Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta la dooranayo

Waxaa lagu wadaa maanta oo Isniin ah in magaalada Muqdisho lagu qabto doorashada guddoomiyaha Baarlamaanka Golaha Shacabka oo ay u tartamayaan ilaa 11 Musharax.

Musharaxaiinta u taagan qabashada xilka guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa kala ah Ibraahim Isaaq Yarow, C/casiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen), Cali Sheekh Maxamed (Xaaji Cali), Saalim Caliyow Ibroow, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe), Idiris Cabdi Dhaqtar, Xildhibaan Shariif Sheekhunaa Maye, Xildhibaan Maxamed Sh. C/raxmaan Mursal, Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla, Xildhibaan Maxamud Macalin Yaxye iyo Xildhibaan Iimaan C/laahi Nuur.

Gudoomiyaha Guddiga doorashada Xildhibaan Nuur Iidow Bayle ayaa warbaahinta u sheegay in maanta ay dhaceyso doorashada, ayna rajeynayaan in si wanaagsan ay ku qabsoonto.

Hotelada qaar ee Magaalada Muqdisho xalay waxaa ka dhacay kulamo gaar gaar ah oo lagu kala jiidanayo xildhibaanada Baarlamaanka, maadaama doorashada keliya ay ka harsan tahay saacado qura.

Waxaa ay jira eedeymo loo jeedinayo xukuumadda Soomaaliya oo la xiriira in ay wadato ama gadaal ka riixeyso musharax gaar ah, balse waxaa laga dhawr sugayaa sida ay maanta wax u dhacaan.

Ciidamada Booliska Soomaaliya oo caawimaad ka helaya kuwa AMISOM ayaa aad u adkeeyay ammaanka wadooyinka hormara xarunta Golaha Shacabka oo Doorashada ay ka dhaceyso.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

Kacdoono Kabilowday Gobolka Liibaan Ee Wadanka Ogadenia.
- May 25, 2018
Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Liibaan ee Koonfurta wadanka lagumaysto ee Ogadenia ayaa sheegaya ...
Daawo Muuqaal Kooban Oo Galabta laga Soo Duubay Jiida dagaalka Tukaraq
- May 25, 2018
Dagaalkii Tukaraq Oo Khasaare Badan Dhaliyay Hadaba Daawo Muuqaal Kooban Oo Galabta laga Soo ...
Masaajid Addis Ababa Lagu Dumiyay & Xiisad Kadhalatay.
- May 25, 2018
Wararka naga soo gaadhaya magaalada Addis Ababa ee xarunta Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya khilaaf ...
Saraakiisha Tigreega & Odayaasha Soomaalida oo Siwayn Isu Maandhaafsan.
- May 25, 2018
Wararka naga soo gaadhaya wadanka Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in saraakiisha Tigreega ee wali ...
Deg Deg: Kacdoono Kabilowday Gobolka Liibaan Ee Wadanka Ogadenia.
- May 25, 2018
Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Liibaan ee Koonfurta wadanka lagumaysto ee Ogadenia ayaa sheegaya ...
DEG DEG Wararkii Ugu Dambeeyey Dagaalkii Tukaraq ee Xalay Dhacay
- May 24, 2018
Daawo Dagaal Kulul Oo Mar la baad saakay Kabilawday Tukaraq HALKAN KA DAAWO
CAYDA SHACABKEYGA LOO SAFAY WAA CIQAAB LAGU QASBAY.
- May 24, 2018
Hordhac.. Marka hore inta aanan u jeedada qoraalkeygan een ugu magac daray ciwaanka kore ...
majiro cadow uga arxan-daran Cabdi iley laakiin Cabdi iley oo tagaa; ma’aha gumaysigii oo tagay, mana’aha dhammaadkii dulmiga.
- May 24, 2018
Waa markii imisaad?. Dadka reer Soomaaligalbeed horay uma soo marin, haddana majiro cadow uga ...
H. Warfaafinta JWXO oo Siminaar Saxaafadeed Usoo Xidhay Xubno Cusub.
- May 24, 2018
Gudoomiyaha hogaanka warfaafinta JWXO Mudane Hassan Moalin ayaa wuxuu usoo xidhay siminaar dhinaca saxaafada ...
Dilal Qorsheysan oo Laga Fuliyay Magaalada Muqdisho.
- May 24, 2018
Koox sheegatay in ay yihiin Daacish ayaa internetka kusoo bandhigay muuqaalo muujinaya askari dowladda ...