ESTV BIYO KA CAB !” WAA SHEEKO XIISA BADAN OO KA DHACDAY JIGJIGA,

“ ESTV BIYO KA CAB !” WAA SHEEKO XIISA BADAN OO KA DHACDAY JIGJIGA

Nin ka mid ahaa raga Qurba joogta ah, ee sida joogtada ugu xidhnaa daawashada Tv-ga maaweelada iyo buunbuuninta ee arimaha Degaanka ( EStv), ayaa howlihiisii shaqo ee dibadda uga soo fasax qaatay si uu usoo dalxiiso Deegaankiisa oo loogu sheegay inuu gaaray horrumar wanaagsan, wuxuuna ka soo degay Garoonka Diyaaradaha ee jigjiga.

Ninkaan ayaa markii uu tegay xaafadii uu ku socday ee ay dad eheladiisa ah deganaayeen, ayaa waxaa uu damcay inuu meydho markaasuu suuliga xaafadda abaaray, markuu dhex istaagay suuliga ayuu waayay Shower & qasabad biyo leh oo uu isticmaalo, inta uu banaanka uga soo booday ayuu mid ka mid ah haweenay ay qaraabo ahaayeen oo xaafada joogtay ku yiri “ Xaawooy, huuno bal igu caawi Biyo” waxeyna haweenaydii ku tidhi

“ Cabdiyoow, walaal xaafaddu Biyo ma jiraan Todobaadyadan oo dhan, oo gaari-dameeradii Biyoolaha ahaa lama hayo, wakaa jiirigaanadii banaanka wada yaala, sidaa baan isaga noolnahay huuno” intuu ninkii aamusay oo kaabada Illinka Qolka uu daganaa Salka saaray ayuu Su’aalo aan dhamaad laheyn isu daba dhigayHaweenaydii oo Qudheeda Biyo la’aanta haysata meel la fadhida, waxeyna su’aalaha ninku ahaayeen sidan:-

1- Huuno Xaawooy, hadii ay caasimadii deegaanka sidan ka tahay biyaha, eega waa side xaalka biyo ee gobolada kale degaanka ?

2- Kol hore oo uu madaxweynaha Cabdi noogu yimi Mareykanka wuxuu shir nooga sheegay in Jigjiga ay xukuumadiisu ka wada dhigtay biyo wada durduraya, ee tan aan maanta joogo sow maaha jigjiga huuno ?

3- Dee anaga Qurba joogta ah Marwalba talefeshinka Estv ayan daawanaayoo ceelal wada butaacaya biyo ayun baan aragnaa, oo ceel baa la qoday unbaa wararka ku argnaa, Agah!!! Bal huunomaxaa si ah ?

Haweenaydii baa inta ay ka yaabtay ninkan Qurba Joogta ah heerka uu ka taaganyahay fahamka xaqiiqada dhabta ah ee degaanka ka jirta, gabadhii oo cabsi badan ku jirto duruufaha jira awgood ayaa ku jawaabtey huuno cabdiyow jig jiga waatan aad joogtee biyo na waa sidaad aragtee ha i wareerine orodoo estv biyo ka cab. #wariye xaqdoon maxamed xasan

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

Daawo O N L F Iyo Urur kale oo heshiis dhexmaray
- Aug 19, 2018
Daawo Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogaadeeniya Oo Kaduulaysa hawlgalka ay qaadatay ee Midaynta Bulshada soomaalida ...
Daawo Xubnaha Ugu Muhiimsan Baarlamaanka Puntaland Oo Mooshin ka keenay DP World
- Aug 19, 2018
Shirkada D P World oo soomaaliya dhowr jeer oo hore galisay Buuq siyaasadeed Ayaa ...
Daawo Kaladadii Siyaasadeed Ee Farmaajo Galay Intuu Xilka Hayay
- Aug 19, 2018
Waxaa Jira Khalaad badan Oo Ay Ku dhaliilaan wax garad ka iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed ...
Daawo:Ujeed safarkii Madaxwayne Farmaajo iyo qodobadii ka soobaxay Kulankii Ismaciil Cumar Geele .
- Aug 18, 2018
Daawo:Ujeed safarkii Madaxwayne Farmaajo iyo qodobadii ka soobaxay Kulankii Ismaciil Cumar Geele .
Daawo Ciidamada liyuu police ka iyo War cusub oo kasoo baxay
- Aug 18, 2018
Xaalada Ciidamada New poliska oo waayadanba Qasnayd ayaa waxaa kasoo baxaysa War Kaduwan Kii ...
Daawo :Dhagaxbuur oo laga xusay Sanadguuradii ONLF iyo Wararkii ugu danbeeyay Magaalada Jigjiga
- Aug 18, 2018
Daawo :Dhagaxbuur oo laga xusay Sanadguuradii ONLF iyo Wararkii ugu danbeeyay Magaalada Jigjiga
Deg Deg Itoobiya oo Ciidankeeda Kala Baxaysa Xuduuda Eritrea.
- Aug 18, 2018
Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in Ciidamadeeda ku sugnaa Jiidda hore ee xuduuda Eritrea ...
Daawo Sheekh Xasaan Oo Ka hadlay Taariikhda Geesiyada Soomaaliyeed
- Aug 18, 2018
Sheekh Xasaan ayaa Khudbad uu qabtay Kudheeraaday Soomaalida Geesinimadeeda iyo Sidayna Marnaba Gumaysi U ...
Daawo Warkii Ugu Dambeeyay Ee Ogadeniya
- Aug 18, 2018
Waxaa Kasii Daraya Xaalada Amaan ee Ethiopia Iyo Mida Ogaadeeniyaba Hadaba halkan kadaawo Warkii ...
Daawo CIIDAMADA Puntland OO saaka Lawareegay Saldhigyadii
- Aug 18, 2018
Ciidamada Maamulka Puntland ayaa Saaka weerar ku ekeeyay Deegaano ay Alshabaab haysteen . waxaa soo ...