dumar ah oo kamid ah shacabka magaalada Asala.

Hooyo Zaynab Cali iyo Ismaaciil Axmed oo 15 jir ah ayaa lasheegayaa in ay ciidanka Agazigu ku toog barteen isla goobtana ay kugeeriyoodeen, wuxuuna falkaas foosha xun ugu dambeeyay dilal badan oo todobaadkan kasocday Ogadenia iyo Oromia.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

Daawo dabaal dagii iyo soo dhawayntii OYSU ee Jigjiga
- Aug 17, 2018
Daawo Muuqaal Muujinaya Qaabkii Ururka O Y S U Loogusoo dhaweeyay Jigjiga Iyo Dabaaldaga.
Khadar dheere- Madaxa xarunta dhexe XDSHS Maxamed rashiid isaaq- afhayeenki baarlamaanka
- Aug 17, 2018
Khadar dheere- Madaxa xarunta dhexe XDSHS Maxamed rashiid isaaq- afhayeenki baarlamaank DDS Cabdi jamaal- wasiirki cadaalada Ibraahim ...
Maraykanka oo sheegay inuu Turkiga ku soo rogayo cunaqabatayn dheeraad ah
- Aug 17, 2018
Dowlada Maraykanka ayaa wacad ku martay inay wadanka Turkiga ku soo rogayso cunaqabatayn dheeraad ...
Shir Mucaaradka Itoobiya Ay Addis Ababa Kulahaayeen oo Burburay.
- Aug 17, 2018
Waxaa magaalada Addis Ababa lagu qabtay shir balaadhan oo ay kasoo qayb galeen in ...
Daawo:Wararkii ugu danbeeyay Maglada Jigjiga iyo Wafdigii OYSU oo wali halkasi
- Aug 17, 2018
Daawo:Wararkii ugu danbeeyay Maglada Jigjiga iyo Wafdigii OYSU oo wali halkasi  
Daawo Maamulka O Y S U oo jigjiga Kaqudbaynaya
- Aug 17, 2018
Waxaa Magaalada Jigjiga Gaaray Xubno Kasocda Ururka Dhalinyada Oysu Kuwaasi Oo Shaqooyin Midaynta Iyo ...
Daawo Xaaji Ali Shoocaac oo Markii Ugu Horaysay Shacabka Lahadlay Tagitaankii Abdi Ilay kadib
- Aug 17, 2018
Waxaa Markii Ugu Horaysay Shacabka Lahadlay Xaaji Ali Shoocaac Oo Shacabka Lahadlay Uguna baaqay ...
Xuska Sanadguurada 34 ee JWXO oo Dhagaxlay Lagu Qabtay.
- Aug 17, 2018
Maanta oo Khamiis ah taariikhduna ay kubeegantahay 16/8/18 waxaa xerada qoxootiga Dhagaxlay laga xusay ...
Daawo Qoomiyada Tigreyga oo Shaaciyay Inay go’ayaan
- Aug 16, 2018
Waxaa Kasii Daraysa Xaaalada Ethiopia Kadib Markii Tigregu sheegeen Inay ka Go'een Itoobiya Warkaas ...
Daawo Qosolka Aduunka Wariye Cawke Su’aalihii ugu Qosolka Badnaa
- Aug 16, 2018
Qosolka Aduunka Wariye Cawke Su'aalihii ugu Qosolka Badnaa