Ethiopia Wadanka Ugu Liita Dhinaca Xuquuqda Aadamaha Ee Wadamada Africa.

 

Dowlada Maraykanka oo qiimayn dhinaca xuquuqul aadamaha ah kusamaysay in kabadan 200 oo dowladeed ayaa sheegtay in wadanka Itoobiya uu yahay midka ugu liita dhinaca xuquuqul insaanka.

Baadhitaankan oo mudo dheer socday ayay dowlada Maraykanku sheegtay in wadamo badan ay ukuur gashay qaabka ay ula tacaalaan xuquuqda aadamada, waxayna dowlada Maraykanku sheegtay in wadanka Itoobiya uu yahay kan ugu liita ama kasoo raaca marka la eego kuxadgudubka dhinaca xuquuqul insaanka.

Baadhitaanka ay dowlada Maraykanku samaysay ayaa lau ogaaday in wadanka Itoobiya ay xoriyada hadalku gaadhay meesha ugu hoosaysa, waxaana lasheegay in aan wadankaas laga ogolayn wariye iyo warbaahin madax banaan oo kasoo warama arimaha kajira gudaha wadankaas.

Sidoo kale xabsiyada wadanka Gumaysiga Itoobiya ayaa la ogaaday in ay yihiin kuwa dadka ugu badan ee wadamada baadhitaanka lagu sameeyay ay kujiraan, dadkaas oo sida ay warbixintu sheegtay aan helin wax cadaalad ah isla markaana maxkamad la’aan iska xidhan.

Dhinaca kale war goor dhaw nasoo gaadhay ayaa sheegaya in ciidanka sirdoonka wayaanuhu ay wadanka Koonfur Africa kudileen nin taliska wayaanaha mucaarad ku ahaa oo lagu magacaabi jiray Gazahim Gabremaskal, waxaana dilka ninkaas aad u cambaareeyay hay’adaha xuquuqul insaanka.

Ciidanka sirdoonka wayaanaha ayaa sanadihii lasoo dhaafay mashquul ku ahaan dilal aan kala joogsi lahayn iyo waliba afduub ay kuhayeen dadka Itoobiya kasoo cararay ee qoxootiga ku ah wadamada Africa.

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

Daawo dabaal dagii iyo soo dhawayntii OYSU ee Jigjiga
- Aug 17, 2018
Daawo Muuqaal Muujinaya Qaabkii Ururka O Y S U Loogusoo dhaweeyay Jigjiga Iyo Dabaaldaga.
Khadar dheere- Madaxa xarunta dhexe XDSHS Maxamed rashiid isaaq- afhayeenki baarlamaanka
- Aug 17, 2018
Khadar dheere- Madaxa xarunta dhexe XDSHS Maxamed rashiid isaaq- afhayeenki baarlamaank DDS Cabdi jamaal- wasiirki cadaalada Ibraahim ...
Maraykanka oo sheegay inuu Turkiga ku soo rogayo cunaqabatayn dheeraad ah
- Aug 17, 2018
Dowlada Maraykanka ayaa wacad ku martay inay wadanka Turkiga ku soo rogayso cunaqabatayn dheeraad ...
Shir Mucaaradka Itoobiya Ay Addis Ababa Kulahaayeen oo Burburay.
- Aug 17, 2018
Waxaa magaalada Addis Ababa lagu qabtay shir balaadhan oo ay kasoo qayb galeen in ...
Daawo:Wararkii ugu danbeeyay Maglada Jigjiga iyo Wafdigii OYSU oo wali halkasi
- Aug 17, 2018
Daawo:Wararkii ugu danbeeyay Maglada Jigjiga iyo Wafdigii OYSU oo wali halkasi  
Daawo Maamulka O Y S U oo jigjiga Kaqudbaynaya
- Aug 17, 2018
Waxaa Magaalada Jigjiga Gaaray Xubno Kasocda Ururka Dhalinyada Oysu Kuwaasi Oo Shaqooyin Midaynta Iyo ...
Daawo Xaaji Ali Shoocaac oo Markii Ugu Horaysay Shacabka Lahadlay Tagitaankii Abdi Ilay kadib
- Aug 17, 2018
Waxaa Markii Ugu Horaysay Shacabka Lahadlay Xaaji Ali Shoocaac Oo Shacabka Lahadlay Uguna baaqay ...
Xuska Sanadguurada 34 ee JWXO oo Dhagaxlay Lagu Qabtay.
- Aug 17, 2018
Maanta oo Khamiis ah taariikhduna ay kubeegantahay 16/8/18 waxaa xerada qoxootiga Dhagaxlay laga xusay ...
Daawo Qoomiyada Tigreyga oo Shaaciyay Inay go’ayaan
- Aug 16, 2018
Waxaa Kasii Daraysa Xaaalada Ethiopia Kadib Markii Tigregu sheegeen Inay ka Go'een Itoobiya Warkaas ...
Daawo Qosolka Aduunka Wariye Cawke Su’aalihii ugu Qosolka Badnaa
- Aug 16, 2018
Qosolka Aduunka Wariye Cawke Su'aalihii ugu Qosolka Badnaa