XEERKA GABDHAHA XABSI MA KU JIREY?

Magaca Eebbe aan ku bilaabo, Nabiga na aan naxariis iyo nabad gelyo Alle u waydiiyo. Waxaan dhashay aniga oo xor ah, waxaanna jeclahay inaan aakhiro u hoydo iniga oo xor ah. Intaas oo kale ayaan la jeclahay ruux kasta oo aan wax galabsan, lab iyo dhaddig kuu dooni ha ahaadee.
Ma ihi dadka xamaasadda ku kaca, dabaylaha dhacayana mid ba meel iima hawadiso. Ma ihi hal-yeeshaale hadba cidda uu qoraalkooda uu akhriyo la aragti ah, mana ihi qof dadka kale aragtiyohooda aan qaymayn oo qumanihiisu qoorta igu jiro.

Dhawr caano-maal Ayaan is moogaysiiyey xarigga iyo xukunka lagu riday Naciima Abwaan Qorane. Waxaan iri aamus oo madaxda ay gacanta ugu jirto ku qiimee, iyaga ayaa maslaxadda gobolka kaa oge, haddana waxaan la gam’I waayey oo urugo igu noqotay ilmadowda ka ooyeysa qolka mugdiga ah, markaas baan eegay curadayda Bushro oo xor ah iyo Niciimo oo sida qalbigaygu ii suureeyey qol ciriiri ah ku jeebaysan. waxaan milicsaday meeqaankii ay hablaha Soomaaliyeed lahaayeen, kaalintii ay ka soo qaateen xorriyad u dirirka, xilli aan Bari iyo Dalbeed la kala sheegan jirin. Waxaa iskay soo hortaagay Xaawo Taago Allaha u raxmee iyo Naciimo Qorene Eebbe ha soo daayee!
Waxaan is iri arriinta Niciima Abwaan Qorone, qormo kooban ka dheh, taas oo isugu jirta, codsi, xusuusiin, waano, talo-galyo, hoga-tusaalayn iyo farriin intuba ku socdaan Madaxweyne “Muuse Biixi Cabdi”

Oraahdaydu waxaa weeye “Madaxweyne xabsigu xal ma ah, dhallinyarada, gaar ahaanna gabdhuhu waxay u baahanyihiin, in maskaxda lagala hadlo intii gacanta laga hadli lahaa. Mudane Muuse, madaxda Soomaalilanad waxay shacabka u sheegaan inay ka gilgisheen dulmi ay u adkaysan waayeen, kaas oo inta ugu badani xabsi ku lug lahaa. Haddaba madaxweyne is waydii, muxuu xabsigaagu kaga duwanyahay xabsiyadii hore. Adaa waddanka joogaye ma la xiri jirey hablaha aan curan iyo ubaxa soo baxay.

Madaxweyne masiibo iyo magacba maalin bay baxaane Niciimo abwaan Qorane cafis madaxweyne ku sii daa, adiga oo tixgalinaya bulshada soomaaliyeed ee dhiigga walaalaha ka ah, siyaasaddu maalinba walaal bay leedahaye. Ku sii daah magaca gabadhnimo ee dhaqankeenna xurmada goonida ah ku leh. Ku sii daa’ da’yar nimadeeda, ku sii daa’ magaca Abwaan qorane, af-maalka waa laga sarriigan jiraye.
Aan halkaas ku joojiyo Qaybta 1aad ee qormadaan.
ABDIRIZAK ISMAIL HASHI (CIRRO)
Email: cirrotiif@hotmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

Kacdoono Kabilowday Gobolka Liibaan Ee Wadanka Ogadenia.
- May 25, 2018
Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Liibaan ee Koonfurta wadanka lagumaysto ee Ogadenia ayaa sheegaya ...
Daawo Muuqaal Kooban Oo Galabta laga Soo Duubay Jiida dagaalka Tukaraq
- May 25, 2018
Dagaalkii Tukaraq Oo Khasaare Badan Dhaliyay Hadaba Daawo Muuqaal Kooban Oo Galabta laga Soo ...
Masaajid Addis Ababa Lagu Dumiyay & Xiisad Kadhalatay.
- May 25, 2018
Wararka naga soo gaadhaya magaalada Addis Ababa ee xarunta Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya khilaaf ...
Saraakiisha Tigreega & Odayaasha Soomaalida oo Siwayn Isu Maandhaafsan.
- May 25, 2018
Wararka naga soo gaadhaya wadanka Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in saraakiisha Tigreega ee wali ...
Deg Deg: Kacdoono Kabilowday Gobolka Liibaan Ee Wadanka Ogadenia.
- May 25, 2018
Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Liibaan ee Koonfurta wadanka lagumaysto ee Ogadenia ayaa sheegaya ...
DEG DEG Wararkii Ugu Dambeeyey Dagaalkii Tukaraq ee Xalay Dhacay
- May 24, 2018
Daawo Dagaal Kulul Oo Mar la baad saakay Kabilawday Tukaraq HALKAN KA DAAWO
CAYDA SHACABKEYGA LOO SAFAY WAA CIQAAB LAGU QASBAY.
- May 24, 2018
Hordhac.. Marka hore inta aanan u jeedada qoraalkeygan een ugu magac daray ciwaanka kore ...
majiro cadow uga arxan-daran Cabdi iley laakiin Cabdi iley oo tagaa; ma’aha gumaysigii oo tagay, mana’aha dhammaadkii dulmiga.
- May 24, 2018
Waa markii imisaad?. Dadka reer Soomaaligalbeed horay uma soo marin, haddana majiro cadow uga ...
H. Warfaafinta JWXO oo Siminaar Saxaafadeed Usoo Xidhay Xubno Cusub.
- May 24, 2018
Gudoomiyaha hogaanka warfaafinta JWXO Mudane Hassan Moalin ayaa wuxuu usoo xidhay siminaar dhinaca saxaafada ...
Dilal Qorsheysan oo Laga Fuliyay Magaalada Muqdisho.
- May 24, 2018
Koox sheegatay in ay yihiin Daacish ayaa internetka kusoo bandhigay muuqaalo muujinaya askari dowladda ...