Madaxwaynaha Faransiiska oo Trump kulataliyay Ilaalinta Heshiiskii Iran.

Emmanuel Macron, Madaxweynaha France oo booqasho rasmi ah ku jooga Maraykanka ayaa sheegay in guul laga gaadhay wadahadalkii uu la lahaa Donald Trump, Madaxweynaha Maraykanka oo uu kala hadlayey heshiiskii Nukliyeerka IRAN oo uu Trump sheegay inuu burburin doono.

Mr. Macron ayaa sheegay in heshiiskii dhexmaray Beesha Caalamka iyo IRAN ee xakameynta barnaamijka nukliyeerka ee wadanka Iran uu yahay mid laga miro dhaliyey oo xakameeyey awoodii nukliyeerka ee dalkaasi, isagoona sheegay in wixi khaladaad ah oo heshiiskaasi ku jira gadaal laga sixi karo iyadoo aan la wada burburin heshiiskaasi muhiimka ah oo la saxiixay sanadkii 2015.

Dowlada Maraykanka oo qeyb ka ahayd wadamada reer Galbeedka ee heshiiskan wax ka saxiixay wakhtigii uu xilka hayey Madaxweyne Obama ayaa hada laga rabaa in ay markale heshiiskaasi dib-u-cusbooneysiiso bisha May ee soo socota sida sharciga dalkaasi qabo, balse Madaxweynaha dalkaasi Trump ayaa sheegay inuu laali doono heshiiskaasi.

Dalalka Xulafada la ah Maraykanka ee Israel iyo Sacuudiga ayaa ku cadaadinayey Trump inuu burburiyo heshiiskaasi oo uu saxiixay maamulkii ka horeeyey ee Barack Obama. Dowlada Iran ayaa uga digtay Maraykanka inuu faro geliyo heshiiskii horey loo gaaray oo ay qalinka ku duugeen.

Wasiirka Iran ayaa sheegay in hadii Maraykanka heshiiskan ka baxo ay iyaguna qaadi doonaan tilaabo taas u dhiganta waxaana hadalkaasi isla shalay sii xoojiyey Madaxweynaha IRAN, Xasan Rowxani oo isaguna sheegay in Maraykanka uu qaadi doono wixii ka yimaadaa burburinta heshiiskaasi.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

Daawo dabaal dagii iyo soo dhawayntii OYSU ee Jigjiga
- Aug 17, 2018
Daawo Muuqaal Muujinaya Qaabkii Ururka O Y S U Loogusoo dhaweeyay Jigjiga Iyo Dabaaldaga.
Khadar dheere- Madaxa xarunta dhexe XDSHS Maxamed rashiid isaaq- afhayeenki baarlamaanka
- Aug 17, 2018
Khadar dheere- Madaxa xarunta dhexe XDSHS Maxamed rashiid isaaq- afhayeenki baarlamaank DDS Cabdi jamaal- wasiirki cadaalada Ibraahim ...
Maraykanka oo sheegay inuu Turkiga ku soo rogayo cunaqabatayn dheeraad ah
- Aug 17, 2018
Dowlada Maraykanka ayaa wacad ku martay inay wadanka Turkiga ku soo rogayso cunaqabatayn dheeraad ...
Shir Mucaaradka Itoobiya Ay Addis Ababa Kulahaayeen oo Burburay.
- Aug 17, 2018
Waxaa magaalada Addis Ababa lagu qabtay shir balaadhan oo ay kasoo qayb galeen in ...
Daawo:Wararkii ugu danbeeyay Maglada Jigjiga iyo Wafdigii OYSU oo wali halkasi
- Aug 17, 2018
Daawo:Wararkii ugu danbeeyay Maglada Jigjiga iyo Wafdigii OYSU oo wali halkasi  
Daawo Maamulka O Y S U oo jigjiga Kaqudbaynaya
- Aug 17, 2018
Waxaa Magaalada Jigjiga Gaaray Xubno Kasocda Ururka Dhalinyada Oysu Kuwaasi Oo Shaqooyin Midaynta Iyo ...
Daawo Xaaji Ali Shoocaac oo Markii Ugu Horaysay Shacabka Lahadlay Tagitaankii Abdi Ilay kadib
- Aug 17, 2018
Waxaa Markii Ugu Horaysay Shacabka Lahadlay Xaaji Ali Shoocaac Oo Shacabka Lahadlay Uguna baaqay ...
Xuska Sanadguurada 34 ee JWXO oo Dhagaxlay Lagu Qabtay.
- Aug 17, 2018
Maanta oo Khamiis ah taariikhduna ay kubeegantahay 16/8/18 waxaa xerada qoxootiga Dhagaxlay laga xusay ...
Daawo Qoomiyada Tigreyga oo Shaaciyay Inay go’ayaan
- Aug 16, 2018
Waxaa Kasii Daraysa Xaaalada Ethiopia Kadib Markii Tigregu sheegeen Inay ka Go'een Itoobiya Warkaas ...
Daawo Qosolka Aduunka Wariye Cawke Su’aalihii ugu Qosolka Badnaa
- Aug 16, 2018
Qosolka Aduunka Wariye Cawke Su'aalihii ugu Qosolka Badnaa