Kacdoonadii Shacabka Ogadenia oo Dhul Badan Kufaafay.

Wararka naga soo gaadhaya wadanka Ogadenia ayaa sheegaya in kacdoonadii shacabku ay kufideen deegaano aad ubadan cusub oo katirsan wadanka lagumaysto ee Ogadenia.

Sida aan lawada soconay kacdoono waawayn oo lagu diidan yahay maamulka Jigjiga iyo kooxda EPRDF ee soo dirsatay ayaa todobaadkan kasocday Gobolka Shiniile (siti) ee galbeedka Ogadenia waxaana lasoconay in shacabka ree Shiniile ay maamul kusheega Gobolka kajira kacaydhiyeen inta badan Gobolka.

Kacdoono cusub ayaa laga soo sheegayaa deegaano badan oo Ogadenia katirsan waxaana kamid ah dhulka ay shalay kacdoonadu kadhaceen Dagmada Awaare ee Gobolka Jarar, halkaas oo sida lasheegayo ay dibada isugu soobaxeen dadwayne aad ubadan oo kasoo horjeeda kooxda dabaqoodhiga ah ee gumaysiga u adeegta.

Sidoo kale kacdoono shacab oo aad uwayn ayaa shalay kadhacay magaalada Raaso, waxaana lasheegayaa in dadka ree Raaso ay kujiraan abaabul ay doonayaan in ay kaga xoroobaan kooxda dabaqoodhiga ah.

Sidoo kale waxaa dibada isugu soobaxay dadka shacabka ah ee kudhaqan magaalada Dhagaxle oo Dagmada Jigjiga katirsan, waxaana lasheegayaa in ciidanka Layuu Police ka looyaqaano ay rasaas kufureen dadkii shacabka ahaa halkaas oo ay kudhimatay haweenay 75 jir ah oo shacab ah.

Dhinaca kale dhalinta magaalada Dhagaxle ayaa dabqabadsiiyay midkamid ah baabuurtii ay wateen ciidanka Hawaarintu, waxaana lasheegayaa in uu dhamaantii gubtay.

Sidoo kale kacdoon aad uculus ayaa kadhacay magaalada Dirdabe, halkaas oo ciidamada gumaysigu ay xidheen dhalin yaro aad ubadan oo shacab ah, kuwaas oo xidhnaa funaanado uu kuqoran yahay magaca Raysalwasaaraha cusub ee Itoobiya.

Iskusoo wada duub oo kacdoonada shacabka Soomaalida Ogadenia ayaa lagu wadaa in ay kusii fidaan dhamaan dhulka Ogadenia.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

Daawo dabaal dagii iyo soo dhawayntii OYSU ee Jigjiga
- Aug 17, 2018
Daawo Muuqaal Muujinaya Qaabkii Ururka O Y S U Loogusoo dhaweeyay Jigjiga Iyo Dabaaldaga.
Khadar dheere- Madaxa xarunta dhexe XDSHS Maxamed rashiid isaaq- afhayeenki baarlamaanka
- Aug 17, 2018
Khadar dheere- Madaxa xarunta dhexe XDSHS Maxamed rashiid isaaq- afhayeenki baarlamaank DDS Cabdi jamaal- wasiirki cadaalada Ibraahim ...
Maraykanka oo sheegay inuu Turkiga ku soo rogayo cunaqabatayn dheeraad ah
- Aug 17, 2018
Dowlada Maraykanka ayaa wacad ku martay inay wadanka Turkiga ku soo rogayso cunaqabatayn dheeraad ...
Shir Mucaaradka Itoobiya Ay Addis Ababa Kulahaayeen oo Burburay.
- Aug 17, 2018
Waxaa magaalada Addis Ababa lagu qabtay shir balaadhan oo ay kasoo qayb galeen in ...
Daawo:Wararkii ugu danbeeyay Maglada Jigjiga iyo Wafdigii OYSU oo wali halkasi
- Aug 17, 2018
Daawo:Wararkii ugu danbeeyay Maglada Jigjiga iyo Wafdigii OYSU oo wali halkasi  
Daawo Maamulka O Y S U oo jigjiga Kaqudbaynaya
- Aug 17, 2018
Waxaa Magaalada Jigjiga Gaaray Xubno Kasocda Ururka Dhalinyada Oysu Kuwaasi Oo Shaqooyin Midaynta Iyo ...
Daawo Xaaji Ali Shoocaac oo Markii Ugu Horaysay Shacabka Lahadlay Tagitaankii Abdi Ilay kadib
- Aug 17, 2018
Waxaa Markii Ugu Horaysay Shacabka Lahadlay Xaaji Ali Shoocaac Oo Shacabka Lahadlay Uguna baaqay ...
Xuska Sanadguurada 34 ee JWXO oo Dhagaxlay Lagu Qabtay.
- Aug 17, 2018
Maanta oo Khamiis ah taariikhduna ay kubeegantahay 16/8/18 waxaa xerada qoxootiga Dhagaxlay laga xusay ...
Daawo Qoomiyada Tigreyga oo Shaaciyay Inay go’ayaan
- Aug 16, 2018
Waxaa Kasii Daraysa Xaaalada Ethiopia Kadib Markii Tigregu sheegeen Inay ka Go'een Itoobiya Warkaas ...
Daawo Qosolka Aduunka Wariye Cawke Su’aalihii ugu Qosolka Badnaa
- Aug 16, 2018
Qosolka Aduunka Wariye Cawke Su'aalihii ugu Qosolka Badnaa