Gabi ahaan ab waxaa la soo gabagabeeyay ololihii doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Musharaxiintiina waxay galeen gudaha.

Ololihii ugu dambeeyay ayaa ka socda magaalada Muqdisho, kaasoo ay wadaan Musharaxiinta u taagan xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka, waxaana tan iyo xalay Hotelada Muqdisho ka socday kulamo aan loo kala kicin.

Ololaha ugu xoogga badan ayaa dhici doona caawa, waxaana magaalada ay noqon doonta mid aan laga seexan, marka loo eego sida Musharax walba iyo kooxdiisa ololaha ay dadaal ugu geli doonaan taageerada Xildhibaanada, si ay codkooda u helaan.

Musharaxiinta u taagan xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo gaaraya 11 Musharax ayaa halgan iyo olole badan waday labadii maalmood ee la soo dhaafay, iyadoo la sheegayo in Musharaxiinta ay ku kala xoog badan yihiin Ololaha socda,

Illaa iyo hada Musharaxiinta ugu cad cad ayaa waxaa ka mid ah Ibraahim Isaaq Yarow, C/casiis Lafta Gareen, Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, Shariif Maxamed Cabdalla, Maxamuud Macalin Yaxye, Xaaji Cali iyo kuwa kale.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Xukuumadda iyo Madaxtooyada ay wataan hal musharax ah, inkastoo warar kala duwan ay ka soo baxayaan Musharaxa ay sida toos u taageerayaan, waxaana hadal heyntu tahay Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.

Waxaa aad u yar saadaasha cida noqon doonta Guddoomiyaha xiga ee Golaha Shacabka, marka loo eego heerarka Musharaxiinta iyo awoodahooda oo ah kuwo isla siman, waxaana saacad walba la filan karaan in wax is bedelaan oo Musharax aan la fileyn uu guuleysto.

Dadka odorasa siyaasadda ayaa sheegaya in Musharax kasta oo Madaxtooyadda iyo Xukuumadda wataan uu la kulmi doono culeys, isla markaana la isugu wada tagi doono ama loo midoobi doono, marka loo eego taariikho horay u dhacay oo Musharaxiin dowladda wadatay oo gabagabadii Tartanka lagu qaaday Washamsi.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

Saraakiishii Tigreega Ahaa oo Labahdilay & Samore Yonis oo Cabanaya.
- May 22, 2018
Wararka naga soo gaadhaya wadanka Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in saraakiisha ciidamada wayaanaha uu ...
Daawo Ethiopia Oo Loo Raray Kaydkii Shidaalka Haamaha Berbera Ee Somaliland
- May 22, 2018
Waxaa Laga soo Darinaayay In Shidaal La'aan ba'ani Kajirto Ethiopia Hadaba waxaa soo baxaysa ...
Daawo DEG DEG Sheikh Hassan Dahir Aweys oo Ammaan kala Dul dhacay Amina Muse & Naimo Qorane
- May 22, 2018
Sheikh Hassan Dahir Aweys oo Xabsi Guri ku Ah Magaalada Muqdisho ayaa Ammaan kala ...
Dalkii 3aad oo Safaaradiisa Ka Furtay Magaalada Al-Qudus.
- May 22, 2018
Dalka Paraguay ayaa shalay safaarad ka furtay magaalada Qudus, wuxuuna noqday dalkii saddexaad ee ...
Roobab Duufaan Watay oo Soomaaliya Ku Dhuftay & Khasaare Ka Dhashay.
- May 22, 2018
In ka badan 20 qof ayaa la rumaysan yahay inay ku geeriyootay halka kumannaan ...
Musuq-Maasuq Hadheeyay Masuuliinta Soomaaliyeed.
- May 22, 2018
Iyadoo lagu wado in 28ka bishan May magaalada Geneva ee dalka Switzerland uu ka ...
Saraakiishii Tigreega Ahaa oo Labahdilay & Samore Yonis oo Cabanaya.
- May 22, 2018
Wararka naga soo gaadhaya wadanka Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in saraakiisha ciidamada wayaanaha uu ...
DEG DEG Daawo Madaxweyne Erdogen oo Shirqool dil ka Bad Baadey
- May 21, 2018
Waxaa horay Loogu Guul Daraystay Iskuday Afgambi Kadhan ahaa Madaxwayne Ordogan Hadana waxaa soo ...
Daawo Risal Wasaaraha Ethiopia Oo Soo Daayey 1,000 Maxaabiis Ethiopian Ah Oo Ku Xirnaa Saudi Arabia
- May 21, 2018
Dhaq Dhaqaaq yada Cusub ee uu layimid Risal Wasaaraha Ethiopia Waxaa Kamida Soodaynta 1,000 ...
Daawo Magaalada Godey oo Bisha Ramadaan Waxaa kusoo Batay Furniinka Dumarka
- May 21, 2018
Magaalada Godey oo Bisha Ramadaan Waxaa kusoo Batay Furniinka Dumarka