Wararkii ugu dambeeyey Ee kacdoonka Shinniile

Weli waxaan xal loo helin kacdoonkii gobalka Shinniile ee ay Barbaartu bilaabeen, laguna diidanaa dulmiga uu maamulka Cabdi iley ku hayo.

– Kooxda Jig-jiga oo aad uga khal-khashay kacdoonka Shinniile ka curtay ayaad mooddaa inay durba qaadayaan tallaabooyin dabacsanaan ah laakiin dhagar ah oo la rabo in kacdoonka lagu fur-furo, waxaana kamid ah in Ciidankii liyuuga ee hore loo geeyey gobalka shinniile dib looga soo qaaday iyo in la siidaayey xubno ka tirsan Barbaarta Kacdoonka oo hore loo xidh-xidhay intii uu Kacdoonka shacabku socday, si niyad-waaag been ah loo muujiyo.

-Cabdi iley wuxuu magaalada Diri-dhabe u diray wafti ballaadhan oo isaga matala, oo ay kamid yihiin xubno gobalkaas kasoo jeeda sida C/Xakiim cigaal iyo Xamdigii dhawaanta xilka magac-uyaalka ah loo magacaabay.

-Cabdi iley laftiisu sida warar sugani sheegayaan waxaa u qorshaysan inuu maanta (Aril 25) tago gobalka kadibna uu gurigiisa ugu tago Ugaaska 19-aad ee Beesha soomaaliyeed ee gobalka degta (Ciise), Ugaas Mustafa, wuxuuna rabaa inuu Ugaaska lugaha qabsado kana codsado in kacdoonka la joojiyo.

-Waxyaabaha qorshaysan waxaa kamid ah in ballaan-qaadyo been ah lagu hakiyo kacdoonka shinniile oo odayaasha iyo waxgaradka gobalka loo sheego in xorriyad iyo xuquuqo dheeraad ah lasiindoono oo ay iskood isu maamuli-doonaan oo aan faro-gelin lagu samayn-doonin arrimahooda gudaha laakiin sidaan xogta hoose ku hayno arrintani waa khiyaamadii lagu yaqaannay Cabdi iley. wuxuuna rabaa oo kaliya inuu kacdoonku fashilmo kadibna dhalinyarada kacdoonka dib loo ugaadhsado.

Insha allaah, Warbixinta labaad waxaynu farta ku fiiqi-doonnaa shakhsiyaadka hagar-daamada ku haya, kacdoonka shacabka iyo Barbaarta hormuudka u ah.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

Daawo O N L F Iyo Urur kale oo heshiis dhexmaray
- Aug 19, 2018
Daawo Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogaadeeniya Oo Kaduulaysa hawlgalka ay qaadatay ee Midaynta Bulshada soomaalida ...
Daawo Xubnaha Ugu Muhiimsan Baarlamaanka Puntaland Oo Mooshin ka keenay DP World
- Aug 19, 2018
Shirkada D P World oo soomaaliya dhowr jeer oo hore galisay Buuq siyaasadeed Ayaa ...
Daawo Kaladadii Siyaasadeed Ee Farmaajo Galay Intuu Xilka Hayay
- Aug 19, 2018
Waxaa Jira Khalaad badan Oo Ay Ku dhaliilaan wax garad ka iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed ...
Daawo:Ujeed safarkii Madaxwayne Farmaajo iyo qodobadii ka soobaxay Kulankii Ismaciil Cumar Geele .
- Aug 18, 2018
Daawo:Ujeed safarkii Madaxwayne Farmaajo iyo qodobadii ka soobaxay Kulankii Ismaciil Cumar Geele .
Daawo Ciidamada liyuu police ka iyo War cusub oo kasoo baxay
- Aug 18, 2018
Xaalada Ciidamada New poliska oo waayadanba Qasnayd ayaa waxaa kasoo baxaysa War Kaduwan Kii ...
Daawo :Dhagaxbuur oo laga xusay Sanadguuradii ONLF iyo Wararkii ugu danbeeyay Magaalada Jigjiga
- Aug 18, 2018
Daawo :Dhagaxbuur oo laga xusay Sanadguuradii ONLF iyo Wararkii ugu danbeeyay Magaalada Jigjiga
Deg Deg Itoobiya oo Ciidankeeda Kala Baxaysa Xuduuda Eritrea.
- Aug 18, 2018
Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in Ciidamadeeda ku sugnaa Jiidda hore ee xuduuda Eritrea ...
Daawo Sheekh Xasaan Oo Ka hadlay Taariikhda Geesiyada Soomaaliyeed
- Aug 18, 2018
Sheekh Xasaan ayaa Khudbad uu qabtay Kudheeraaday Soomaalida Geesinimadeeda iyo Sidayna Marnaba Gumaysi U ...
Daawo Warkii Ugu Dambeeyay Ee Ogadeniya
- Aug 18, 2018
Waxaa Kasii Daraya Xaalada Amaan ee Ethiopia Iyo Mida Ogaadeeniyaba Hadaba halkan kadaawo Warkii ...
Daawo CIIDAMADA Puntland OO saaka Lawareegay Saldhigyadii
- Aug 18, 2018
Ciidamada Maamulka Puntland ayaa Saaka weerar ku ekeeyay Deegaano ay Alshabaab haysteen . waxaa soo ...