Cabdi iley oo shalay Odayaasha beesha Hawiye lashirey!!

Cabdi iley oo shalay Odayaasha beesha Hawiye lashirey!

Shir Saacado badan Qaatay ayaa Shalay Labadii galin dhex maray Cabdi iley iyo Beelaha hawiye ee Deegaanka wuxuu usoo bandhigay Shuruudo oo uu ku xujeeyay haday intaasi sameeyaan in uu Xuquuqdooda siin doono

Shuruudaha uu Cabdi iley beelahan usoo jeediyay waxaa kamida:-

1.inaysan Ku biirin Kacdoonka iyo mudaharaadyada Cabdi iley looga soo horjeedo iyo Dacwadaha Maxkamada Hegue iyo Faderalka

2. Inaysan sheegin Xasuuqyadii Deegaamadooda ka dhacay intii uu Cabdi iley xilka hayay sida Xasuuqyadii

1. Dundumo Cadka Deg.Fiiq

2. Cali itoobiya Deg.Baabili

3. Dhadhamane Deg. Baabili

4. Laba baar Deg. Shilaabo

5. iimey galbeed

6.Shuubo Deg. Qalaafe

7. Saddex baar Deg. Mustaxiil

8. Qabale Deg.Feer feer ka tirsan xaga xuduuda xiga

9. Gaxandhaale Deg. Galaadi

10. Inaysan soo hadal Qaadin siideynta maxaabiista ka xidhan iyo Magta Dadkoodii ay liyuu police ku xasuuqeen

11. Inay Difaacaan Shirarka Faderaalka iyo Kan Deegaanka
Degmooyinkoodana Isusoo bax taageero u sameeyaan Cabdi iley

Geesta kale Cabdi iley wuxuu ubalan qaaday inuu usameynayo

1. Wasiir ku xigeen

2. 5 Gudoomiye Degmo iyo madax xafiiseedyadii ay lahaayeen inuu soocelin doono

3. Odayaashan inuu Mushaar joogto ah bishii inay Qaadan doonaan 5000 birr

4. Inuu ushaqaaleysiin doono 200 ruux heer Degmo iyo heer Deegaan

5. Wuxuu u balan qaaday inuu Mustawaqa ufasixi doono Degmooyinkooda maadaama Horay uu uga joojiyay

Shirku Wax Aqoonyahan ah iyo Dhalinyaro looma ogoleyn kaliya odayaal lasoo xulay iyo Ugaasyadooda unbaa Ka qaybgalay Odayaashan oo Laga soo xulay Degmooyinka

-Hawiyoow Shalay Cabdi iley Sawkii idin Xasuuqayay ee Dadkiinu magaca uu ku dilayay xitaa iyagoo sharci aqoonsi ah wata la beegsanayay maanta miyuu idiin baahday war diida Maanta ayaad Wakhti haaysataan ee Dheg ha u dhigina isa soo dhaafiya Canaasiirta Dhulkiina joogta ee isaga u shaqeysa

Xaq baad u leedihiin waxa uu idinkula heshiiyay balse ma aha dhiigii shacabkiina inaad uga badalataan

Wuu Socdaaye is raaciya oo kacdoonka kusoo biira

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

Daawo dabaal dagii iyo soo dhawayntii OYSU ee Jigjiga
- Aug 17, 2018
Daawo Muuqaal Muujinaya Qaabkii Ururka O Y S U Loogusoo dhaweeyay Jigjiga Iyo Dabaaldaga.
Khadar dheere- Madaxa xarunta dhexe XDSHS Maxamed rashiid isaaq- afhayeenki baarlamaanka
- Aug 17, 2018
Khadar dheere- Madaxa xarunta dhexe XDSHS Maxamed rashiid isaaq- afhayeenki baarlamaank DDS Cabdi jamaal- wasiirki cadaalada Ibraahim ...
Maraykanka oo sheegay inuu Turkiga ku soo rogayo cunaqabatayn dheeraad ah
- Aug 17, 2018
Dowlada Maraykanka ayaa wacad ku martay inay wadanka Turkiga ku soo rogayso cunaqabatayn dheeraad ...
Shir Mucaaradka Itoobiya Ay Addis Ababa Kulahaayeen oo Burburay.
- Aug 17, 2018
Waxaa magaalada Addis Ababa lagu qabtay shir balaadhan oo ay kasoo qayb galeen in ...
Daawo:Wararkii ugu danbeeyay Maglada Jigjiga iyo Wafdigii OYSU oo wali halkasi
- Aug 17, 2018
Daawo:Wararkii ugu danbeeyay Maglada Jigjiga iyo Wafdigii OYSU oo wali halkasi  
Daawo Maamulka O Y S U oo jigjiga Kaqudbaynaya
- Aug 17, 2018
Waxaa Magaalada Jigjiga Gaaray Xubno Kasocda Ururka Dhalinyada Oysu Kuwaasi Oo Shaqooyin Midaynta Iyo ...
Daawo Xaaji Ali Shoocaac oo Markii Ugu Horaysay Shacabka Lahadlay Tagitaankii Abdi Ilay kadib
- Aug 17, 2018
Waxaa Markii Ugu Horaysay Shacabka Lahadlay Xaaji Ali Shoocaac Oo Shacabka Lahadlay Uguna baaqay ...
Xuska Sanadguurada 34 ee JWXO oo Dhagaxlay Lagu Qabtay.
- Aug 17, 2018
Maanta oo Khamiis ah taariikhduna ay kubeegantahay 16/8/18 waxaa xerada qoxootiga Dhagaxlay laga xusay ...
Daawo Qoomiyada Tigreyga oo Shaaciyay Inay go’ayaan
- Aug 16, 2018
Waxaa Kasii Daraysa Xaaalada Ethiopia Kadib Markii Tigregu sheegeen Inay ka Go'een Itoobiya Warkaas ...
Daawo Qosolka Aduunka Wariye Cawke Su’aalihii ugu Qosolka Badnaa
- Aug 16, 2018
Qosolka Aduunka Wariye Cawke Su'aalihii ugu Qosolka Badnaa