Kuuriyada Waqooy oo Ku Dhawaaqday Hakinta Hubka Nukleerka Ah.

Hadalkii ay ku sheegtay Kuuriyad Woqooyi in ay hakinayso barnaamijkeeda nukliyeerka iyo tijaabada gantaalaha, ayaa dunida aad looga soo dhaweeyey.

Hogaamiyaha dalkaas Kim Jong-un ayaa sheegay in tijaabooyin dambe oo dheeraad ah aan loo baahnayn, maadaama Kuuriyada Woqooyi muujisay in ay haysato hubka nukliyeerka.

Donald Trump ayaa go’aankaa ku tilmaamay in uu yahay “war dunida u wanaagan”, Kuuriyada Koonfureed na waxay sheegtay in tallaabadaasi tahay hor u kac macno leh. Midowga Yurub ayaa isaguna yidhi waa mid togan laakiin waxa uu ku baaqay in dalkaasi gabi ahaanba nukliyeerkiisa baabiiyo.

Kuuriyada Woqooyi waxay u diyaar garoobaysaa shir madaxeed taariikhi ah oo ay iskugu iman doonaan Kuuriyada Koonfureed iyo Maraykanka. Kim Jong-un waxa uu yidhi “laga bilaabo 21 Abriil, Kuuriyada Woqooyi waxay joojinaysaa tijaabooyinka nukliyeerka iyo gantaalaha ridada dheer ee Ballistic-ga”

Hadalkaa lama filaanka ahaa waxa shaacisay wakaaladda wararka ee dalkaas ee KCNA, oo sidoo kale sheegtay in la xidhayo xeradii tijaabooyinka lagu samayn jiray. Trump oo arintaa soo dhaweeyey ayaa hadal uu ku qoray boggiisa Twitter-ka waxa uu ku sheegay inuu naawilayo kulan fool ka fool ah oo uu la yeesho Kim Jong-un bisha Juun ee soo socota.

Kim iyo dhigiisa K. Koonfureed Moon Jae-in ayaa iyagana lagu wadaa in ay todobaadka dambe iskugu yimaadaan kulan madaxeedkii ugu horeeyey ee ay yeeshaan labada dal mudo toban sano iyo dheeraad ah.

Xafiiska Moon Jae-in ayaa sheegay in go’aanka Kuuriyada Woqooyi “gacan ka gaysan doono abuuridda jawi togan oo guul lagaga gaadhi kari kulanka madaxda labada Kuuriya iyo sidoo kale ka madaxda Maraykanka iyo Kuuriyada Woqooyi”

Madaxa siyaasadda dibadda ee Midowga Yurub, Federica Mogherini, ayaa iyadna waxay sheegtay in arintaasi ahayd “talaabo mudo dheer la sugayey” oo ay haboontahay in ay suurto geliso “baabiinta nukliyeerka oo aan dib loo curin karin, isla markaana la xaqiijin karo”.

Hadalkaa mid la mid ahina waxa uu ka soo baxay Ingiriiksa oo warbixin ay xukuumadda dalkaasi soo saartay lagu yidhi waxaanu “rajaynaynaa in arrintani muujinayso dedaal lagu doonayo in lagu galo wada xaajood lagu niyad sanyahay”.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

Kacdoono Kabilowday Gobolka Liibaan Ee Wadanka Ogadenia.
- May 25, 2018
Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Liibaan ee Koonfurta wadanka lagumaysto ee Ogadenia ayaa sheegaya ...
Daawo Muuqaal Kooban Oo Galabta laga Soo Duubay Jiida dagaalka Tukaraq
- May 25, 2018
Dagaalkii Tukaraq Oo Khasaare Badan Dhaliyay Hadaba Daawo Muuqaal Kooban Oo Galabta laga Soo ...
Masaajid Addis Ababa Lagu Dumiyay & Xiisad Kadhalatay.
- May 25, 2018
Wararka naga soo gaadhaya magaalada Addis Ababa ee xarunta Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya khilaaf ...
Saraakiisha Tigreega & Odayaasha Soomaalida oo Siwayn Isu Maandhaafsan.
- May 25, 2018
Wararka naga soo gaadhaya wadanka Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in saraakiisha Tigreega ee wali ...
Deg Deg: Kacdoono Kabilowday Gobolka Liibaan Ee Wadanka Ogadenia.
- May 25, 2018
Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Liibaan ee Koonfurta wadanka lagumaysto ee Ogadenia ayaa sheegaya ...
DEG DEG Wararkii Ugu Dambeeyey Dagaalkii Tukaraq ee Xalay Dhacay
- May 24, 2018
Daawo Dagaal Kulul Oo Mar la baad saakay Kabilawday Tukaraq HALKAN KA DAAWO
CAYDA SHACABKEYGA LOO SAFAY WAA CIQAAB LAGU QASBAY.
- May 24, 2018
Hordhac.. Marka hore inta aanan u jeedada qoraalkeygan een ugu magac daray ciwaanka kore ...
majiro cadow uga arxan-daran Cabdi iley laakiin Cabdi iley oo tagaa; ma’aha gumaysigii oo tagay, mana’aha dhammaadkii dulmiga.
- May 24, 2018
Waa markii imisaad?. Dadka reer Soomaaligalbeed horay uma soo marin, haddana majiro cadow uga ...
H. Warfaafinta JWXO oo Siminaar Saxaafadeed Usoo Xidhay Xubno Cusub.
- May 24, 2018
Gudoomiyaha hogaanka warfaafinta JWXO Mudane Hassan Moalin ayaa wuxuu usoo xidhay siminaar dhinaca saxaafada ...
Dilal Qorsheysan oo Laga Fuliyay Magaalada Muqdisho.
- May 24, 2018
Koox sheegatay in ay yihiin Daacish ayaa internetka kusoo bandhigay muuqaalo muujinaya askari dowladda ...