Waardiyihii Usama Bin Laden oo lacag daryeel ka hela Jarmalka

Nin u dhashay dalka Tunisia oo la sheegay in uu ka mid ahaa dadkii waariyayn jiray hoggaamiyihii la dilay ee Alqaacida Usama Bin Laden ayaa la sheegay in uu muddo sanooyin ah ku noolyahay dalka Jarmalka, kana qaato lacagta daryeelka dowladda.

Bishii waxa uu helaa €1,168 oo lacagta Yurub ah, wuxuuna dalkaas ku noolaa laga soo bilaabo sanadkii 1997-dii.

Lacagtan ayaa lasoo bandhigay kadib markii xisbiga fog ee AfD uu dowladda ka codsaday in ay shaaciso lacagta uu helo ninka oo loo yaqaano Saami A.

Warbaahinta Jarmalka ayaanan faafin magaca ninkan oo dhamaystiran si loo illaaliyo xogtiisa shaqsiyadeed.

Bin Laden ayaa hoggaaminayay ururka Al Qaacida, isaga oo amray weerarkii lagu qaaday daaraha dhaadheer ee Maraykanka sanadkii 2001-dii.

Ninkan mar ahaan jiray waardiyaha Bin Laden ayaa la baaray sanadkii 2006-dii, balse ma jiraan wax dacwado ah oo lagu soo oogay.

Waxa uu la noolyahay xaaskiisa oo Jarmalka u dhalatay iyo afar carruur ah, isaga oo degan magaalada Bochum.

Codsigiisa magangalyo doonimada ayaa la diiday sanadkii 2007-dii maadaamaa dowladda u aqoonsatay in uu yahay halis amni.

Balse sidaas oo ay tahay lama tarxiilin baqdin laga qabo in marka Tunisia lagu celiyo in la jir dilo.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

War deg deg ah : Erdugan oo markale ku guulaystay kursiga ugu sareeya wadanka Turkiga
- Jun 24, 2018
Racep dayip ergugan ayaa markale ku guulaystay madaxwaynaha Dalka Turkiga . Loolan adag ka dib ...
Maamulka Jubbaland oo sii daayay Maxaabiis ay kamid yihiin kuwo hore uga tirsanaa Shabaab
- Jun 24, 2018
kadib cafis uu madaxweynaha Jubbaland u fidiyay ilaa 46 Maxbuus oo ku xiran xabsiyada ...
Somaliland: “Laascaanood ma ahan Waqooyiga Gaalkacyo”
- Jun 24, 2018
Xukuumadda Somaliland ayaa si kulul uga jawaabtay hadalkii ka soo yeeray Madaxweynaha Puntland C/weli ...
Gnv Daawo Dowlada Soomaaliya Oo Cunaqabatayn kusoo Rogtay Xukuumada Somaliland
- Jun 24, 2018
Maamulka Gooni U Goosadka Ah ee Soomaalilalan Ayaa Waxa Uu Kacabanayaa In Dawlada Soomaaliya ...
Jaziirada Malta oo Diiday Inay Qaabisho Tahriibayaal African Ah.
- Jun 24, 2018
Dowladda Malta ayaa sheegtay in aysan qaabili doonin tahriibayaal Afrikaan ah oo dhawaan lasoo ...
Deg Deg Madaxwaynaha Zimbabwe oo Lala Beegsaday Qarax.
- Jun 24, 2018
Qarax aad u culus ayaa ka dhacay dalka Zimbabwe, meel uu ka qudbeynayay madaxweynaha ...
Dad Loo Qabqabtay Qarixii Addis Ababa Ka Dhacay.
- Jun 24, 2018
Sida ay kusoo waramayaan warar kala duwan oo ay heshay ONA ayaa sheegaya in ...
Deg Deg Komishineerkii Booliiska Magaalada Adiss Ababa oo Xabsiga Loo Taxaabay.
- Jun 24, 2018
Waxaa xabsiga la dhigay komumishineerkii Booliiska magaalada Addiss Ababa Girma Kassa kadib qaraxii ka ...
Daawo Hees Qiiro Kugu beeri doonta oo Wadani ah Bilaa musik
- Jun 23, 2018
Daaewo Hees Qiiro Kugu beeri doonta oo Wadani ah Bilaa musik HALKAN KADAAWO
Daawo Dagaalka Tukaraq Madaxweynaha Puntland Oo Maanta Si ka Duwan Sidii Hore Uga Hadlay
- Jun 23, 2018
Iyada oo la isku hor fadiyo deegaanadii ay kudagaalameen Maamulada PUNTLAND iyo SOOMAALILAND Ayaa ...