Mas’uuliyiinta OYSU oo Kulan Dhinaca Isgaadhsiinta Ah Isugu Yimid

Shalay oo Axad ahayd taariikhduna ay kubeegnayd 29/4/18 waxaa shir balaadhan oo dhinaca isgaadhsiinta ah isugu yimid howl-wadeenada Ururka Dhalinta iyo Ardayda Ogadenia OYSU, kuwaas oo kukala sugnaa qaaradaha aduunka.

Shirkan dhinaca khadka Taleefoonka ah oo aad ubalaadhnaa waxaa kasoo qayb galay howl-wadeenka faracyada OYSU ee qaarada Africa iyo dhamaan xidhiidhiye yaasha ururka OYSU ee qaaradaha oo dhan iyo waliba hogaanka abaabulka ee ururka OYSU ee heer aduun.

Kulankan oo ahaa kulan abuubul iyo shaqo qaybsi ah ayaa furmay abaare 3:00pm xiliga Afrikada bari, waxaana sidii caadiga ahayd lagu furay aayado kamid ah qur’aanka kariimka ah iyo wacdi diini ah, waxaana kulanka warbixin dheer kasoo jeediyay Hogaanka Abaabulka ee Ururka OYSU ee heer aduun halgame Deeq Cali, sidoo kale waxaa warbixin waafi ah dhiibay dhamaan mas’uuliyiinta kulanka sooxaadirtay oo uu shir gudoominayay Halgame Cabdiraxmaan Faarax.

Intaas kadib waxaa laguda galay ajandayaashii kulanka waxaana laguda galay kala warqaadasho iyo isbarasho, waxaana sitoos ah looga hadlay qodobka ugu waynaa ajandayaasha oo ahaa abaabulka dhalinta Soomaalida Ogadenia ee dunida dacaladeeda kukala nool iyo waliba sare uqaadida shaqooyinka ururka OYSU.

Dhamaan mas’uuliyiintii kulanka soo xaadiray ayaa isla qaadaa dhigay sifiicana uga wadahadlay sidii loo dardar galin lahaa howlaha shaqo ee uyaala ururka OYSU, iyo waliba sidii looga midha dhalin lahaa xilka culus ee dhalintu ay qaadeen.

Sidoo kale mas’uuliyiintii dhalinta OYSU ee kulanka sooxaadirtay ayaa isla rogrogay sidii looxoojin lahaa kacdoonka guud ee shacabka Soomaalida Ogadenia ay kaga soo horjeedaan gumaysiga, isla markaana loodiyaarin lahaa kacdoon guud oo kadhaca gudaha iyo dibada wadanka Ogadenia.

Mas’uuliyiinta kulanka soo xaadiray ayaa sidoo kale isla qiray in shacabka Soomaalida Ogadenia uu diyaar uyahay in ay gumaysiga iyo duliga iska dulqaadaan, hase yeeshee waxay dhalintu isla taabteen in loobaahan yahay abaabul intan kasii badan.

Gabagabadii kulanka oo soo dhamaaday xili dambe oo makhribkii ah ayaa kusoo dhamaaday si guul ah waxayna dhalintu isla kulanka kuqaybsadeen shaqooyin aad muhiim u ah oo dalka iyo dadka Soomaalida Ogadenia dan u ah.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

Daawo dabaal dagii iyo soo dhawayntii OYSU ee Jigjiga
- Aug 17, 2018
Daawo Muuqaal Muujinaya Qaabkii Ururka O Y S U Loogusoo dhaweeyay Jigjiga Iyo Dabaaldaga.
Khadar dheere- Madaxa xarunta dhexe XDSHS Maxamed rashiid isaaq- afhayeenki baarlamaanka
- Aug 17, 2018
Khadar dheere- Madaxa xarunta dhexe XDSHS Maxamed rashiid isaaq- afhayeenki baarlamaank DDS Cabdi jamaal- wasiirki cadaalada Ibraahim ...
Maraykanka oo sheegay inuu Turkiga ku soo rogayo cunaqabatayn dheeraad ah
- Aug 17, 2018
Dowlada Maraykanka ayaa wacad ku martay inay wadanka Turkiga ku soo rogayso cunaqabatayn dheeraad ...
Shir Mucaaradka Itoobiya Ay Addis Ababa Kulahaayeen oo Burburay.
- Aug 17, 2018
Waxaa magaalada Addis Ababa lagu qabtay shir balaadhan oo ay kasoo qayb galeen in ...
Daawo:Wararkii ugu danbeeyay Maglada Jigjiga iyo Wafdigii OYSU oo wali halkasi
- Aug 17, 2018
Daawo:Wararkii ugu danbeeyay Maglada Jigjiga iyo Wafdigii OYSU oo wali halkasi  
Daawo Maamulka O Y S U oo jigjiga Kaqudbaynaya
- Aug 17, 2018
Waxaa Magaalada Jigjiga Gaaray Xubno Kasocda Ururka Dhalinyada Oysu Kuwaasi Oo Shaqooyin Midaynta Iyo ...
Daawo Xaaji Ali Shoocaac oo Markii Ugu Horaysay Shacabka Lahadlay Tagitaankii Abdi Ilay kadib
- Aug 17, 2018
Waxaa Markii Ugu Horaysay Shacabka Lahadlay Xaaji Ali Shoocaac Oo Shacabka Lahadlay Uguna baaqay ...
Xuska Sanadguurada 34 ee JWXO oo Dhagaxlay Lagu Qabtay.
- Aug 17, 2018
Maanta oo Khamiis ah taariikhduna ay kubeegantahay 16/8/18 waxaa xerada qoxootiga Dhagaxlay laga xusay ...
Daawo Qoomiyada Tigreyga oo Shaaciyay Inay go’ayaan
- Aug 16, 2018
Waxaa Kasii Daraysa Xaaalada Ethiopia Kadib Markii Tigregu sheegeen Inay ka Go'een Itoobiya Warkaas ...
Daawo Qosolka Aduunka Wariye Cawke Su’aalihii ugu Qosolka Badnaa
- Aug 16, 2018
Qosolka Aduunka Wariye Cawke Su'aalihii ugu Qosolka Badnaa