Ciidammada Maraykanka oon dhayil ku dhaafi doonin ciidda Kuuriyada Koonfureed

Dawladda Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegay in ciidammada Maraykanka ee dalkooda ku sugan ay sii joogi doonaan, xataa haddii ay galaan heshiis si buuxda loogu soo afjaro colaadda kala dhaxaysa Kuuriyada Waqooyi.

Ciidammo lagu qiyaasay 29,000 oo askarta Maraykanka ah ayaa ku sugan Kuuriyada Koonfureed, waxayna qayb ka yihiin heshiis la gaaray markii uu dagaalku dhammaaday 1953.

Kuuriyada Waqooyi ayaa horay u sheegtay in ay ka tanaasulayso hubkeeda nukliyeerka ah waxayse shuruud ka dhigtay in ciidammada Maraykanku ay ka baxaan gacanka Kuuriya.

Laakiin afhayeen u hadlay dawladda Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegay in joogitaankoodu “uusan shuqul ku lahayn sixiixidda heshiis nabadeed”.

“Ciidammada Maraykanka ee ku sugan Kuuriyada Koonfureed waa mawduuc ku saabsan xulafanimada Kuuriyada Koonfureed iyo dalka Maraykanka”, ayuu yiri Kim Eui-kyeom oo u hadlay madaxweyne Moon Jae-in.

Kulankii ay Jimcihii yeesheen Moon iyo hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un ayay labada masuul ku heshiiyeen in ay ka wada shaqeeyaan sidii nukliyeerka looga ciribtiri lahaa gacanka Kuuriya iyo in la sixiixo heshiis si rasmi ah loogu soo afjarayo dagaalkii dhexmaray labada Kuuriya.

Dagaalka labada dal ayaa dhammaaday 1953 ka dib markii ay isku afgarteen in hubka la dhigo, farsamo ahaanna waxay ka dhigan tahay in xaaladdii dagaalku ay wali taagan tahay.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

Daawo O N L F Iyo Urur kale oo heshiis dhexmaray
- Aug 19, 2018
Daawo Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogaadeeniya Oo Kaduulaysa hawlgalka ay qaadatay ee Midaynta Bulshada soomaalida ...
Daawo Xubnaha Ugu Muhiimsan Baarlamaanka Puntaland Oo Mooshin ka keenay DP World
- Aug 19, 2018
Shirkada D P World oo soomaaliya dhowr jeer oo hore galisay Buuq siyaasadeed Ayaa ...
Daawo Kaladadii Siyaasadeed Ee Farmaajo Galay Intuu Xilka Hayay
- Aug 19, 2018
Waxaa Jira Khalaad badan Oo Ay Ku dhaliilaan wax garad ka iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed ...
Daawo:Ujeed safarkii Madaxwayne Farmaajo iyo qodobadii ka soobaxay Kulankii Ismaciil Cumar Geele .
- Aug 18, 2018
Daawo:Ujeed safarkii Madaxwayne Farmaajo iyo qodobadii ka soobaxay Kulankii Ismaciil Cumar Geele .
Daawo Ciidamada liyuu police ka iyo War cusub oo kasoo baxay
- Aug 18, 2018
Xaalada Ciidamada New poliska oo waayadanba Qasnayd ayaa waxaa kasoo baxaysa War Kaduwan Kii ...
Daawo :Dhagaxbuur oo laga xusay Sanadguuradii ONLF iyo Wararkii ugu danbeeyay Magaalada Jigjiga
- Aug 18, 2018
Daawo :Dhagaxbuur oo laga xusay Sanadguuradii ONLF iyo Wararkii ugu danbeeyay Magaalada Jigjiga
Deg Deg Itoobiya oo Ciidankeeda Kala Baxaysa Xuduuda Eritrea.
- Aug 18, 2018
Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in Ciidamadeeda ku sugnaa Jiidda hore ee xuduuda Eritrea ...
Daawo Sheekh Xasaan Oo Ka hadlay Taariikhda Geesiyada Soomaaliyeed
- Aug 18, 2018
Sheekh Xasaan ayaa Khudbad uu qabtay Kudheeraaday Soomaalida Geesinimadeeda iyo Sidayna Marnaba Gumaysi U ...
Daawo Warkii Ugu Dambeeyay Ee Ogadeniya
- Aug 18, 2018
Waxaa Kasii Daraya Xaalada Amaan ee Ethiopia Iyo Mida Ogaadeeniyaba Hadaba halkan kadaawo Warkii ...
Daawo CIIDAMADA Puntland OO saaka Lawareegay Saldhigyadii
- Aug 18, 2018
Ciidamada Maamulka Puntland ayaa Saaka weerar ku ekeeyay Deegaano ay Alshabaab haysteen . waxaa soo ...