Xiisadii Gobolka Shiniile oo Adkaatay & Ciidamo Halkaas Loodirayo.

Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Shiniile ee Galbeedka wadanka Ogadenia ayaa sheegaya in gabi ahaanba shacabku ay lawareegeen gacan kuhaynta Dagmooyinka iyo Tuulooyinka marka laga reebo Dagmada Ayshica oo wali ay joogaan koox dabaqoodhi ah.

Iska hor imaadkii ugu dambeeyay ee shacabka iyo kooxda dabaqoodhiga ah ee gumaysiga ushaqaysa ayaa shalay kadhacay magaalada Biki halkaas oo shacabku ay kusoo tooseen ciidan magaalada kuwareegsan, hase yeeshee shacabka ree Biki oo aad uhubaysan ayaa kala caydhiyay ciidankii halkaas kusugnaa.

Dhinaca kale koox wasiiro kusheeg ah oo isla Gobolka Siti kasoo jeeda ayaa gaadhay Gobolka, waxaana kooxdaas lagu wargaliyay in ay naftooda lacararaan, iyadoo loosheegay in shacabku aysan arki karin maamulka Jigjiga iyo wixii kudaba lehba.

Dhinaca kale ciidan aad ubadan oo Hawaarin ah ayaa lagu soo uruuriyay magaalada Jigjiga, kuwaas oo laga soo uruuriyay dhamaan Gobolada Ogadenia, waxaana ladoonayaa in ay ciidanka Hawaarintu gaadhaan Gobolka Siti si ay dadka uxasuuqaan.

Dhinaca kale waxaa guud ahaan Gobolka Siti kajira diyaar garow aad uwayn waxaana lagu balamay in la iska celiyo ciidanka Hawaarinta ee soosocda.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

Saraakiishii Tigreega Ahaa oo Labahdilay & Samore Yonis oo Cabanaya.
- May 22, 2018
Wararka naga soo gaadhaya wadanka Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in saraakiisha ciidamada wayaanaha uu ...
Daawo Ethiopia Oo Loo Raray Kaydkii Shidaalka Haamaha Berbera Ee Somaliland
- May 22, 2018
Waxaa Laga soo Darinaayay In Shidaal La'aan ba'ani Kajirto Ethiopia Hadaba waxaa soo baxaysa ...
Daawo DEG DEG Sheikh Hassan Dahir Aweys oo Ammaan kala Dul dhacay Amina Muse & Naimo Qorane
- May 22, 2018
Sheikh Hassan Dahir Aweys oo Xabsi Guri ku Ah Magaalada Muqdisho ayaa Ammaan kala ...
Dalkii 3aad oo Safaaradiisa Ka Furtay Magaalada Al-Qudus.
- May 22, 2018
Dalka Paraguay ayaa shalay safaarad ka furtay magaalada Qudus, wuxuuna noqday dalkii saddexaad ee ...
Roobab Duufaan Watay oo Soomaaliya Ku Dhuftay & Khasaare Ka Dhashay.
- May 22, 2018
In ka badan 20 qof ayaa la rumaysan yahay inay ku geeriyootay halka kumannaan ...
Musuq-Maasuq Hadheeyay Masuuliinta Soomaaliyeed.
- May 22, 2018
Iyadoo lagu wado in 28ka bishan May magaalada Geneva ee dalka Switzerland uu ka ...
Saraakiishii Tigreega Ahaa oo Labahdilay & Samore Yonis oo Cabanaya.
- May 22, 2018
Wararka naga soo gaadhaya wadanka Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in saraakiisha ciidamada wayaanaha uu ...
DEG DEG Daawo Madaxweyne Erdogen oo Shirqool dil ka Bad Baadey
- May 21, 2018
Waxaa horay Loogu Guul Daraystay Iskuday Afgambi Kadhan ahaa Madaxwayne Ordogan Hadana waxaa soo ...
Daawo Risal Wasaaraha Ethiopia Oo Soo Daayey 1,000 Maxaabiis Ethiopian Ah Oo Ku Xirnaa Saudi Arabia
- May 21, 2018
Dhaq Dhaqaaq yada Cusub ee uu layimid Risal Wasaaraha Ethiopia Waxaa Kamida Soodaynta 1,000 ...
Daawo Magaalada Godey oo Bisha Ramadaan Waxaa kusoo Batay Furniinka Dumarka
- May 21, 2018
Magaalada Godey oo Bisha Ramadaan Waxaa kusoo Batay Furniinka Dumarka