Khilaaf Xoogan oo Sookala Dhex Galay Raysal-wasaaraha Itoobiya & Hogaanka Ciidamada.

Wararka naga soo gaadhaya wadanka Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in uu soo shaac baxay khilaaf xoogan oo u dhaxeeya Raysal-wasaaraha cusub ee wadanka Gumaysiga Itoobiya iyo kooxda Common Post ga looyaqaano ee talada wadanka gacanta loogaliyay mudada uu xukunka dag daga ah jiro.

Sida xogta aan kuhelayno waxaa dibada usoo baxay khilaafka Abiye Axmed iyo hogaanka ciidamada wayaanaha oo kuwada jira gudiga dalka maamusha inta uu xukunka dag daga ah wadanka saaran yahay, waxaana lasheegayaa in uu khilaafka hada yahay mid banaanada lagaga sheekaysto.

Hogaanka ciidanka wayaanaha ayaa lasheegayaa in ay iska diideen talooyinka iyo amarada ka imanaya dhinaca Raysal-wasaaraha cusub oo dhawaan uun gudiga kusoo biiray kadib markuu xafiiska raysal-wasaaraha lawareegay.

Taliska ciidamada kala duwan ee wayaanaha oo ubadan qoomiyada Tigreega ayaa iyagu sheegay in ay talada iyagu gacanta kuhayn doonaan ilaa iyo inta laga gaadhayo xiliga loocayimay in uu dhamaado xukunka dag daga ah ee wadanka sida sharci darada ah loogu soo rogay.

Dhinaca kale siyaasiyiinta udhashay qoomiyada Tigreega ayaa siwayn umuujiyay sida ay uga xunyihiin talaabooyinka uu qaaday Abiye Axmed Cali, iyo waliba sida uu qoomiyada Tigreega uga ilaalinayo xilalka wadanka laga maamulo gaar ahaan kuwa muhiimka ah.

Dhinaca kale raysal-wasaaraha cusub ee wadanka Gumaysiga Itoobiya ayaa waji gabax kala kulmay booqasho uu kutagay magaalada Gonder ee Dhulka Axmaarada, halkaas oo sida lasheegayo ay su’aalo masiirkooda kusaabsan kuwaydiiyeen qoomiyada la isku haysto ee Walqayta ee dagta xuduuda Tigreega iyo Axmaarada.

Abiye Axmed ayaa wax laga waydiiyay hadalkii uu kajeediyay magaalada Maqale ee ahaa in ay qoomiyada Walqayta tahay dad Tigree ah, hase yeeshee Abiye Axmed ayaa dadkii shacabka ahaa ee ree Gonder waydiistay cafis isagoo sheegay in uu hadalkaasu si khaldan uga soo baxay.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

Daawo O N L F Iyo Urur kale oo heshiis dhexmaray
- Aug 19, 2018
Daawo Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogaadeeniya Oo Kaduulaysa hawlgalka ay qaadatay ee Midaynta Bulshada soomaalida ...
Daawo Xubnaha Ugu Muhiimsan Baarlamaanka Puntaland Oo Mooshin ka keenay DP World
- Aug 19, 2018
Shirkada D P World oo soomaaliya dhowr jeer oo hore galisay Buuq siyaasadeed Ayaa ...
Daawo Kaladadii Siyaasadeed Ee Farmaajo Galay Intuu Xilka Hayay
- Aug 19, 2018
Waxaa Jira Khalaad badan Oo Ay Ku dhaliilaan wax garad ka iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed ...
Daawo:Ujeed safarkii Madaxwayne Farmaajo iyo qodobadii ka soobaxay Kulankii Ismaciil Cumar Geele .
- Aug 18, 2018
Daawo:Ujeed safarkii Madaxwayne Farmaajo iyo qodobadii ka soobaxay Kulankii Ismaciil Cumar Geele .
Daawo Ciidamada liyuu police ka iyo War cusub oo kasoo baxay
- Aug 18, 2018
Xaalada Ciidamada New poliska oo waayadanba Qasnayd ayaa waxaa kasoo baxaysa War Kaduwan Kii ...
Daawo :Dhagaxbuur oo laga xusay Sanadguuradii ONLF iyo Wararkii ugu danbeeyay Magaalada Jigjiga
- Aug 18, 2018
Daawo :Dhagaxbuur oo laga xusay Sanadguuradii ONLF iyo Wararkii ugu danbeeyay Magaalada Jigjiga
Deg Deg Itoobiya oo Ciidankeeda Kala Baxaysa Xuduuda Eritrea.
- Aug 18, 2018
Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in Ciidamadeeda ku sugnaa Jiidda hore ee xuduuda Eritrea ...
Daawo Sheekh Xasaan Oo Ka hadlay Taariikhda Geesiyada Soomaaliyeed
- Aug 18, 2018
Sheekh Xasaan ayaa Khudbad uu qabtay Kudheeraaday Soomaalida Geesinimadeeda iyo Sidayna Marnaba Gumaysi U ...
Daawo Warkii Ugu Dambeeyay Ee Ogadeniya
- Aug 18, 2018
Waxaa Kasii Daraya Xaalada Amaan ee Ethiopia Iyo Mida Ogaadeeniyaba Hadaba halkan kadaawo Warkii ...
Daawo CIIDAMADA Puntland OO saaka Lawareegay Saldhigyadii
- Aug 18, 2018
Ciidamada Maamulka Puntland ayaa Saaka weerar ku ekeeyay Deegaano ay Alshabaab haysteen . waxaa soo ...