Daadad Ku Fatahay Soomaaliya oo Khasaare Gaystay.

Daadad xoog leh ayaa ka dhashay roobab culus oo maalmihii la soo dhaafay ka da’ayay degaanno badan oo ka mid ah Soomaaliya. Roobabkan ayaa saameeyay in ka badan 427,000 oo dad ah oo ku sugan gudaha Soomaaliya inta lagu guda jiro bisha April, sida ay sheegeen hay’ado gar gaar.

Hay’adda Norwegian Refugee Council (NRC) ayaa sheegtay in shaqaalaheeda ku sugan gudaha Soomaaliya ay arkeen dad waayeel ah, haween, iyo carruur oo ay dhibaato ku haysato hoyga ay ku nool yihiin oo ku dhex jira biyo jilbaha u jooga. NRC ayaa intaa ku dartay inay arrintu intaas ka sii xumaan karto.

Hay’adda NRC ayaa sheegtay in dad badan oo aan tiradooda la qiyaasi karin ay ku hoydaan goobo aad ugu nugul daadadka ka dhasaha roobabka. Agaasimaha hay’adda NRC ee Soomaaliya, Victor Moses, ayaa digniin ku bixiyay in helista musqulo hagaagsan iyo biyo nadiif ah oo kooban dartood ay dhici karto in ay dillaacaan xanuuno ay ka mid yihiin daacuun iyo duumo.

Magaalada Baydhabo oo kali ah ayay hay’addu sheegtay in qiyaastii 174,000 oo qof ay saameeyeen daadad. In ka badan kala badh guryaha ay hadda dadku daggan yihiin ayaa u adkeysan kara roobabka culus, oo qaar badan oo mid ah guryaha magaalada ay mar hore roobabku qaadeen.

Dhinaca kalana, war saxaafadeed ka soo baxay maamulka Hir-Shabeelle, ayaa lagu sheegay in roobab xoog leh oo dhowrkii maalmood ka da’ayay degaannada maamulkaasi ay ka dhasheen daadad xoog leh, oo biyaha wabiyga magaalada Beledweyne ay sare u kaceen siddeed mitir, kan Jowharna, shan mitir.

Daadadkaasi ayuu maamulku sheegay inay dad badan ku baraceen, kuwaasoo hadda la daalaa dhacaya nolol maalmeedkooda. Warsaxaafadeedka ayaa lagaga codsaday deeq bixiyaasha caalamka iyo hay’adaha aan dowliga ahayn inay gacan ka geystaan sidii wax looga qaban lahaa xaalada bini’adminimo ee taagan.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

Daawo O N L F Iyo Urur kale oo heshiis dhexmaray
- Aug 19, 2018
Daawo Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogaadeeniya Oo Kaduulaysa hawlgalka ay qaadatay ee Midaynta Bulshada soomaalida ...
Daawo Xubnaha Ugu Muhiimsan Baarlamaanka Puntaland Oo Mooshin ka keenay DP World
- Aug 19, 2018
Shirkada D P World oo soomaaliya dhowr jeer oo hore galisay Buuq siyaasadeed Ayaa ...
Daawo Kaladadii Siyaasadeed Ee Farmaajo Galay Intuu Xilka Hayay
- Aug 19, 2018
Waxaa Jira Khalaad badan Oo Ay Ku dhaliilaan wax garad ka iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed ...
Daawo:Ujeed safarkii Madaxwayne Farmaajo iyo qodobadii ka soobaxay Kulankii Ismaciil Cumar Geele .
- Aug 18, 2018
Daawo:Ujeed safarkii Madaxwayne Farmaajo iyo qodobadii ka soobaxay Kulankii Ismaciil Cumar Geele .
Daawo Ciidamada liyuu police ka iyo War cusub oo kasoo baxay
- Aug 18, 2018
Xaalada Ciidamada New poliska oo waayadanba Qasnayd ayaa waxaa kasoo baxaysa War Kaduwan Kii ...
Daawo :Dhagaxbuur oo laga xusay Sanadguuradii ONLF iyo Wararkii ugu danbeeyay Magaalada Jigjiga
- Aug 18, 2018
Daawo :Dhagaxbuur oo laga xusay Sanadguuradii ONLF iyo Wararkii ugu danbeeyay Magaalada Jigjiga
Deg Deg Itoobiya oo Ciidankeeda Kala Baxaysa Xuduuda Eritrea.
- Aug 18, 2018
Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in Ciidamadeeda ku sugnaa Jiidda hore ee xuduuda Eritrea ...
Daawo Sheekh Xasaan Oo Ka hadlay Taariikhda Geesiyada Soomaaliyeed
- Aug 18, 2018
Sheekh Xasaan ayaa Khudbad uu qabtay Kudheeraaday Soomaalida Geesinimadeeda iyo Sidayna Marnaba Gumaysi U ...
Daawo Warkii Ugu Dambeeyay Ee Ogadeniya
- Aug 18, 2018
Waxaa Kasii Daraya Xaalada Amaan ee Ethiopia Iyo Mida Ogaadeeniyaba Hadaba halkan kadaawo Warkii ...
Daawo CIIDAMADA Puntland OO saaka Lawareegay Saldhigyadii
- Aug 18, 2018
Ciidamada Maamulka Puntland ayaa Saaka weerar ku ekeeyay Deegaano ay Alshabaab haysteen . waxaa soo ...