Morocco oo Xidhiidhka U Jartay Iran, Ogow Sababta.

Boqortooyada Morocco ayaa ku eedaysay Dowlada Iran inay taageero militari siineyso Jabhada u dagaalameysa madax-banaanida dhulka Galbeedka Sahara.

Morocco ayaa sheegtay in Tehran ay maalgeliso Jabhada (Polisario Front) oo u dagaalanta xoriyada dhulka Galbeedka Sahara oo ay Morocco gumaysato. Wasaarada Arrimaha Dibada ee Morocco ayaa sheegtay inay xidhi doonto Safaarada ay ku leedahay Tehran. Waxayna dowlada Morocco sheegtay inay dalkeeda ka saari doonto Safiirka Iran u fadhiyey wadankooda.

Nasser Bourita, Wasiirka Arrimaha Dibada ee Morocco ayaa sheegay in ay hayaan cadeyn taageerada Iran siiso Jabhada uu dagaalka kala dhaxeeyo. Wasiirka ayaa sheegay in bishii lasoo dhaafay kooxda Xisbullah ay jabhadaasi u keentay gantaalada lidka diyaaradaha ee SAM9, SAM11 iyo Strela missiles.

Kooxda Xisbullah oo fadhigoodu yahay dalka Libnaan ayaa beenisey warka kasoo baxay Morocco, iyagoo sheegay in eedeyntan dowlada Morocco ay ku cadaadiyeen xulafadooda Maraykanka, Sacuudiga iyo Israel. Dowlada Iran ayaan weli ka jawaabin go’aanka kasoo baxay Rabbat.

Galbeedka Sahara waa mid la isku heysto tan iyo sanadkii 1975-tii kadib markii dhulkaasi saxaraha ah ay ka baxday dowlada Spain oo horey u maamuli jirtay, waxaana xiligaasi sheegtay dowladaha Morocco, Muritaniya iyo kooxda Polisario oo iyadu taageero ka helaysa Aljeeriya. Inkastoo dalka Muritaniya uu xili danbe loolankaasi isaga baxay, ayaa hadana waxaa weli socda dagaalka u dhaxeeya Morocco iyo Polisario oo isku haya maamulida dhulkaasi.

Hadalka kasoo baxay Morocco ayaa kusoo beegmay xili dalalka Carabta ee xulafada la ah Sacuudiga ay olole ugu jiraan in la burburiyo heshiiskii Iran ee Nukliyeerka, iyagoo ku doodaya in xayiraada dhaqaale ee laga qaaday Iran ay u fududeysay in Tehran ayaa dar dar geliso maalgelinta jabhadaha ay u adeegsato wadamada Carabta

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad




Wararka

Daawo O N L F Iyo Urur kale oo heshiis dhexmaray
- Aug 19, 2018
Daawo Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogaadeeniya Oo Kaduulaysa hawlgalka ay qaadatay ee Midaynta Bulshada soomaalida ...
Daawo Xubnaha Ugu Muhiimsan Baarlamaanka Puntaland Oo Mooshin ka keenay DP World
- Aug 19, 2018
Shirkada D P World oo soomaaliya dhowr jeer oo hore galisay Buuq siyaasadeed Ayaa ...
Daawo Kaladadii Siyaasadeed Ee Farmaajo Galay Intuu Xilka Hayay
- Aug 19, 2018
Waxaa Jira Khalaad badan Oo Ay Ku dhaliilaan wax garad ka iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed ...
Daawo:Ujeed safarkii Madaxwayne Farmaajo iyo qodobadii ka soobaxay Kulankii Ismaciil Cumar Geele .
- Aug 18, 2018
Daawo:Ujeed safarkii Madaxwayne Farmaajo iyo qodobadii ka soobaxay Kulankii Ismaciil Cumar Geele .
Daawo Ciidamada liyuu police ka iyo War cusub oo kasoo baxay
- Aug 18, 2018
Xaalada Ciidamada New poliska oo waayadanba Qasnayd ayaa waxaa kasoo baxaysa War Kaduwan Kii ...
Daawo :Dhagaxbuur oo laga xusay Sanadguuradii ONLF iyo Wararkii ugu danbeeyay Magaalada Jigjiga
- Aug 18, 2018
Daawo :Dhagaxbuur oo laga xusay Sanadguuradii ONLF iyo Wararkii ugu danbeeyay Magaalada Jigjiga
Deg Deg Itoobiya oo Ciidankeeda Kala Baxaysa Xuduuda Eritrea.
- Aug 18, 2018
Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in Ciidamadeeda ku sugnaa Jiidda hore ee xuduuda Eritrea ...
Daawo Sheekh Xasaan Oo Ka hadlay Taariikhda Geesiyada Soomaaliyeed
- Aug 18, 2018
Sheekh Xasaan ayaa Khudbad uu qabtay Kudheeraaday Soomaalida Geesinimadeeda iyo Sidayna Marnaba Gumaysi U ...
Daawo Warkii Ugu Dambeeyay Ee Ogadeniya
- Aug 18, 2018
Waxaa Kasii Daraya Xaalada Amaan ee Ethiopia Iyo Mida Ogaadeeniyaba Hadaba halkan kadaawo Warkii ...
Daawo CIIDAMADA Puntland OO saaka Lawareegay Saldhigyadii
- Aug 18, 2018
Ciidamada Maamulka Puntland ayaa Saaka weerar ku ekeeyay Deegaano ay Alshabaab haysteen . waxaa soo ...