Masaajidkii qaddiimiga ahaa ee Mowsil oo dib loo dhisayo

Ra’iisul Wasaaraha Ciraaq waxaa uu sheegay in burburka Misaajidka Al-Nuur uu yahay ‘Dambi taarikhii ah oo la gaystay’
Dalka Imaaraatka Carabta ayaa ku bixinaya 50 milyan oo doolar dib u dhiska Masaajidka qaddiimiga ah ee magaalada Mowsil oo ay mar sii horreysay burbur u gaysteen kooxda la magac baxday Dawladda Islaamka.

Laanta Qaramada Midoobay u qaabilsan dhaqanka ee UNESCO ayaa sheegtay in mashruuca shanta sano qaadanayo uu soo celin doono dhismihii masaajidka Al-Nuur gaar ahaan Minaaradda la burburiyay ee uu caanka ku ahaa.

Waxay ahayd goobtii uu hoggaamiyaha ‘ Dowladda Islaamka’ shaaca kaga qaaday asaaska kooxdaas sannadkii 2014.

Muuqal uu baahiyay milatariga Ciraaq ayaa muujinaaya burburka loo gaystay masaajidka qaddiimiga ah ee Al-Nuur.
Al-Nuur waxaa ka haray oo kaliya ah aasaaska hoose ee minaaradda iyo qaar ka mid ah tiirarkii hayay masjidka.

Xilliggaasi, Ra’iisul wasaaraha Ciraaq wuxuu ku tilmaamay in burburka masaajidka uu ahaa ‘dambi taarikhii ah’ wuxuuna ku dhawaaqay dagaal magaalada Mowsil looga saarayo kooxda.

Dagaalka Mowsil ayaa socday muddo sagaal billood ah, khasaare ballaaran ayuuna dhaliyay. Kummannaan rayid ah ayaa ku dhintay halka in ka badan 900,000 oo qofna ay ka barakaceen magaalada.

Agaasimmaha guud laanta Qaramada Midoobay u qaabilsan waxbarshada, Sayniska iyo Dhaqanka (UNESCO) ayaa Isniintii sheegtay inay Imaaratka Carabta iyo dowladda Ciraaq kala kaashanayso hawlaha ugu weyn ee dib loogu dhisaayo goobaha dhaqanka ee dalka Ciraaq ee ku burburay dagallada.

Sannadka ugu horreeyo, mashruuca ayaa diiradda lagu saari doona samaynta qorsheyaal wax ku ool ah oo lagu haggaajinayo masaajidka Al-Nuur.

Afarta sanno ee ugu dambayso mashruuca ayaa lagu soo celin doona dhismihii qaddiimiga ahaa ee Minaaradda, goobta lagu tukado iyo dhismayaal kale oo ka tirsan masaajidka.

Masaajidka qaddiimiga ah ayaa loogu magac daray Nuur Al-Din Maxmuud Zangi oo hoggaamin jiray koox jihaaddoon ahayd oo dhisay masaajidka sannadkii 1172 wakhti yar ka hor inta uusan geeriyoonin.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

Daawo O N L F Iyo Urur kale oo heshiis dhexmaray
- Aug 19, 2018
Daawo Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogaadeeniya Oo Kaduulaysa hawlgalka ay qaadatay ee Midaynta Bulshada soomaalida ...
Daawo Xubnaha Ugu Muhiimsan Baarlamaanka Puntaland Oo Mooshin ka keenay DP World
- Aug 19, 2018
Shirkada D P World oo soomaaliya dhowr jeer oo hore galisay Buuq siyaasadeed Ayaa ...
Daawo Kaladadii Siyaasadeed Ee Farmaajo Galay Intuu Xilka Hayay
- Aug 19, 2018
Waxaa Jira Khalaad badan Oo Ay Ku dhaliilaan wax garad ka iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed ...
Daawo:Ujeed safarkii Madaxwayne Farmaajo iyo qodobadii ka soobaxay Kulankii Ismaciil Cumar Geele .
- Aug 18, 2018
Daawo:Ujeed safarkii Madaxwayne Farmaajo iyo qodobadii ka soobaxay Kulankii Ismaciil Cumar Geele .
Daawo Ciidamada liyuu police ka iyo War cusub oo kasoo baxay
- Aug 18, 2018
Xaalada Ciidamada New poliska oo waayadanba Qasnayd ayaa waxaa kasoo baxaysa War Kaduwan Kii ...
Daawo :Dhagaxbuur oo laga xusay Sanadguuradii ONLF iyo Wararkii ugu danbeeyay Magaalada Jigjiga
- Aug 18, 2018
Daawo :Dhagaxbuur oo laga xusay Sanadguuradii ONLF iyo Wararkii ugu danbeeyay Magaalada Jigjiga
Deg Deg Itoobiya oo Ciidankeeda Kala Baxaysa Xuduuda Eritrea.
- Aug 18, 2018
Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in Ciidamadeeda ku sugnaa Jiidda hore ee xuduuda Eritrea ...
Daawo Sheekh Xasaan Oo Ka hadlay Taariikhda Geesiyada Soomaaliyeed
- Aug 18, 2018
Sheekh Xasaan ayaa Khudbad uu qabtay Kudheeraaday Soomaalida Geesinimadeeda iyo Sidayna Marnaba Gumaysi U ...
Daawo Warkii Ugu Dambeeyay Ee Ogadeniya
- Aug 18, 2018
Waxaa Kasii Daraya Xaalada Amaan ee Ethiopia Iyo Mida Ogaadeeniyaba Hadaba halkan kadaawo Warkii ...
Daawo CIIDAMADA Puntland OO saaka Lawareegay Saldhigyadii
- Aug 18, 2018
Ciidamada Maamulka Puntland ayaa Saaka weerar ku ekeeyay Deegaano ay Alshabaab haysteen . waxaa soo ...