Eeboow adaa awood leh, mudane Bashiir Axmed Makhtal oo nool iyo Meles Zenaawi oo mootan cibraa kusugan! By: Xaaji M/rashiid.

Inaan baraarujiyo jirintaanka Allaha awoodda badan ee Dunida maamula dhowr jeer oo hore ayaan xusay.. Xaqiiqatan markaad ufiirsato dhacdooyinka iyo isbadalada Aduunka kasocda wax wayn ayaa iimaanka kusoo kordhaya. Doorkan qoraalka aan farta ku hayo waa mid kooban waxaana ugu wacan farxadda jasadkayga saaqday ee ku aadan soo daynta mudane Bashiir Axmed Makhtal oo si dulmi ah uqu qabirraa jeel kamid ah jeelasha guumaystaha ee dadka lagu ciqaabo. Waxaan si kal iyo laab ah uleeyahay mudane kusoo dhawoow hawada nadiifta ah ee caalamka, kusoo dhawoow magaaladaadii iyo dadkaagii oo aad ugu xiiso qaba aragtidaada iyo hadalkaaga.

Qoyska mudane Bashiir waxaan u dirayaa weedhii ugu qaalisaneyd oo ah Aayad Qur’aanka kariimka ah kamid ah taasoo ah انمايوفى الصابرون اجرهم بغيرحساب Waxaanu u dhamaystiri kuwa samra ajarkooda isagoo xisaab la’aan ah. Runtii waa ballanqaad wayn oo qofka iimaanka leh uu ku hiran karo. Teeda kale Nabi yuusuf calayhi salaam ayaa lasheegay inu xabsi gardarra ah kujiray ilaa 7sano, taasoo ina tusaysa in dad inaga fadli badan ay xabsi soo galeen.

Mudane Bashiir iyo Marwadiisa Aziza ee adkaysiga badan magarayo wax intaa ka qaalisan oon hawada umarin karo, balse haday kafursan waydo waxaan leeyahay waa aduunyo iyo xaalkeed waxa idin qabsaday, waxayna soomaalidu tidhaahaa hal dhinaceed qalanyahay ma fayooba waa hadaana qaldin xikmadda. Waxaa si dulmi ah jeelasha Itoobiya iyo Ogadenya uga buuxa mudanayaal iyo marwooyin tiro belay oo ubaahan ducadeena iyo dadaalkeenaba. Waxaan Ilaahay Cazza Wajalla waydiinsanayaa inuu iyagana faraj dedeg ah ufidiyo-Aamiin.
Waxaa gumaysi meel uu joogaba caado u ah inuu taarged gareeyo qoyasaka bulshada indhaha u ah ee usha usida isagoo filaya haduu kuwaa ka guulaysto inuu ka guulaystay dhamaan umaddii kale. Garaad Makhtal Rabi ha unaxariistee ayaa isaguna soo maray xabsiyada foosha xun ee guumaysiga sabankii Xayle salaase siday taariikhda lagu hayo, inta uu guumayste jirana arintaasi way sii socondoontaa.

Sidaad la wada socotaan Bashiir waxaa Oodda afka kasaaray Meles Zanaawi balse waxaa maanta taagan xaalad tii kaduwan oo ah inuu Males mootanyahay oo uu ciidda kudarsamay shan sano kahor, meesha uu noolyahay Bashiir dhulkana uu raadeynayo. Kala wareejinta awoodaa leh ilaahay baa iska leh ee aynu kuwada xamdino.

Ugu dambayn waxaan Qoyska ilaahay uga baryayaa inuu u barakeeyo cimrigooda inta ka hadhay isla markaana uu ku irsaaqo awlaad saalix ah sidoo kalana Qalbiyadooda ka maydho dhibkii soo gaadhay.Aamiin.

Xaaji M/rashiid Aw Macalim
Qoraa madax banaan
samatobaxe2014@hotmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

Kacdoono Kabilowday Gobolka Liibaan Ee Wadanka Ogadenia.
- May 25, 2018
Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Liibaan ee Koonfurta wadanka lagumaysto ee Ogadenia ayaa sheegaya ...
Daawo Muuqaal Kooban Oo Galabta laga Soo Duubay Jiida dagaalka Tukaraq
- May 25, 2018
Dagaalkii Tukaraq Oo Khasaare Badan Dhaliyay Hadaba Daawo Muuqaal Kooban Oo Galabta laga Soo ...
Masaajid Addis Ababa Lagu Dumiyay & Xiisad Kadhalatay.
- May 25, 2018
Wararka naga soo gaadhaya magaalada Addis Ababa ee xarunta Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya khilaaf ...
Saraakiisha Tigreega & Odayaasha Soomaalida oo Siwayn Isu Maandhaafsan.
- May 25, 2018
Wararka naga soo gaadhaya wadanka Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in saraakiisha Tigreega ee wali ...
Deg Deg: Kacdoono Kabilowday Gobolka Liibaan Ee Wadanka Ogadenia.
- May 25, 2018
Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Liibaan ee Koonfurta wadanka lagumaysto ee Ogadenia ayaa sheegaya ...
DEG DEG Wararkii Ugu Dambeeyey Dagaalkii Tukaraq ee Xalay Dhacay
- May 24, 2018
Daawo Dagaal Kulul Oo Mar la baad saakay Kabilawday Tukaraq HALKAN KA DAAWO
CAYDA SHACABKEYGA LOO SAFAY WAA CIQAAB LAGU QASBAY.
- May 24, 2018
Hordhac.. Marka hore inta aanan u jeedada qoraalkeygan een ugu magac daray ciwaanka kore ...
majiro cadow uga arxan-daran Cabdi iley laakiin Cabdi iley oo tagaa; ma’aha gumaysigii oo tagay, mana’aha dhammaadkii dulmiga.
- May 24, 2018
Waa markii imisaad?. Dadka reer Soomaaligalbeed horay uma soo marin, haddana majiro cadow uga ...
H. Warfaafinta JWXO oo Siminaar Saxaafadeed Usoo Xidhay Xubno Cusub.
- May 24, 2018
Gudoomiyaha hogaanka warfaafinta JWXO Mudane Hassan Moalin ayaa wuxuu usoo xidhay siminaar dhinaca saxaafada ...
Dilal Qorsheysan oo Laga Fuliyay Magaalada Muqdisho.
- May 24, 2018
Koox sheegatay in ay yihiin Daacish ayaa internetka kusoo bandhigay muuqaalo muujinaya askari dowladda ...